Home » SaahidYusuf »

Islaamka oo u Dhaxeeya Khalaadka Dhallintooda iyo Tashwiishka Cadawgooda (1) | Saahid

Horudhac !!!

Maqaalkaan oon ku eegi doono Muxaarad ballaaran oo uu soo jeediyey Caalminka weyn ee Shiikh Maxamed Cabdi Umal xafidahulaah ayaa ka tarjumeysa khaladaadka ay dhalintu ka galayso islaamka waayahaan danbe taas oo u fasaxaysa in uu Cadawga Islaamku uu ka faa,ideysto.
Ciwaankan oo u eg mid uu 40tqameeyaddii uu Qoaray Al-shahiid Shiikh C/qaadir cawdah oo micnihiisu ahaa ( Islaamka oo u dhaxeeya caajisnimada dhalintiisa iyo mu,aamarada cadawgiisa ) waxay culumadu tiraahdaa la iskama shaxaado Cinwaanada .

Muxaarada Shiikhu waxaan ku soo koobaynaa seddex qeybood:

1) in la dhawro maslaxadda & Sumcadda Dacwada oo nabigeenu jideeyey in uu iskaga indha laabtay fasahaad fara badan oo Munaafiqiintii la nooleyd ay u geysteen.

2) in aan cadawga eedeyntiisa laga cabsan ee runta loo sheego taas oo uu labo Aayadood u soo daliilsaday .

3) in aan dhexdeena khaladkeena qirano oo dadka naga midka ah ee sumcadda Dacwada aan dhawreyn aan ficilkooda uga Bari noqono sidii uu Nabigu sameyn jiray NNKH.

Wuxuu shiikhu tusaalooyin cad cad oo kuligeen garneyno u soo qaatay sida uu Nabigu NNKH uu la Dhaqmi jiray Munaafiqiintii la nooleyd ee dhibaatooyinka daran Dacwada u geysan jiray iyo in uu Nabigu fahaadkoodaas u sabray oo u dulqaatay asagoo tixgalinaaya in aan Daacwada Sumcadeeda la xumeynin.

A) Wuxuu shiikhu soo qaatay Dhacdadii Ka soo laabashadii dagaalkii Banii Musdhaliqa oo is af jireen labo nin oo Saxaabi ah oo midna Muhaajir yahay midna Ansaar yahay oo markaas kii Muhaajirka ahaa yiri ( tola’ayey Muhaajiriineey) kii Ansaareedna yiri ( toll’ay Ansaarey) ilaa Hubka la isku aruursaday ilaa uu nabigu soo kala dhex galay oo ku yiri :

(maa maxay isku habar wacashadii jaahiliga anigoo idin dhex jooga, ka taga waa qurun’e) ama sidaas oo kale ayuu yiri markaas ayaa rabshadii degtay ,se waxaa ka faa’ideystay Madaxii Munaafiqiinta ee C/llaahi ibnu ubaya bin salool oo yiri :
( ma maantay isku keen habar wacdeen , horaa loo yiri Eygaaga dherji ha ku cunee, wallee markii Madiino loo noqdo midka ciziga lahi wuxuu ka bixin doonaa Madiina midka daliilka ah ) taas oo uu ula jeedo in uu Nabiga iyo asaxaabtiisa Muhaajiriinta ahba uu ka saari doono Magaallada Madiinu oo ay markii hore ku soo dhaweeyeen. Se taasi ma dhicin oo asagaaba Madiina uu Wiilkiisii C/llaahi u Diiday in uu galo ilaa uu Nabigu u fasaxay.

B) Wuxuu kaloo soo qaatay Qisaddii Caanka aheyd ee Xadiisul ifkiga isla Madaxii Munaafiqiintu uu ku ijaafeeyey Hooyaddii Muminiinta Caa’isha binti Abii Bakar oo markii uu keenay saxaabigii oo ratigiisii ka soo dajiyey uu yiri :
( Haweeneydii Nabigiina waxaa keenay Nin wallee kama aysan nabad galin asaguna ma nabad galin) oo uu ka wado guri dhaaf bay sameysay !!! Hadalkaas oo Suuqii Madiina ku faafay oo la isla dhex maray ilaa uu Nabigu Dhibsaday oo yiri yaa iga celinaaya Ruux Marwadeydii uu banbaxay ilaa ay labadii Qolo ee Ansaareed ee Reer Khazraj iyo Reer Aws ay is dili gaareen ilaa uu Nabigu NNKH ku kala dhex hagoogtay.
Ninka waxaas oo dhanba sameeyey Markii Nabiga loo soo jeediyey in la dilo ,wuxuu yiri Doonimaayo in Carabi ku sheekeysato Maxamed Raggiisii buu dilayaa.

C) Sidoo kale wuxuu soo Qaatay Sheeko anigaba igu Cusbeyd oo aheyd Rag Munaafiqiinta ka mid ah oo isku dayey in ay Nabiga dilaan NNKH Ka soo laabashadii Dagaalkii ugu Danbeeyey ee uu Nabigu Qaado waa kii Tabuuk’e !!! ayaa Nabigu dadka faray in uu Nabigu Jiirtaas labada buurood Dhexdooda ku taala uu Nabigu maraayo Ruux kalena uusan mari karin ee wadooyinka kale la soo raaco. Markaas ayaa nabiga oo uu hashiisa uu garqaadaayo Xudeyfa ,gadaalna uu ka wado Camaar ayey Koox Munaafiqiin ah oo afka Duubtay ay Hashii nabiga ku soo cariiriyeen Jiirtii markaas ayaa Xudeyfa ku soo jeestay oo geeloodii afka kala dhacay ushiisii si aysan Hasha Nabiga u soo Gaarin, Xudeyfana ku yiri Hasha dadaji si dhaqso ah ilaa Hashii nabiga jiirtii dhaaftay oo hoos u degatay , markay arkeen bay dib u carareen.
Nabiga ayaa Camaar ku yiri Raggii ma garaneysay , markaas ayuu yiri geellii waan garanayaa se Raggii wey afduubnaayey oo wajigoodu wuu qarsanaa.
Markaas ayuu Nabigu yiri waxay doonaayeen ma garaneysay markaas ayuu yiri maya ee Allah iyo Nabigiisa yaa garanaaya , markaas ayuu Nabigu yiri in ay Hasha nabiga didiyaan bay rabeen si ay hataqa uga dhacdo oo nabigana uu u dhinto.
Raggaas oo tiradooda lagu sheegay 14 ama 15 ayaa seddex ka mid ahi Nabiga u cudurdaarteen oo yiraahdeen ogeysiiskiina ma aanu maqlin, Ragguna waxay doonaayeenna ma aanu ogeyn , markaas ayuu nabigu ka aqbalay cudurdaarkoodii. Raggaas nabiga markii la weydiiyey in la soo aruuriyo oo la dilo, wuxuu yiri:
Doonimaayo in Carabi ku sheekeysato Maxamed Asxaabtiisa ayuu dilayaa.

D) Sidoo kale wuxuu Shiikhu soo Qaatay Ninkii Munaafiqa ahaa ee nabiga ku yiri asagoo xooggaa qalin ah oo taftii marada Bilaal ku jirta Rag u qeybinaaya, markii laga soo noqday dagaalkii Xuneyn oo jooga meel la yiraahdo Jucraanah ayaa ninkaasi ku yiri Nabiga ( Maxamadoow Cadaalad fal? markaas ayuu Nabigu yiri hoogaagee yaa cadaalad falaaya haddii aanan anigu falin? marakaas ayaa Cumar bin Khidaab yiri Rasuulkii ilaahoow aan dilo Munaafaqaan , markaas ayuu Nabigu yiri Allah magantiise doonimaayo in Carabi ku sheekeysato maxamed Raggiisii buu dilayaa !!!! Ninkii baa markii uu iska tagay ayuu Nabiga jaleecay oo yiri Ninkaan Ciribtiisa waxaa ka soo bixi doona qoym Quraanka Akhrinaaya oo uusan dhuuntooda dhaafi doonin,waxay Diinta uga dhex baxayaan sida leebku uga dhex baxo neefka lagu gano !!! Culumaduna qoymkaas waxay ku fasireen Khawaarijtii soobaxday Waqtigii Cali ibnu abii daalib.
E) Sidoo kale wuxxu Shiikhu soo qaatay Qisaddii caanka aheyd ee Masjidu Diraar ee ay Munaafiqiintu dhisteen si ay ugula dagaalamaan Allaah iyo Rasuulkiisa ooyna ku kala geeyaan Mu’miniinta, gabaadna uga dhigaan kuwa Allah iyo Rasuulkiisa la dagaalamaaya.
Raggaas Masaajidkaas Allah wuxuu faray in laga dumiyo uusan nabi maxamedna ku tukan ,se ayagii oo la yaqaanay lama farin nabiga in uu laayo.
Sababtuna waxay aheyd tii hore oo kale iyo in la dhawro Sumcadda Dacwada si aysan dadka kale uga didin oo aysan u dhihin Maxamed Asaxaabtiisii buu leynayaa yuu kaloo Axsaan u falayaa .

Intaas ha noo joogto waa inoo qeybtii labaad.

Shiikh Saahid Mohamed yusuf
Eastleigh, Nairobi
sahid_yusuf@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Islaamka oo u Dhaxeeya Khalaadka Dhallintooda iyo Tashwiishka Cadawgooda (1) | Saahid "

  1. scwxwb dhamaan akhristayaasha >
    ka raali noqda khaladka teebka ee cinwaanka oo sida saxa ah ay tahay:
    ( ISLAAMKA OO U DHAXEEYA KHALADKA DHALLINTIISA IYO TASHWIISKA CADOWGIISA) !!!!
    WAA INOO QEYBTA LABAAD INSHA LAAH !!!!