Home » Warar »

Wasaaradda Cadaaladda & Arimaha Diinta oo maanta aqoon isweydaarsi lagaga hadlayo HIV AIDSka u furtay Culimaudiinka Reer Puntland.

Waxaa maanta gudaha magaalada Garoowe aqoon isyweydaarsi socon doona muddo 4 cisho ah Wasaaradda Cadaalada & Arimaha Diinta u furtay Culimaudiinka Reer Puntland kaasi oo lagaga hadlayo halista HIV Aidska.

Aqoon isweydarsigani oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Cadaaladda & Arimaha Diinta ayna gacan ka siinayso hay,adda UNDP ayaa maanta waxa uu si habsami ah ugu furmay xarun cusub oo ay maanta u soo guurtay wasaaradda Cadaaladda & Arimaha Diinta iyadoona ay ka soo qeygaleen Wasiiro faro badan oo iyaga ka tirsan xukuumadda Dawladda Puntland Wakiilo ka kala socday hay,adaha muxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah iyo marti sharaf kala duwan.

Halkan ka daawo sawiro dheeraad ah

Ugu horeyntii Waxaa halkaasi ka Hadley Wasiirka Cadaaladda & Arimaha Diinta Mudane C\risaaq Yaasiin Cabdulle Geesood oo isaga sheegay in ahmiyadda loo qabtay ku sheegay in ay bulshadda ka wacyigeliyaan culimadda HIV Aidska kaasi oo halis ku haya bulsha ay dad badan u geeriyoodan inta badan wasiirka waxaa kaloo uu siminaarkaasi ka sheegay in wasaaradda Cadaaladda & Arimaha Diinta ka soo guurtay meeshiidii hore ee ahayd maxkamadda iyadoona uu xusey in ay xaruntani cusub u soo guurtay wasiirka waxa uu xusey in ay gacan weyn ka siisay hay,adda UNDP soo rarista Wasaaradda iyo Qalabeynteeda oo uu sheegay in ay u balanqaaday.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka Hadley Wasiirudowlaha Maamul Wanaaga DPL Mudane Maxamed Ciise Faarax Gaashaan oo isna amaan u soo jeediyey Wasaaradda Cadaaladda & Arimaha diinta taasi oo dadka ka wacyigelinaysa aidska wasiirka waxa uu ka Hadley amniga isagoona culimadda ugu baaqay in ay dadka amniga ku wacyigeliyaan.

Ugu danbentii i waxaa halkaasi ka hadashay Wasiirk Kuxigeenadda Wasaaradda Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga Marwo Seynab Ugaas Yaasiin oo iyadanu xustay in wax lagu farxo tahay in wasaaradda ay u soo guurto xaruntani cusub iyadoona amaan u soo jeedisay wasiiradda Warbaahinta oo ay sheegtay in si weyn uga qeyb qaataan amniga wasiiradda oo hadalka si aad ah ugu dheeraatay ayaa waxa ay baaq u soo jeedisay culimadda oo ay ku sheegtay in ay ka mid yihiin dadka dadka wax u sheegi kara.

Isku soo wadaduuduuboo aqoon isweydarsigani oo ahaa mid culimadda loo qabtay ayaa waxa uu qeyb ka yahay la dagaalanka cudurka HIV Aidska kaasi oo ay ku hawlan tahay Dawladda Puntland la dagaalankiisa iyo sidii bulshadda looga wacyigelin lahaa halista cudurkani.

Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.