Home » Warar »

Hay’adda (SADA) oo ceel biyood ka hirgalisay degaanka Hareerileey ee G/SH/Hoose.

Tuulada lagu magacaabo Hareerileey waxa ay ka tirsantahay oo ay hoos tagtaa degmada Marka ee gobolka shabeelaha hoose ,waxana ay qiyaastii illaa 45km u jirtaa isla magaaladaasi Marka,dadka degaanku waa beeraleey iyo xoolo dhaqato , waxayna dhaqdaan noocyada kala duwan ee xoolaha sida Geela Lo,da iyo Ariga.

Dadka degaanku ma haystaan imkaaniyaadkii lagama maarmaanka u ahaa nolosha aadamaha sida Biyaha Caafimaadka iyo Waxbarashada, Hay’adda Gargaarka iyo Horumarinta Soomaaliyeed ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano SADA ayaa noqotay NGO-gii ugu horeeyay ee Ceel Biyood ka hirgaliyay degaankaasi.

Cabdulle Mursal Xuseyn waa madaxa Hay’adda SADA oo ah hay’addii hirgalisay qodista Ceel Biyoodkaan laga helay Tuulada Hareerileey ee ka tirsan gobolka shabeelaha hoose, ayaa sheegay mar uu u waramayay warbahinta SomaliWeyn in ceelkaan mudadii ay qodayeen ay kala kulmeen dhibaatooyin badan,wuxuuna sheegay in ay tahay markii ugu horeeysay taariikhda oo ay dadka ku dhaqan degaanka Hareerileey helaan Ceel Biyood.

Sidoo kale waxa uu sheegay in markii Hay’addoodu aragtay dhibaatada ay dadka degaanku u qabaan dhanka biyaha , inay is abaabuleen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Australia gaar ahaan bulshada ka soo jeeda degaanadaasi ee ku dhaqan dalka asi Australia, iyagoo ugu dambeyntiina goostay inay intii karaankooda ah ay wax u qabtaan bulshada ku dhaqan wadanka guduhiisa gaar ahaan degaanada ay dhibaatooyinka Bini’aadaminimo ka jiraan.

C/lle ayaa waxa uu sheegay in arrintaani ku saabsan qodista Ceel Biyoodkani ay gacan weyn ka geysteen xubno ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Australia kuwaasoo uu sheegay inuu mahad gaar ah u celinayo, gaar ahaan Foos Xaji Adam, C/raxmaan Xaaji Aadan, Shukri Adan Ibraahim, iyo Ing.C/laahi Adan.

Waxa kale oo uu sheegay madaxa Hay’adda SADA in dadkaani ay kaalin weyn ka qaateen bixinta qarashaadkii ku baxay Ceel Biyoodkaan , C/lle Mursal Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in qodista Ceelkaan ay ku baxday lacag ka badan illaa Shan iyo Toban kun oo doolar..(15000$), wuxuuna ugu dambeyntii ka codsaday Hay’adaha gargaarka kuwa Caalamiga ah iyo kuwa Maxalligaba inay gacan ka geystaan hawlaha noocaani oo kala ah oo uu sheegay in faaiidooyin badan ay u leeyihiin bushada.

Dadka ku nool degaankaasi dhawaan laga hirgaliyay ceel biyoodkaan ayaa Somali Weyn iyaguna u sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ceel biyoodkaan oo ay sheegeen inuu wax weyn ka tari doono baahidii dhanka biyaha ee ay qabeen.

Nabadoon Aw yare waa Nabadoonka tuulada Hareerileey oo ah tuulalada laga hirgaliyay Ceel Biyoodkaan waxa uu sheegay in hirgainta Ceelkaan ay tahay mid dhiiri galinaysa isla mar ahaantaana wax weyn ka badaleysa nolosha dadka degaanka, isagoo sheegay in biyo la’aan ay tahay nolol la’aan.

“Waxaan ka codsanaynaa Beesha Caalamka, Hay’adaha samafalada iyo dhamaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibaddiisa inay gargaar Bini’aadaminimo noo fidiyaan mana haysano , waxbarasho iyo caafimaad intaba” ayuu yiri Nabadoon Aw yare oo ah nabaddoonka degaanka Hareerileey, waxaana uu u mahad celiyay hay’adda SADA oo uu sheegay inaanay waligood illaawi doonin hawsha ay u qabteen xilligan Deegaankaasi.

“Biyuhu waxay ahaayeen waxyaabaha noogu adag xagga Nolosha marka loo eego maxaa yeelay Ceel Biyood waxa noogu sokeeyay Ceelasha ku yaala tuulada NO.50 waxaana labaatankii littir oo biya ah nalaga siin jiray 10.000 sh.so.” sidaana waxaa yiri Maracade oo ka mid ah odayaasha Tuulada Hareerileey ee gobolka shabeelaha hoose.

Maracade ayaa sheegay in ay u mahad celinayaan ALLAAH subxaanahu watacaalaa intaa kadibna ay mahad u soo jeedinayaan Hay’addii u qoday Ceel Biyoodkaan oo uu sheegay in wax weyn uu ka badali doono noloshooda.

Mahamud Ahmed Hassan
xuurshe114@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.