Home » Maqaallo »

Ma dhabaa in Safaaradaha Soomaaliya ee Dalka Syria in ay gashay liiska Safaaradaha ugu shaqada badan dalalka Carabta Marka la eego Sanadkii tagay 2009-ka

Ayada oo Sanadkii tagay ee 2009-ka ay jireen Marxalado kala duwan haba ahaadeen kuwii ugu Xuma ee sanadihii tagay 2007-2008- ay la mid ahayd, oo soo Maray Soomaaliya, ayaa hadana waxaa jiray horumar la taaban karo oo ay sameeyeen Safiirada dalalka Caalamka u Jooga Soomaaliya qaarkood.

Haddii aan u soo noqdo Safaaradda Somalia Ee Dimishiq waxay ka mid tahy Safaaradaha yar ee fara ku tiriska ah ee habeen iyo maalin u taagan u adeega ummadda Soomaaliyeed, 20 sano ka dib bur-burkii Qarrannimadii Somalia waxaa SUURIYA sida daadka u soo maray kumanaan Soomali ah oo maanta qaaradaha dunida sharciyo, shaqooyin, waxbarasho iyo Nololba ku heysta, gaar ahaan wadamada Yurub , waxaa hadda degan oo ay hoy u tahay kumanaan qoys oo Soomaali ah, iyo boqolaal ardey oo Jaamacadaha Suuriya wax ka barta, iyo iyadoo mar walba Safiirku Soomaaliya ee Dalkaasi in uu u taagan yahay dad badan oo Soomaali ah oo ku jira xabsiyada Suuriya siideyntooda iyo taakuleyntooda.

Waxaana arrimahaas iyo kuwo kale oo badan oo safaaradu ummadda Soomaaliyeed ugu adeegto ugu hambalyeeyey Umada Soomaaliyeed iyo inta wax garadka ah, kii aan wax garanaynina waa loo garanayaa.

Safaarada Soomaaliya ee ku leedahay dalka Syria u u safiirka ka yahay Maxamuud Muuse taareey ayaa noqotay sida ay Bogan u Xaqiijiyeenj Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku Nool dalalkaasi iyo ardayda wax ka barata Jaamada Syria in ay si hufan ugu shaqeeyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku Nool dalalkaasi Xili walba.

Mas’uuliyiinta Safaarada Soomaaliya u fadhiya Syria ayaa noqday kuwo howshooda si habsami leh ugu shaqaynayay oo u fududeynayay Howsha markaasi uu u bahanyahay Muwaadininak Soomaaliga ah, ayaga oo ka Fogaaday Eex, qabyaalad iyo Nin Jeclaysi.

Safiirka Somalia u fadhiya Syria Amp. Maxamuud Muuse taareey ayaa noqday ama galay kaalimaha ugu Horeeya ee safaarada Soomaalida ee haatan shaqeeya dalalka Caalamka ugu shaqada badan, Soomaaliya ee Jooga dalalka Carabta, ayada oo aysan jirin 80% Dowlada dhexe ee Soomaaliya oo aan ku Koontaroolin Horumarka iyo dadaalka ay sameeyeen Muwaadiniintaasi u dhabar adeegay u adeegida shacabka Soomaaliyeed oo sida habqanka u taga dalalka Carbeed, kuwaasi oo u aado dano ay ka midyihiin Waxbarasho, Caafimaad, tahriib iyo arimo kale.

Sidoo kale Safaarada Syria ay ku leedahay dalkaasi ayaa Noqotay Safaarada kaliya marka laga hadlayo dalalka Carabta ugu shaqada badan gaar ahaan waxaa lagu amaanay in ay Safaaradaasi tahay mid u taagan taaba galinta iyo wax qabadka Muwaadiniinta Soomaliyeed ee danaha shaqo iyo Ganacsi, Waxabarasho dalkaasi ay ka yeeshaan wadamada Carabta gaar ahaan dalkaasi.

Dhab ahaan, waxaa marag madoonto ah in Amp. Maxamuud Muuse taareey oo haatan ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Syria uu yahay nin aqoon yahan ah oo qurbaha wax ku soo bartay, uuna Carabta ugu soo laabtay sidii uu wax ugu qaban lahaa Ummada Soomaaliyeed oo mareysa Xaalad aad u xun.

Waxyaabaha uu u qabtay ummadda Soomaaliyeed ee Jooga Syria waxaa ka mid ah isagoo si weyn u garab istaagay dad-ka taagta daran ee Soomaalida ee u baahan wax qabadka sida wax qabad xaga Caafimaad ah, taasoo la dhihi karo tiro badan oo Dad Soomaiyeed ah ayuu u Sahlay inay helaan waxbarasho ama Caafimaad ayaga oo si aad ah loogu soo dhaweeyo Goobaha Caafimaad ee dalkaasi Marka ay tagaan, loona qadariyo sida Wiilka ama Muwaadinka Suuriyaanka ah.

Waxayaabaha lagu amaanay wax qabadka Sanadkii tagay Safaarada Syria oo ka mid ah dalalka Carabta??????

1- Waxay Noqotay Safaaradaasi dalalka kaliya ee Carbeed ee laga Tixgaliyo Soomaalida, waxaa soo labaysa ama ku lamaansan Safaarada Kuwait oo ah Safaarada si Tixgalin ku jirto loola dhaqmo Muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana Safiirka ka ah C/qaadir Amiin Sheikh.

2- Waxay Noqotay Safaaradaha dalalka fara ku tiriska ah ee Carbeed ee sida Hufan waxbarashada uga Hela Jaamacada dalkaasi Syria.

3-Waxa uu Noqday dalkasi ama Safaaradaasi wadamada Fara ku Tirisk ah ee carbeed oo aan lagu dhibin Muwaadiniinta Soomaaliyeed marka ay u socdaalayaan wadamada Carabta iyo kuwa Caalamka.

4 Waxay sidoo kale Noqotay Safaaradaha fara ku tiriska ah ee Xiriirka Jaaliyadda iyo Safaaradda, u Furtay labo Xafiis oo jaaliyaddu leedahay oo safaaraddu samaysay kuwaasoo u adeega shacabka Somaliyed si kala soocid la’aan ah. iyada oo Jaaliyadda iyo safaaraddu had iyo jeer iska kaashadaan horumarinta danaha Jaaliyadda Somaliyed iyo waliba xallinta hadba wixii dhibaato ah oo lasoo gudboonaada shacabkaSoomaaliyeed eek u Nool dalkaasi.

5-Waa Safaarada Sadaxaad ama labaad ee Shahaadooyin Gudoonsiisay arday wax ka baratay Jaamaca Suuriya, oo Muiwaadiniinta Soomaaliyeed si free ah wax uga bartaan..

Waxaan wax ka waydiinay wax qabadka Safaradaha Soomaaliya ay ku leeyihiin Dalalka Caalamka sida kuwa Afrika, Carabta, aasiya iyo kuwa kale.

“ aniga waxaan Daganahay Magaalada Nairibi marka la yiraah Safaarad waxaan dhihi karaa safaarada dalkaasi Suuriya Tan Nairibi iyo kuwa kale Waxay galeen kaalinta Koowaad, ayaga oo si Hufan ugu shaqeeya dadka kuwaasi oo ka dheer Eex Nin Jeclaysi iyo sandareerto.

“ Aniga Waxaa la iga soo tarxiilay Dalka Sacuudiga waxaana dhihi karaa aad ayaan ugu dhibanahay dalkaasi maxaa yeelay waxa noo adeegayo ama noo doodayo ma jiraan, Waxaa Diyaarada nala soo saraa anaga oo aan wadan xataa Dacas iyo Wax aan ka Huwano Dhaxanta Xiliyada Diyaarada aan soo raacayno ay soo marayso wadamada ama Airapoorada.

“ horta marka Carabta la yiraah anaa ka imide waxaa si aad ah loo amaanaa Dalka Suuriya iyo Kuwait waana dalalaka fara ku tiriska ah ee Carbeed oo laga Tixgaliyo Muwaadiniinta Soomaaliyeed, horta Sacuudiga waan ku dhimanay Rageena iyo Dumarkeena waxay Xabsiyada ku jiraan Xiligii la rabo, taasina waa mid ka baxsan Sharciga Caalamiga ah.

Isku soo Duuboo Araada ama rayi uruurinta aan samaynayn waxay kaalimaha 1-2-3-4-5-6-7-8- gala Galay Safaaradah Kenya, Suuriya, Kuwait, Ugandha, Turkiga, Suudaan, iyo kuwa kale, kuwaasi oo lagu amaanay wax qabadka ay u sameeyaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee danaha ka yeesha dalalkaasi.

Lasoco Qeybta labaad Xogag aan ka soo Uruurinay Safaarada ugu shaqada badan Soomaaliya ee Dibada:

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin44@hotmail.com
0025-22-4157101

Somalitalk : Aragtidka qofka kale miyay Ogoshahay ?

Anigoo aamisan in warku uu yahay Muqadas (wax aan la badali Karin ) aragtiduse ay tahay xor oo uu qofka markaa qorayo u uxor u yahay isagoo doonaya inuu fariin uu dareemayo gaarsiiyo bulshada , hadana labadaas arimood waxay u muuqataa marka aad akhrisid qormooyinka ay qoraan wariyayaasha iyo dadka caadiga ah kuna faafiyaan baalasha somalida  ay leedahay qaar badan waxaa ka muuqda ama kaaga dhadhamaya xirfad iyo xeel dheeri iyo waliba qorahaas oo tixgalinaya naftiisa tusaale qormooyinka Amiin Yuusuf Khasaaro .

Dhanka kale waxaa jira dad usoo shaqa tagay  warbaahinta waliba si qaldan u doonaya inay ugu shaqaystaan , warbaahintu waxay sharafteedu tahay inay shacabka usoo bandhigto waxyaabaha ka dahsoon dal dalooda ay madaxku kacaan ee maahan inay noqoto Difaac adag oo ku gudban madaxda xiligaan wax walba la xalaashaday .

Maalmo ka hor waxaa baalkan  Somalitalk lagu daabacay warbixin looga hadlayay Sfaraadadda Somalidu ku leedahay Damascus Syria , qormadaan oo uu qoray C.xakiin  anagoo dhawr oday ah  ayaan waydiinay meesha uu ka helay macluumaadkaaan quruxdda badan ee uu ku xardhay wanaaga faraha badan ,

Cabdi xakiin wuxuu noogu jawaabay anigu ma qorin ee magacayga oo kaliya ayaan ku saxiixay waxaa soo qoray safiir maxamuud muuse oo iga codsaday inaan warkaan u shaaciyo wuxu ku daray Odaygu ma ahan nin raggiisa moog !!

Intuusan imaan maxamuud safaaradda waxaan ka mid ahaa ardadii wax ka dhiganaysay Kuliyadda Saxaafadda ee Jaamacadda Damascus  , waxaan ku raacsanahay  qormada cabdi xakiin uu ku xasiixan yahay inay safaaradu ka mid tahay kuwa ugu shaqada badan ee Somali leedahay hasa ahaatee aysan u shaqayn Somalia ee ay u shaqayso Dhawr qof inkastoo ay maalmihii tagay ku dagaalameen qaarkoodna xabsiga loo taxaabay .

Dad badan oo ku jira xabsiyada Syria turkey iyo kuwa badan oo dhibaatooyin aan ka yarayn kuwii ay uga baxsadeen dalka ayaa magaca safaaradda lagu geeyay Syria , dhanka kale waxaa jirtay in dhawr jeer wax laga qoray kuraas jaamacadeed oo la iibsado taasina waxay safaaradu ku macnaysay mushaar inay ka dhigtaan adeegga ay u qabtaan shacabka si loogu sii wado hawlaha safaaradda .

Waa arin macquul ah sida loo iibiyana waa hal mar ardaygu inuu wax xoogaa dhaqalaa inuu safaaradda soo galiyo taasina waxaa sabab u noqon kara dawladd Somali leedahay oo mushaar siisa shaqaalaha oon jirin hasa ahaatee in danbiyo xaaraan ka ah argooyinka dibada u fadhiya Somalia

Anqaastii Aadam Zaki

Aadan17@yahoo.com  

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Ma dhabaa in Safaaradaha Soomaaliya ee Dalka Syria in ay gashay liiska Safaaradaha ugu shaqada badan dalalka Carabta Marka la eego Sanadkii tagay 2009-ka "

  1. Run ahaantii safiirka suuriya somalida u fadhiya aad iyo aad ayaan u taageersanahay hawlihiisa, sida la sheegayna waa nin bulshadiisa ku dhex jira oo aroos, dhimasho, xaflad caadi ah, tartan carruureed, aqoon iyo sport, muxaadaro midna kama maqnaado oo wax badan ayaan kala qeyb-galay arrimahaas, waana ku mahadsan yahay dadaalkiisa waddaninimo.
    Taan anigu ku dhaliilayo safiirka anoo ixtiraamaya naftiisa iyo hawsha uu noo hayo, waxaa weeye:
    1- Qaadka oo fara kulul ku haya bulshada somaliyeed ee ku dhaqan suuriya oo uusan waxweyn ka qaban, magaca safaaraddana marmar lagu soo galiyo.
    2- Waxaa waddanka suuriya har iyo habeyn laga dhoofiyaa qoysas fara badan iyo dhallinyaradii jaamacadaha oo aan baahi u qabin, in ay dhulal shisheeye u haajiraan, qaarkoodna maalqabeen yihiin oo waxbarasho suuriya loo keenay, si qarsoodi ahna loo dhoofiyo mararka qaarkood, taas oo umamadda somaliyeed cawaaqib xumo ku ah mustaqbalka iyo dabar go’ weyn. Arrintaas wax ayuu ka qaban karaa, haddiii uu ka dhaadhiciyo dawladda suuriya, in dabar go’ baahasan lagu hayo bulshada somaliyeed, sida waddamo badan ay sameeyeen oo ay diideen in ummaddaan la nabaadguuriyo.
    3- In uu kaalin weyn ka qaato joojinta dadka laga soo xarraasayo somaliya ee suuriya la soo marinayo, iyagoo lacag aan caadi aheyn laga qaadanayo. Waxaan afrika ku arkay kuwo 5000 oo doolar ku raadinaya viso suuria ah, si ay Turkiya ugalaan. maanta waxaan u baahannahay, in dalka dadkiisii lagu soo celiyo, si aan loo dhaxlin ee aan kaalin buuxda ka qaaddanno joojinta hayaaminta ummadda somaliyeed.

    Barbaariye Abdulqaadir

  2. waa ku raacsanahay waa jirtaa in safaaradu ay qabatay hawlo badan oo la taabankaro ummada soomaaliyeed uqabaty waa mahadsanyihiin safiirka iyo safaarada dhamaantood shaqada u qabteen ummada somaliyeed

  3. Waa Run Maxmuud waa nin wanaagsan oo dadka caawiya, runtana ka sheega wixii jira, dawlad la,aan ayey ku shaqeeyaan sida wax u socdaana waa sida ugu hufan, dadka waa laga qaadaa khidmad, waana mid loogu adeego, somalidu waa dad wareersan , oo dhalatay in ay wax walba ku helaan bilaash, arimo kale ayaad ka ilowday maqaalkaaga oo ah anigoo xog ogaal ah.

    1. waa safaaradda dadka ka soo jeedaa mid walisa iska soo galo safiirkana toos u qaabilo, iyada oo aanu soo marin culays iyo arki maysid, safaaradda maroko oo ku dhegan daaqadaa kuwa wadanka u dhashay waraaqaha ka dhiibtaan.
    2 wuxuu soo dhexgalaa shacabkiisa iskamana weynaysiiyo beerta masaakin ayuu la fadhiistaa isagaoo khamiiskiisa xidhan oo kula tukataa masjidka weyn ee ku yaala, farax iyo tacsi toona kama amqnaado, wuxuu dhexgalaa shacabka iska qabta oo waliba heshisiyaa, waa nin marka loo eego safiirada kale ku xidhan shacabkiisa, waxaan maalin dhaweyd arkayey kuwo ku maagaya Calanka.com waa qalad waana wax laga xumaado runtii, waxay ku lee yihiin waxbaa la cunaa runtuu ka sheegayw ax walba safaaradu dawlad lacag ma siiso khidmadii laga qaado ayey yidhahadeen waxba ala cunay, waxaasi waa falagaado, maxmuud waxaanu leenahay waxqabadkaaga taariikhaa qoraysa,, waana la hayaa waana wax diiwaan gashayn.

    shacabkisuu la noolyahaye daaya oo dibin daabyada ka daaya, oo ilaahay wuu ku saladi karaa somali mid qasa oo lugaha kor ugu taaga waliba kuwa jooga suuriya, sidii markii siyaad la coloobeen lagu saliday kuwo ilaa manata dalkii waalay