Home » Sports »

Xulka Qaranka Soomaaliya oo Jimcaha la ciyaaraya Xulka Jabuuti

 Ciyaaryahanka khadka dhexe u maamula xulka ahna Captain-ka Xulka K/Cagta Soomaaliyeed Yuu Cali ayaa waxaa uu sheegay sida ay uga rajo qabaan in ay guul uga keenaan Tartanka CHAN Cup oo kulan ciyaareed ka tirsan ay xulka Jabuuti la yeelanayaan xulka Soomaaliya 8/01/2010 oo ah maalinta Jimcaha .

“Waxaan ku sameynay diyaargarow adag halkan [Djibouti] iyo Muqdisho tababaro ayaan qaadanay,waxaana aad nooga go`an in aan guul ka gaarno ciyaartan” sidaas waxaa ku adkaystay Captain Yuu Cali  oo intaasi raaciyay in ciyaartoyda Xulka Soomaaliyeed ay niyadooda sareyso islamarkaasna si weyn ay uga go`an tahay in tartankan isreebreebka Koobka CHAN ee Afrika in ay guul ka soo hoyaan.-

      “Walaalahayn Jabuuti waxaan rajeynayaa inaan ciyaar wanaagsan ku kala baxno ciyaartoyda aan wadano waa kuwo yaqaana cimilada iyo ciyaaraha Jabuuti waxaan filaya in aan muujino ciyaar wanaagsan oo guul horseeda.” ayuu yiri Captain Yuu Cali.-

      Si kasta ha ahaateeTartanka CHAN Cup ayaa waxaan loo ogolayn inay ciyaaraan ciyaaryahanada ka ciyaara dal ka baxsan dalalkooda ama ah Professional. Waana markii labaad ee ay tartankan Soomaaliya ka qeybgasho.

      Dhawaan ayaa Xulka qaranka wuxuu ka soo laabtey tartankii Bariga iyo Bartamaha ee ka dhacay Dalka  Kenya wuxuu Xulka Saddex Jeer ee uu ciyaarey Dhamaantood laga wada Badiyey  

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xulka Qaranka Soomaaliya oo Jimcaha la ciyaaraya Xulka Jabuuti "

  1. shardi says:

    asc waan salamayaa dhamaan sxb somalitalk waxaan urajenayaa dhamaan somali ya guur waan ta iyo nabad borwaaqo waxaayna ila tahay in aan ka guulesaneno dhiga kale