Home » Sports »

Ku xigeenka Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo is Casilay

Ku xigeenka Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta mudane Ahmed Nur Hasan Abdulle oo caawa shaacay ka qaaday inuu iska casilay jagadii uu ka hayay XSKC kadib markii uu qoraalkaan na soo gaarsiiyay islamarkaana ku xusay qodobada ku xusan

Xiriirka Somaliyeed ee Kubadda Cagta.
Xafiiska Gudd/ ku/ xigeenka.
Muqdishu – Soomaaliya.

  • KU: Kooxaha XSKC —————————————————- Rugtooda
  • OG: Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha —————— Rugtooda
  • OG: Guddiga Olombikada Somaliyeed —————————- Rugtooda
  • OG: Xiriirka Somaliyeed ee Kubadda —————————— Rugtooda
  • OG: Xiriirka Kubadda Cagta Aduunka (FIFA) ——————— Rugtooda

Ujeeddo: Is-Casilaad

Anigoo ah Mr. Ahmed-nur Hassan Abdulle, ahaana Gudd. ku Xigeenka XSKC, waxaan Ummadda Soomaaliyeed ee Xilkaas ii dooratey la socodsiinaya iyo Bahweynta cayaaraha xiiseysa, gaar ahaan Kubadda Cagta, in aan xilkaas iska casiley, kadib markii uu Guddoomiyuhu wax ka qaban waayey, caadeysteyna arimaha soo socda;-

In aan gudan-weyney xilkii naloo doortey (We failed) haddaan nahay XSKC, taasoo aay ugu wacan tahay Hogaan xumo, wadatashi la’aan iyo aqoon darro baahsan ee xagga maamulka ah.

In dadkii noo doortey si aan ugu shaqeyno (stake holders) aan inkirney, XSK Cagtuna laga dhigey hey’ad si gaar ah loo leeyahay.

In guddigii fulinta xaqoodii la duudsiiyey, muddo ka badan todoba biloodna aan shir loogu yeerin, oo wixii la doono la iska sameysto iyadoo aan laga ansixin Guddiga fulinta.

Iyadoo aaney jirin xisaab-celin (Accountability) iyo la socodsiin la’aan dhaqaalaha soo gala iyo kan baxa.
In Kooxihii na doortey qaarkood dhaqaalahoodii la siin waayey oo muddo aay xiriirka lacag ku leeyihiin, iyagoo qaar horyaal ahna aan cayaaraha dibaada la qeyb galin.

In Cayaartooyda Xulka qaranka Somaliyeed loola dhaqmey sidii ciyaal xaafadeed, oo aaney helin Xushmaddii, qadarintii iyo sharaftii aay mudnaayeen.

Intaas iyo in kaloo badan oo qaladaad la diidey in la saxo ayaa igu qasabtey in aan umadda la socodsiiyo in aan raali ka aheyn qaladka bahweynta cayaaraha jecel laga galayo.

Waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa dhamaan naadiyadii, shaqsiyaadkii, Weriyeyaashii iyo waliba xiriirka kubadda cagta soomaaliyeed fursaddii ay ii siiyeen in aan ka mid noqdo xiriirka kubadda cagta waxaana ka raaligelinayaa cid kasta oo u aragta in uu go’aankan ku degdegay.

Waxaan kula dardaarmayaa guddiga fulinta ee xiriirka in ay ka soo baxaan xilalkii loo doortay oo ahaa in ay sare u qaadaan kubadda cagta dalka ayna muujiyaan isku xirnaan iyo la xisaabtan dhab ah oo ku aadan sidii wax muuqda looga bedeli lahaa qaabka maamul ee xiriirka oo ku dhisan ama anaga na soo raac ama waxba heli maysid”.

Wabillaahi Tawfiiq.

Mr. Ahmednur Hassan Abdulle.
ahmednur63@yahoo.co.uk, ahmednur63@hotmail.com

Waxaa SomaliTalk soo tebiyey
Yusuf Yusuf
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.