Home » Warar »

Bosaaso:-Arday ka Qalin Jabisay Jaamacada EAsta Africa iyo Telcom oo Xaflada Sagoontinta ka qayb Qaadatay

Xaflada oo lagu qabtay xarunta jaamacada ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa ka qeybgaley masuuliyiin ka tirsan maamulka, madaxda shirkada TELCOM, kuwa jaamacada Bariga Afrika, ganacsato iyo arday kala duwan oo ay ku jireen kuwii qalin jebinayey.

Waxaa xaflada oo bilaabay abaare 6:30 maqribnimo ee xaley lagu soo bandhigay khudbado kala duwan oo ku saabsan waxbarashada iyo kaalinta jaamacada Bariga Afrika.

Gudoomiye ku xigeenka jaamacada C/qaadir Siciid Cabdi oo furay xaflada ayaa sheegay in jaamacada Bariga ay sagootineyso 69 arday oo ka qalin jebisay kulliyadaha Culuunta, Ganacsiga, Shareecada iyo Waxbarashada kuwaasi oo isugu jira wiilal iyo gabdho.

Waxaa uu intaa ku daray dardaaran uu u jeediyey guud ahaan bahda waxbarashada oo ku saabsan inaan marnaba laga daalin raadinta tacliinta iyo in aqoonta looga faa’iideeyo dalka.

Duqa Magaalada Boosaaso C/risaaq Xareed Ismaaciil oo isaguna ka hadlay xaflada ayaa ka codsaday aqoonyahanka cusub inay tacliintooda ku kordhiyaan hay’adaha kala duwan ee dowlada si looga faa’ideysto toosinta maamulka.
Maareeyaha guud ee shirkada TELCOM PUNTLAND C/qaadir Khaliif ayaa isaguna diirada saaray qiimaha ay leedahay waxbarida jiilka yar yar oo ah mustaqbalka berito, waxaana uu C/qaadir amaanay maamulka jaamacada Bariga Afrika oo waqti badan ku bixiyey inay soo saaraan dhalinyaro aqoon leh oo hadda qaadatey shahaado jaamacadeed tii ugu horeysay.

Waxaana uu dhinaca kale ku booriyey in abaal loo celiyo dadka iyo dalka Soomaaliyeed oo ah ma huraan markasta.
Gudoomiyaha gobolka Bari Xaaji Muuse Geelle Yuusuf oo ka hadlay xaflada xaley ayaa ka sokow mahad celinta bahda waxbarashada si gaar ah u doortay inuu ka hadlo amaanka guud ahaan Puntland.

Muuse Geelle waxaa uu sanadkan ugu magic daray sanadkii adkeynta nabadgelyada, waxaana uu ku celceliyey in dhalinyarada ay ka digtoonaadaan falal uu ku sheegay marin habaabin oo hadda dalka ka socda.

Gudoomiyaha gobolka waxaa uu tusaale u soo qaatay dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Boosaaso kuwaasi oo uu sheegay inay caqabad ku yihiin horumarka oo waxbarashadu kow ka tahay, amaan la’aantiisna aan waxba la baran Karin.

Gabagabadii xaflada ayaa shirkada isgaarsiinta TELCOM PUNTLAND oo maalgelisay xafladan waxay ku soo bandhigtay bakhtiyaa nasiib qaali ah oo ay dadkii ka qeybgaley qaarkood ku heleen telefoonada gacanta (mobile), kaararka hadalka iyo hadiyado kale oo ay bixiyeen shaqaale ka tirsan shirkada

Ururka ardayda gabdhaha ee jaamacada Bariga Afrika ayaa sidoo kale xaflada ku bixiyey shahaado sharafyo la gudoonsiiyey macalimiinta jaamacada qaarkood.

Feyte, AYaanle
Feyte37@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Bosaaso:-Arday ka Qalin Jabisay Jaamacada EAsta Africa iyo Telcom oo Xaflada Sagoontinta ka qayb Qaadatay "

  1. Abdikadir says:

    Salam,waxan aad ugu farax sanahay in arday tiradan leh ay ka qalin jabiyaan Jaamacada EAU oo ah mida kaliya ee maanta reer PL ku faanikaraan dhinaca tayada ama xiriirka caalamiga ah ee jaamacadaha aduunka la leedahay, waxan halkan uga hanbal yaynayaa dhaman ardada 69ka ah, gaar ahaan Amal Musse oo ah qof aan u leeyahay aqon badan,waxan idiin rajaynayaa in waxa aad barateen aad ku anfacdan dadka, diinta , iyo dalkiina, Allena ha idiin barakeeyo.

  2. mohamud yare says:

    manshalaaaaaaaaaaaah allaha idinku garabgalo masuliyinta East Africa uni..

    waxaad runti haysa shaqo wacan , ardaydana waxa u arajaynaya inay shaqo fiican helaan waaayo in Puntland jobs are plent.,……..