Home » Warar »

Dagaallo ka dhacay Magaalooyinka B/weyne iyo Muqdisho

Dagaaladan oo si isku mid ah uga kala dhacay magaaloyinka B/weyne iyo Muqdisho waxaa daba socdaan dagaalada maalmihii la soo dhafay ay isaga horimanayeen Ciidamada Dowlada Faradalka KMG somaliya ,AMISOM,Ciidamada Ahlu suna waljameeca ,xarakada Mujaahidiinta Alshaaba,iyo ururka xisbul islaam  kuwaa oo ka dhacay Magaalooyin iyo gobolo kala duwan waxaana dagaalkii saaka ka dhacay Muqdisho uu u badnaa duqeymo ,madaafiic iyo qoryahay lidka diyaradaha oo dadka degaanka hurdada uga kaceen dhawaqooda .

Dagaalkii saaka oo socday sacado kooban ayaa waxaa uu ka dhacay xaafada Kaasa bobolaare ee dagmad ahodan waxaana uu u dhaxeyey ururka xisbul islaam iyo ciidamada dowlada Fadaraalka KMG somaliya

Duqeymihii saaka oo laga maqlayey dafamaha iyo gudaha Magaalada Muqdisho ayaan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee uu geystay mana jiraan cid si toos ah uga hadashay dhinacyadii dagaalkaa hogaaminayey  .

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in hada ay xabadii  iskeed u joogsatay mana jiraan wax lakala qabsaday sida dhul ,hub ,iyo ciidan .

Dhanka kale Magaalada B/weyne oo shalay dagaal qaraar ka dhacay isla markana afrata xaafradood ay kala joogeen ciidamada Xisbul islaam iyo ciidamo la sheegay in ay wataan maamulkii hore ee gobolka hiiraan kuna biirey ciidamada ahlu suna waljameeca .

Dagaalka saaka ayaa waxaa hogaminayo  cidamada ahlu sdunnah waljameeca adan cabdule cawaale oo ku biiritaanka cidamada ahlu suna ku macneeyey in uu xaga dowlada ka waayeen wax takuleyn ah iyo gurmada .
Dagaalada ayaa markale dib uga bilowday gudaha magaalada B/weyne gaar ahaa dhinaca bari ee magaalada dagaalkaan saaka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa cidamada xisbul islaam iyo ciidamad ahlu sunnah oo ka kooban maamulkii hore ee gobvolka hiiraan hada ku dagalamaya Magaca ahlu sunah ujeedo kasta haka lahaadeene .

waxaa hada ku sugan oo lagu arkayaa agaarka saldhiga boliska iyo dhismaha gobolka ,ilaa wadada dheer ee gudaha u gashay magaalada B/weyne cidamada xisbl islaam .

Cidamadii ahlu suna wal jameeca ee weerarka ku soo qaaday Magalada B/weyne ayaa hada warka laga helayo magalada B/weyne waxay sheegayaan in ay dib ugursho bilaabeen waxayna ka baxeen qeybo ka mid ah xafadaha ku yaal dhanka qarax kasoo bax ee Magaalada B/weyne oo ay shalay qabsadeen .

Dhawaqarisaasta noocyadeda kala duwan ayaa si aad ah looga maqlayaa xaafdaha nuur xawaad iyo xaafadaha kale ee u dhowdhow ilaa buurta janta kundhishe ee duleedka bari ee Magaalada

Waxaana gudaha magaalada lagu arkayaa ciidamada ururka xisbul islaam oo kaliye balse dhawaqa iyo hugunka madaafiicda labada dhinac ay isweydaarsanayaan ayaa sii xoogeysanaya marba marka ka danbeeya .
Dagaalada ayaa xalay iyo saaka waabarigi ahaa kuwo goos goos ah balse markii waagu baryey ayey qolo waliba wixii ay heysay ku riday qoladi kale ee ka soo horjeeday waxaana ka dhashay dagaalka saaka qare aad u weyn oo dad iyo duunyo leh waxaana jira burbru soo garay hati dad leeyahay iyo guryo ,iyo gaadiid
Dhinacyada dagaalka isaga soo horjeedo ayaan weli saxaafada la hadlin lama ogo qasaaraha saxda ah ee uu geystay dagaalkaan ugu danbeeyey ee wali xabadiisu ka dhaceyso gudaha Magaalada B/weyne ee xarunta u ah Gobolka Hiiraan
Dagaal wiil kuma dhashee mid nool buu kaa dilaa

   
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

………….

GABAY:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.