Home » Warar »

Bayaan Kasoo Baxay Shirka Golaha iimaamyada ee Waqooyiga Ameerika ee ka socday Seattle Washington

 Golaha imamyada ee waqooyiga ameerica oo la aasaasay  sanadkii 2001 waxaa ku midoobay in ka badan 17 masaajid oo ku yaala gobalada kala duwan ee wadankan mareykan iyadoo looga gol lahaa in ay iska kaalmeeystaan khidmada ay u hayaan bulshada soomaaliyeed eek u dhaqan mareykanka  Guluhu wuxuu ku guuleestay inuu dhiso masaajiddo iyo xarumo badan oo islaami ah taas oo ah mid ka mid ah ujeedooyinkaii ugu waaweynaa ee loo aasaasay Golahan.

Kulanka Golaha Imaamayada oo Sanadkaan ka dhacay magaalada seattle ee Gobalka Washington ayaa waxaa marti geliyay Masaajidka “ABUBAKR ISLAMIC CENTER Of WASHINGTON” Oo si diiran usoo dhaweeyay culimada iyo xubnihii ka kala socday maamulada  masaajidda kala duwan iyadoo ay shirka garabsocotay muxaadarooyin iyo baraarujin diini ah oo ay ku dirrsadeen muslimiinta ku nool gobalkan Washington

Falanqayn dheer ka dib Goloaha imaamyada ayaa soo saaray qodabadan hoos ku xusan.

1.       Golaha imaamyada ee waqooyiga ameerica waxuu u dardaarmayaa muslimiinta guud ahaan iyo gaarahaan soomalida Alle ka cabsiga iyo ku dhaqanka shareecada islaamka ayna ku dhganaadaan diintooda caqiido ahaan,akhlaaq ahaan iyo dhaqan ahaanba,

2.       Waxaan kale oo aanu ku boorineynaa umadda soomaliyeed in ay ilaaliyaan midnimadooda kana fogaadaan waxi keeni karo tafaraaruq ,khilaaf iyo kala jab.

3.       Goluhu waxaa kale oo uu dardaarmayaa umadda soomaliyeed ,gaar ahaan kuwa kunool waqooyiga ameerica in ay da’yarta kula dadaalaan diinta islaamka kuna xirmaan  masaajidda si ay uga badbaadaan dhaqamada xun xun sida gangaagiska ,Daroogada iyo waxi la mid ah .

4.       Waxaan uga digeynaa umadda soomaaliyeed eek u nool qurbaha in ay ka digtoonaadaan daymaha RIBADA ku saleysan Sida guryaha,waxbarashada iyo ganacsiga

5.       Waxaan kula dardaarmeynaa dhalinyarada in ay ka faaiideystaan fursadaha waxbarasho ee yaallo wadankaanwaqtigoodana ka faa’iideystaan.

6.       Waxaan u cadeneynaa umaddasomaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan kuwa ku nool waqooyiga ameerica in dagalada ka socdo soomaliya ay yihiin “FITNO”sida ay u cadeeyeen Culimada soomaliyeed  sidaa darted ay xaaraan tahay in lagu taageero naf,daqaale ,qoraaliyo hadal midna.

7.       Goluhu waxuu ugu baaqayaa dadweynaha soomaaliyeed gaar ahaan Dhalinyarada in ay ka fogaadaan afkaarta qalloocan sida gaaleeysiinta dadka muslimiinta ah is qarxinta iyo wax ka sheegga culimda .

8.       Waxaan caddayneynaa in diinta islaamka ay kasoo horjeeddo falalka lagu dhibaateeynayo dad aan waxba galabsan ciddi geysata falan noocan oo kale ahna ay iyada ku gaar tahay oo aan loo tiirinaynin ama aan loo waxyeeleyneyn muslimiinta kale.

9.        Waxaan ku boorineynaa umadda somaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada in ay ku xirnaadaan culimda lagu yaqaanno aqoonta,xikmadda iyo alle ka cabsiga kana qaataan fatwada  iyo duruusta cilmiga ah si ay u fahmaan manhajka diinta ee saxda ah.

10.   Goluhu wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa umadda muslimka ah ee soomaaliyeed in ay ku dadaalaan dhaqan wanaagga iyo darisnimda ay boorisay diinta islaamka

11.   Ugu danbeyntii goluhu waxuu boogaadinayaa jaaliyadda soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga ameerica  sida wanaagsan oo ay uga qaybqaataan dhisidda masaajidda iyo taageeradooda joogtada ah waxuuna ku boorinayaa inay sii joogteeyaan camalka wanaagsan

Dhageyso warbixin kooban sheikh Cabdirahman sheikh cumar ee gabagabadii shrika maanta 

Dhageyso warbixin kooban sheikh cabdullahi Abulfadli ee gabagabadii shrika maanta 
 
Daawo Sawirada Shirka .

Hassan sunni

xnuur11@hotmail.com

Seattle,WA

Abubakr islamic center Media Dep.

www.abubakrislamiccenter.org

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.