Home » Warar »

Warbixin: Booqashadii Dacwadeed ee Zambia, Sh. Maxamed Idris

Waxaan nasiib u yeeshay inaan raaco Sh. Muxammad Idris Axmed safartii dacwada ee Zambia 25/12/2009 ilaa 4/1/2010, anoo sheekha kala lug helay Johannesburg markuu kasoo kici timay Makka, kadibna aanu wada tagnay Lusaka, bisha 5/1/2010 aanu kusoo noqonay magaalada Johannesburg oo sheekhu isla galabtaasba ka bilaabay nashaadkiisi dacwada ah, iyadoo aan idiin kasoo qori doono Inshallaah, safartiisa South Afrika oo ah tii lixaad ilaa iyo 2006, halkaasoo ay ka qabsoomeen mashaariic dacwadeed oo aad u waaweyn.

Waxaan raacnay diyaaradda South African airways, waxaanuna gaarney airporka Lusaka 24/12/2009  21:15. Waxaa durbadiiba immigrationka noogu yimi nin ka mida guddiga dacwada oo nala dhameeyey fiisooyinka, kadibna bannaanka ayaanu usoo baxnay halkaasoo ay nagu sugayeen koox ka mida ducaadda Lusaka oo isa salaamed ka dib aanu u dhaqaaqnay xaggii hoyga naloo diyaarshey oo ah hotel (Luwindizi) oo u dhow degaanka Soomaalida xaafadda chaisa.

Haddaan in yar ka tilmaano Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia wexey u noqoneysaa taariikh ahaan 60kii. Markii zaambia xornimada qaadatay ayaa dhinaca Rodesia (zimbaabwe) ka xirantay, waana wadan aan bad lahayn, kadibna wexey noqotay iney shidaalka kasoo daabulaan Daarasallaam Tanzania, talyaaniga oo baabuur badan ka gaday ayaa kula taliyey iney Dureewaliin Soomaaliya keensadaan waayo hal qof oo Zambian ah oo baabuurtii fiatka wadi karta lama hayn xilligaas. Kadibna Dawladda Zambia ayaa qandaraas Soomaalida ku siisay keenidda Dureewaliin, halkaasoo ilaa 500 oo dureewaliin ah la keenay oo shidaalka kasoo daabusha Tanzania, wexeyna ahayd shaqa qaran oo Madaxweynaha Keneth Kaunda ayaaba baabuurtii u horraysey ka hor tegi jirey, odayaashii dureewaladaas ka haray qaarkood waa joogaan oo nooga sheekeeyeen, abaal ayeyna Dawladda Zambia soomaalida arrinkaa ugu haysey ilaa hadda waana mid taariikhda Zambia galay. …..

Qoraalka oo faahfaahsan oo sawiro wata ka akhri halkan (pdf)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Warbixin: Booqashadii Dacwadeed ee Zambia, Sh. Maxamed Idris "

  1. abu xabiib says:

    salaama calaykum dhamaan akhrisyaasha somalitalk
    waa shay fiican in zambia la tago ddacwadna loo tago waxaase ka sii fiicnaa in sh maxamed idiris oo soomaaliay tago iskuna dayo inuu walaalaha collbay isu soo dhaweeyo waa arin la dhihi karo culimada soomaalida waa ku dambaysaa ilaa ay iyagiiba daraf ka noqdeen colaada bulshada naafaysay