Home » Maqaallo »

Waraaq ku socota AlShabaab, X.Islaam iyo Soomaali oo dhan | Dr Yuusuf Issa

Asalaama caleykum ww, ayaan leeyahay dhamaan Somali, Warqadan waxaan Walaalaha ka codsanayaa iney iga gaarsiiyaan Alshabaab iyo Xisbul   Islaam .

Waxaan jeclahay si kooban oo nuxur leh inaan uga hadlo ujeedadeyda Walaalaha Somaliyeed dhamaan weynu ognahay waxii inaku dhacay,waxeynu kaloo ognahay waxa xalku yahay balse waxay naan ogeyn sidaan xalka ku gaari lahayn,marka su’aasha meesha taal waxa weyye xal ma rabnaa? Aniga fikriyan xalka waxaan u arkaa ineynu meel isku raacno inagoo fiirineyn danteena khaaska ah ee tan guud fiirineyna si taas aan u gaarnona waa ineynaan is eedeyn qof walbana xaqiisa la siiyo,hadaba Warqadan aan Hormuudka uga dhigey Alshabaab waxaan uga jeedaa waa ineynu qirnaa

Alshabaab maxay qabteen maxayse dhib keenen,dhibkooda iyo faaidadooda kee badan,aniga shakhsiyan sidaan horey u iri xalku waa is raaceena,qof wada saxsana majiro wax aan misaano markaasna danteena raacno waxii qaldana aan fiirino sidaan u saxi lahayn.

MAXEY KU SAXSANYAHIIN:

Arimo badan ayey ku saxsanyahiin balse intaan ayaan kusoo koobayaa.

1.Amniga si fiican bey usugeen Gobolada ay ka taliyaan markaan u eegno markay Dawaldii Geedi ka talinjirtey iyo markii Qabqable dagaalku joogeyba.

2.Waxey sameeyen iney dadka ku maamulaan Cadaalad aan marnaba lala misaan dhigi Karin maamulkasta oo abid Wadanka soo mara.

3.Waxey haysteen ayeen gaarsiiyeen danyarta sida Sekada iyo Abaaraha oo ka saacideen oo waxaa igu maqaala iney Seko dhowr joonyadood ay gaarsiiyeen Masaakiinta cala qof abid meysan dhicin taas.

4.Waxey suuliyeen Shirkigii sida Qabuuro la siyaarto,Jin la iska fooxiyo,Qabiil iyo kaabe Qabiil.

5.Waxey la dagaalameen Maandooriyaha sida Qaadka,Khamriga,Daroogada kaleba

6.Waxey xakameeyen Qoriga oo iyaga mooyee waxey isku dayeen inaan Shicibku Qoryo qaadan.

7.Waxey mamnuuceen ama isku dayeen iney ka horyimadaan Hay ‘ada la dheho WFO    iyo UNDP oo ka masuula dhibaatoyinka Wadanka ka dhacay uguna weyntahay iney curyaamisey Beeraleydii Somaliyeed welibana khatarta ka danbeysa ay tahay iney ciribtirto Miraha dabiiciga aan beerano iyadoo hadfkeedu yahay iney nagu qarqiso Galey aan abuurkeeda mar mooyee aan baxeyn waxeyna rabtaa in Africa oo dhan ka caajisto iney wax beerato hadhow markaan weyno abuurkeenii horena la inaka gado abuur hal mar bixi doona,mana aha Galeyda oo keliya ee xataa Yanyada iyo Basbaaska baa lasoo wadaa waana nooc ganacsi ah oo cusub Dunida kusoo kordhay.

Intaas iyo wax kabadanba wey qabteen weliba iaygoo Dagaal iyo cuno qabteyn, dacaayad ay ku socoto meesha Maamulada aan dagaalku Kusocon iyo cuna qabateynta sida Puntland iyo Somaliland aysan waxba uqaban Shicibka Masaakiinta ah.

MAXAY KU QALDANYAHIIN.

1.Iney talada Wadanka iyagu isku kooben una arkeen keligood iney Wadanka leeyahiin markaasna lagu tilaami karo Dictators( aniga keliya aqaan,xaq uleh,Dadka iyo Dhulakana leh) taasna natiijdeedu waa guuldaro.

2.In lagu eedeyo in ay leeyahiin hadafyo ka baxsan danaha Umadda sida iney Aduunyada oo dhan Cadow ku yahiin,iney wadayaan Dagaal aan xeelad lahayn,aan shuuro lahayn,aan talo lahayn balse anagaa sidaa rabna ku dhisan.

Anigu shaqsiyan eed kale uma hayo waxii intaa dhaafsiisan waa ceebeyn iyo dacaayad hade hadeynu manta oo dhan hadba keena xoog isbida farqaha qabsano Ethiopia iyo Cadowgeenana usoo kaashano,markeynu wiiqnona misna midkale farta nalooku fiiqo dan inooma ah ee waxaan ku talin lahaa Warqadana usoo qoray.

Ineynu ragas Waqti siino iyo ineynu kusoo oogno xujo cad taas bedelkeedana ay sababto ineynu majority ahaan aan wada raacno ama kazoo horjeesano,hadaba xujadaas waa maxay?

Waxaa hada kahor la yiri Rag meel ku tashanayey ayaa yiri war garta Rag odayaal ah haloo saaro kadibna Wiil Geed saaran oo qaawan ayaa yiri yaan Odayaal loo saarin ee Rag indheeragarad ah haloo saaro taas waxaan uga golleeyahay markii Shekh sheriif lasoo doortey durbadiiba Wadaado ayaa is abaabuley oo Xamar ku shirey oo fatwooyin soo saaray anigu markaas Culimadaas waxaan u arkay Odayaashii Ragu dheheen haloo saaro talada, hadana waxaan leeyahay indheergarad haloo saaro,waayo Culimada ruuxeeda ayaa dhinac noqon karta afkana is gashan kara.

Somali waa iney shirtaa indheeragarad,Odayaal Wadaado,Aqoonyahan,Dhalinyaro iyo Dumarba dabadeedna waa in lasoo doortaa indheeragarad anigu ma dhehin Aqoonyahan ama Wadaado balse indheergarad daacad ka ah waxa goobta yaal iyo Xukunka la isku haysto sida 50 qof oo kale waa in la hor fariistaa Alshabaab iyo Xisbul islaam lana horfadhiyaa muddo inta Somali wax ugu cadaan karto welibana si toos ah losoo gudbiyaa Shirka sidii kii Carta oo kale,waana in lahelaa fariin cad oo ka timaada Alshabaab iyo Xisbul islaam,iyaga ruuxooda waa iney chance naftooda siyaan waayo Mareykan iyo Ethiopia waxba kama qaadi karto ee cida wax ka qaadi karta alle ka sokow waa Somali,

Marka waa iney isku deyaan sidey Umadda dhulka leh ukasban lahaayen,si aysan u dhicin in Qabqable Dagaal usoo horkicin Ethiopia iyo Mareykan

Alshabaab markale waxaan ka codsanayaa waa inaad ku dhiiradaan arintan oo waxaa jira kumaan kun oo aniga oo kale ah aan tageersaneyn ururna kuna jaahwareeray ururada Somaliyeed waxey damacsanyahiin iyo hadafkooda marka soo bandhiga una cadeeya Umadda qaatana khatartaas in la idin raaco ama la idinka soo horjeesto,teeda kale waxii markaas tageerayashiina ku adkaada isku daya siyaasiyan iyo caqliyanba inaad talaabo dib uqaadan (step back) waayo arin muujineysa inaad Umadda talo u ogoshahiin ,kuna baaruga mar Rasuulka alle salalaahu calayhi wasalam uu dagaal aaday in meel u degay kadibna nin saxaabi ahi ku yiri Rasuulkii allow ma waxyi baa ineynu meeshan degno? Markaas ayaa Rasuulkii alle  yiri maya waxyi ma igu soo degin, markaas ayuu yiri marka aniga waxaa ila fiican inaan ceelasha degno,xadiiskaas waxaan rabaa inaad ku qanacdan talada walaalkaa ayey mar ku jirtaa,mida kale ceelasha in ladego xeelaysi bey aheyd.

Jawaab cad ayaan ka sugayaa walaalaha alshabaab iney yeelan in aanu ugu nimaadno hadaanu nahay Somali wadatashi iyo qancin waayo waqtigii waa dheeraday,dacaayadii wey badatay marka waxaan rabaa xaqiiqda ama inaad dhehdaan walaal anagu tageero iyo hiil midna idinkama rabno idinku tashada.

Mahadsanidin

DR Yusuf issa

yusufessa@gmail.com

2010/01/04

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Waraaq ku socota AlShabaab, X.Islaam iyo Soomaali oo dhan | Dr Yuusuf Issa "

  1. mohamed soomaalio says:

    sc dhamaan wallaalaha soomaliyeed bacdu sallaan ing yuusuf wax xun ma sheegin waana run waxaa uu ka codsaday oo aan runtii makhal qof sidaa talo la eg u soo jeediyey qolyahan shabbaab iyo xisbul islaam..waayo war anagu umad muslim ah beeynu nahay oo soomaali la yiraa alshabaab iyo xisbul islaana waa muslimiin soomaali ah marka isku midbaynu nahaye waxa aan isku haysano aan miis wada fariisano oo live tv qofwalba oo soomaali ah ha ula socdo dooda ka dib anaga shacabka ah iyo indheergaradka ayaa dooranayo kii danta guud u wada soomaali kii diida ama dowlada ama sabaab iyo xisbul islaam shacabku wuu ogyahay markaa kii qaladka leh oo weeynu ka soo wada horjeesan..waa wax fudud runtii waayowee na wareeriyeen maalinba midabaa joornaalda laga caynayaa yaa saxsan yaase qaldan?

  2. halgame says:

    walaal waxaad u muuqataa nin waxba aan lasoconin hadii eng somaliyed saan u hadlayo maxaad u malaynaysaa caamo
    alshabaab waa difaaca umada somaliyed, hadii ay tanaasulaana waxay ukala baxayaan qabaail is dilaya, taasna waa mida aad kula talinayso, mida shaamow cid kama qarsoona sirdoonka gaalada inay ka danbeeyeen ee adiga naftaada ha u soo jiidin in maalinta qiyaame dad aan wax ka ogayn been abuur aad u gaysatay laguu soo joojiyo, mida in lalataliyo waa sax ruux kasta ayaa loo nasteexeeyaa. mida ah diinta waa naseexo ama waa nabad waa sax laakin xaalka jira iyo dhibaatada nalagu hayo marka la eego wuxuu u ekaanayaa hadalka gaalada ay muslimiinta ku qaldaan, waayo diinta islaamka waxay nabad galisaa ruuxii nabad galiya, ruuxii ku xad gudbana intuu xad gudbay ayay kula kacdaa ana hadaan muslim nahay meelkasta ayaa nalagu laynayaa xataa nabigeenii CSW ayaa la caayay marka diinta islaamka waa nabad galyo maan ku doodaynaa? waxaana ku xasuusinaya alshabaab wax umada u dhaama masoo marayo ilaa qiyaamaha igana raali noqo

  3. umma says:

    Assalamu alaykum dhamaatiin, waxaa ku raacsanahay fikirka daandureey, maxaa yeelay alshabaab fursad way haystaan ee maka faaiidaysanayaan shacabka dhibaaada ku raagtay ma ugu faaiidaynayaan mise waxa rabaan in ay xoog dadka ku maamulaan, aygoo dadkii ka dhigay mid ay qaarijiyeen, mid qarxiyeen mid gaajo, cudur caafimaad xumo ay u sababeen. anigu fikirkayga iyo taariikhda sheegaysa kooxahan diinta ku qaraabta in ay waanadan ka faa’iidaysanayaan
    waad mahadsantihiin.

  4. muslim says:

    walaalka qoray maqaalkan ama taladan so jeediyey aad ayuu ugu mahadsanyahay alshabaab wax talo usoo jeediya waa lawaayay wax caaya mooyee taladaadana waa inay dhagaystaan walaalaha alshabaab iyo x. islaam waxaa aniga qabaa dadka alshabaab caayaya waa dadkii isbaarada ay ka qaadeen laakin dadka wanaaga raba way amaanaan inta badan ilaahay kheyr badan hakusiiyo dr yuusuf

  5. Walaal Dr. Yusuf aragtidaada ku aadan Warqaddani waxaan u arkaa mid aad ka codsanayso inay Alshabaab samayso tanaasul , laakiin waa wax wanaagsan waxaan u malaynayaa inay Alshabaab sida ay ku socoto ay Waddanka Khatar weyn gelin doonto Cadow Madow iyo mid Caddaan ahiba ay Ehel u noqon doonaan Ummadda Soomaaliyeed ee 20 Sanadood ay Ethopia ,Qabable Dagaal, Gaajo iyo Cudur ay la rafanayeen , Sababta kuuma sheegayo laakiin Qof Fariid ah wuu garanayaa Diin Islaamku waa Diin Amini iyo Nasteexo Tusaale waxaa kuugu filan ficilkii ay ku sameeyeen Hoteel Shaamo , waxaan kuu sheegayaa haddii aysan qaadan Tallooyinka Walaalaha Soomaaliyeed ee Aqoonyahanada ah Ciribtoodu waxay ku dambayn doonaan Waddadii ay Midowgii Maxaakiimtu mareen ee Firxaddku ku dhacay Hilbihooda iyo Dhiigooda ayuu Libaaxa iyo Shabeelku Waamo ku Caweyn doonaa , waxaan ku Talinayaa inay qaataan Tanaasul Ulul Amarka Waddanka ka Taliyana la Heshiiyaan si ay u badbaadiyaan Ummadda Soomaaliyeed.