Home » Warar »

Stockholm: Mutamarkii Islaamiga ee wakhtiga qaboobaha: Qeybtii labaad

Maxay Ku badbaadi karaan Ubadkeenu?

 
Maalintii labaad iyo saddexaad  ee kulankii islaamiga ee qaboobaha
 
Kulankii islaamiga ee wakhtiga qaboobaha, 25-27-kii bisha december  2009  ayaa halkiisii kasii socday. Waxaan halkaan idiinku soo gudbineynaa muxaadarooyinkii iyo dood cilmiyeedkii dhacay maalintii labaad iyo saddexaad oo kooban.
 
Sidii uu Rasuulku (csw) u tarbiyeeyey gabdhiisa
 
Muxaadaradaan ciwaankeedu kor ku xusan yahay waxaa soo jeediyey Dr sheekh  Cali Maxamed Saalax. Khudbadii oo koobana waxaa ay ahayd sidatan:
 
–         Gabdhuhu waa qayb weyn oo bulshada islaamka ka mid ah. Waa qayb muhiim ah oo saldhig weyn u ah reerka islaamka ah. Sida ay taariikhdu xuseyso, dumarka siyaabo kala duwan oo xadgudub iyo xaqiraad ku dhisan ayaa loola dhaqmi jirey. Tusaale ahaan carabtii islaamka ka hor waxaa ay aad ugu tuman jireen xaqa gabdhaha iyo guud ahaan dumarka. Gabdhuhu wax sharaf iyo karaamo ah kuma lahayn carabta dhexdeeda. Waxaa ay gaareen heer ay  gabdhaha kolkii ay dhashaan la aaso iyagoo nool. Qofkii ay gabar u dhalatona waxaa uu dareemi jirey ceeb, waxaana ku adkeyd inuu dadka akhyaarta ah hor yimaado. 
 

(Sawirka Dr sheekh cali maxamed saalax)
 
Wadamada dimoqraadiyada iyo ilbaxnimada sheegtana wakhti dhow ayey ahayd kolkii ay garowsadeen xuquuqda gabdhaha iyo guud ahaan dumarka. Islaamku markii uu yimid waxaa  uu ka hor yimid dhamaan qaababkii cadaalad xumada ahaa ee dumarka loola dhaqmi jirey, waxaana uu sugay xaqa gabdhaha. Ilaahay subxaanu watacaalaa waxaa keliya oo uu qofka ku qiimeeyaa iimaankiisa iyo taqwadiisa. Kolkii taqwada laga hadlaayona wax farqi ahi uma dhexeeyo raga iyo dumarka.  Kala duwanaanshaha raga iyo dumarka ee laga hadlayaa waa xagga jirka ( physiology) kaas oo ka turjumaaya qaabka uu jirka qofka u shaqeeyo iyo siyaabaha unugyada jirku u wada shaqeeyaan.Waxaa kale oo kala duwanaanshaha ka mid ah siyaabaha raga iyo dumarku shaqooyinka kala duwan ugu kala haboon yihiin.
 
Markii laga hadlaayo xagga guurka ma qabto diinta islaamku in gabdhaha lagu khasbo nin aaney dooneynin. Guur khasab iyo jajuub ahna ma waafaqsana manhijka islaamka.

Waalidku talo ayuu soo jeedin karaa balse haddii gabadhu ka hor timaado, waxaa waalidka laga doonayaa inuu tixgelin siiyo arinkaas. Haddii gabadhu la timaado qof kale, qofkaasina buuxiyo shuruudihii islaamiga ahaa ee ninka gabar guursanaaya laga doonaayey, waxaa waajib ah in gabadha doonitaankeeda la aqbalo.

Waxaa jira waxyaalo badan oo burburinaaya sharafta gabadha xadgudubna ku ah shuruucda iyo manhijka ilaahay dejiyey. Tusaale ahaan, sida ka sugnaatey sunada Rasuulka (csw) waa in meherka gabadhu ahaadaa mid fudud oo aan cidna dhib ku ahayn. Rasuulka ( csw) ayaa yiri, gabdhaha siiya meherka ay muteysteen. Sida aynu maanta aragno meherkii waxaa uu noqday mid aan barako lahayn oo isugu faanis ku dheehan tahay.  
 
Guurka maanta waxyaalaha barakada ka saaray, kalifana inuu burburo waxaa ka mid ah:
 
Ø      Laba qof oon shaqo isku lahayn oo la isku khasbay.
Ø      Khalwo ( laba qof oo ajnebi kala ah) badan  oo aan ilaahay banaynin
Ø      Meher tiro badan oo isugu faan saldhig u yahay
 
Waxyaalaha kale ee guurka barakada ka qaada waxaa ka mid ah aroosyada loo sameeyo qaab aan sharciga islaamka waafaqsanayn. Furaatiga farta la isu geliyo,xafladaha aan islaamiga ahayn ee la socda arooska, iyo shukada weyn ee jiitameysa ee aroosada loo geliyo.

Qiimeynta uu rasuulka (csw) uu gabdhihiisa siin jirey waxaa ka mid ahaa isagoo mar walba la socon jirey, kana warqabi jirey xaaladooda iyo hadba waxa ay ku sugan yihiin. Aad ayuu ula socon jirey rasuulku (csw) gabdhihiisa xitaa wakhtigii ay guursadeen. Isagoo leh howlo aad u muhiim ah, weligiis kama aanu mashquulin booqashada gabdhihiisa.  Rasuulku(csw) waxaa uu ku tilmaamay ragga iyo dumarka gacantiisa midig iyo tan bidix, kuwaas oo isu baahan mar walbana is dhamaystira.
 
Bidcada iyo ka tegideeda
 


( sawirka sheekh cismaan faarax cali
 
Sheekh Cismaan Faarax cali, oo ka yimid magaalada   Birmingham ee wadanka Ingiriiska yaa soo jeediyey muxaadaradaan oo run ahaantii ahayd mid aad u bayaamisay waxyaalaha mugdigu ku jiro. Waxaa ugu horeyn uu sheekhu sharaxad ka bixiyey waxaa ay bidco tahay. Waxaana  uu yiri: – Bidcadu waa wax shareecada lagu soo daray, salna aan ku lahayn diinta islaamka iyo shuruucda eebe dejiyey” Waxaa shiikhu sharaxaadaas u cuskaday  aayado quraan ah iyo axaadiis kala duwan.Aayadaas oo dadka faraaya iney raacaan diinta islaamka iyo waxyaalaha uu rasuulka ( csw) ina faray. Iftiinka diinta iyo wadadii rasuulku inoo jeexay waa inaan raacnaa. Haddii aynaan sidaas yeelin waxaa aynu noqoneynaa kuwo ka dhuma jidka saxa ah. Sheekhu waxaa uu soo qaatay tusaale xikmadi ku jirto.
“ Nalalka gaariga ee waaweyn waxaa ay ku yaalaan xagga hore ee gaariga si ay dareewalka ugu iftiimiyaan hortiisa uuna u arko waxyaalaha wadada horyaala. Balse ka warama haddii nalalkaas lagu dhejiyo xagga dame ee gaariga. Markaas waxaa ay ifiiminaayaan xagga dame ee gaariga, wax faaìido ahna uma laha dareewalka gaariga”
 
Waddo gaar ah oo qofka banii`aadamku jeexan karaa ma jirto waa in dhamaan la raacaa wadadii rasuulka iyo asxaabtii suubanaa. Rasuulka( csw) waxaa uu inooga digey raacitaanka waxyaalaha diinta lagu soo kordhin doono ee aan diinta horay ugu jirin. Wax walba oo ilaahay loogu dhowaado oo aan sal ku lahayn diinta islaamka waa bidco.

Tusaale ahaan xaflada dadka qaarkiis ku xusaan dhalashadii rasuulka( csw) , waa xaflada mowliidka loo yaqaan. Xafladaas haddii ay sugan tahay waa la sameyn lahaa waagii rasuulka ( csw), ama asxaabta balse weligeed lama sameyn. Sidaas darteed waa shey aan saldhig ku lahayn sunada Rasuulka  ( csw) taas oo falkaas ka dhigeysa mid bidco ah.
 
Tusaale kale waxaa weeyaan xuska waalidka. Waalidka wax waa loo sadaqeyn karaa balse lama ogola in wakhti loo qabto oo la yiraahdo, bishaas waa bishii xuska aabahay oo kolkaas umado badan isu yimaadaan oo wax la qalo iwm. Waxaa ka haboon in mar kasta oo jeebkaaga wax soo galaan aad waalidkaa wax u sadaqeyso, adigoon u eegeynin wakhti gaar ah iyo xili gaar ah. Waxaa jira waxyaalo badan oo dadku bidco u yaqaanaan balse aan bidco ahayn. Waxaa mar walba haboon in qofku eego qeexitaanka bidcada ee aan kor kusoo sheegnay. Haddii uu sheyga shaki kaa galona waxaa haboon inta aadan xakumin inaad culimada weydiisid.

Yaa masuul ka ah haddii ilmuhu ka leexdaan wadada saxda ah
 
Muxaadaradaan waxaa iyadana soo jeediyey Sheekh Cismaan Faarax cali. Sheekhu waxaa u ku bilaabay: Ilmuhu laba meelood ayey ka koraan. Waxaana la doonayaa in labadaas meeloodba la kobciyo si ilmuhu u noqdaan kuwo si buuxda u kora.

Labada meelood ee ilmuhu ka koraan waa caqliga iyo jirka. Waalidka iyo ciddii ilmaha haysaba waxaa waajib ku ah iney ku dadaalaan sidii ay ilmaha u siin lahaayeen koriino buuxda oo labadaas qodob ku saleysan. Hadii ilmuhu ka koro halmeel oo keliya waxaa dhumaaya miisaankii qofnimo ee ilmuhu heli lahaa. Dadka soomaalida ah waxaad moodaa iney aad ugu dadaalaan iney ilmaha ka koriyaan xagga jirka oo keliya. Waxaad arkeysaa hooyo iyo aabe in badan ilmahooda ku canaanta iney wax cunnaan.  Waxaa dhacda in dadka qaarkiis ay ilmaha geeyaan meelo ay ku tababartaan si ay usii xoogeystaan. Waxaad arkeysaa aabe ilmihiisa u sii wada tusaale ahaan meesha karateega ama jabaanka lagu ciyaaro si xubnaha ilmuhu u noqdaan kuwo aad u xoog badan.  Ma xuma in ilmaha jrkooda la dhiso balse waxaa qalad ah in dhinacaas oo keliya xooga la saaro oo aan wax tixgelin ah la siin dhinacii kale ee xagga caqliga ahaa. Dad badan ayaa waxaa ay tarbiyada fiican moodaan in ilmaha la siiyo cunto fiican, dhar fiican, la geeyo meelo kala duwan iwm. Balse dhisitaanka ilmaha la dhiso ee ugu fiican waxaa weeyaan dhismaha xagga caqliga iyo caqiidada.
 
Qofku waxaa uu ka kooban yahay jir iyo ruux, waana in kobcinta labadaasi isla socotaa. Jirka waxyaalo badan oo dhaawaci kara oo laga ilaaliyo ayaa jira, sidoo kale nafta (ruuxa) waxyaalo dhaawaci kara oo ay waajib tahay in laga ilaaliyo ayaa jira.

Waalidka waxaa waajib ku ah inuu ilmaha ka ilaaliyo dhibta ku iman karta labada qaybood ee jirku ka kooban yahay. Waalidka ayeyna masuuliyadaasi saaran tahay. Waalidka ayaa laga doonayaa in daldaloolada laga soo geli karo ilmaha uu dhamaantood buuxiyo ama awdo. Ilmaha maanta jooga waxaa ku furan mowjado aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin: Saaxiibo, bulsho aan islaamka waafaqsanayn, tv iyo waxyaalo kale oo badan. Tarbiyad xumida ilmahu ku ekaan meyso reerka dhalay iyo qaraabada oo keliya balse waxaa ay saameyn ku yeelan kartaa shicib dhan. Maxaa yeelay waxaa dhacday ilmo waagii uu yaraa tarbiyadu ka xumaatay inuu madaxweyne ama wasiir noqdo oo uu shicib dhan maamulo.
 
Laba arimood oo waalidku haysto una sahla inuu ilmaha tarbiyeeyo ayaa jira:

 Waalidka oo uu ilaahay ku abuuray jacayl xagga ilmiisa ah oo uu waalidku jecelyahay inuu wax walba ilmihisa ka hormariyo.

Ilmaha oo ah caanshi cad oo diyaar u ah in wax lagu qoro. Waa xaanshi diyaar u ah iney wax galaan. Waa xaanshi aan horay wax loogu soo qorin. Sida la ogsoon yahay ilmaha diinta uu qaato waxaa u horseeda labadiisa waalid.  Toosinta iyo tarbiyeynta ilmaha waxaa ay ugu horeyn saaran tahay labadiisa waalid. Balse qof kasta oo islaam ah oo tarbiyeyta ilamaha ka qayb qaadan kara masuuliyad ayaa ka saaran toosinta ilmaha. Dowlada, Macalinka, iskuulka, bulshada, dhamaan masuul ayaa saaran. 
 
Ilmuhu inta uu yar yahay ee cajiinka yahay waa in la toosiyaa oo lagu hagaa wadada saxda ah. Mar haddii uu weynaado oo adkaado waa adag tahay in la toosiyaa.

In la jajuubo oo diyaarad la saaro oo soomaaliya la geeyaa waxba soo kordhin meyso.

Rasuulku ( csw) waxaa uu yiri dhamaantiin Adhi-jirayaal baad tihiin (raaciyiin), qof kastaana waxaa uu masuul ka yahay waxii la raacshey. Waalidka gaar ahaan aabaha ayaa masuul ka ah reerkiisa. Odayaasha maanta xagee ayey ku mashquuleen?

Ma yihiin kuwo ku mashquulay xoogana saaray reerkooda?  Jawaabtu waxaa weeyaan, walow ay jiraan aabayaal badan oo reerkooda xooga saaray hadana waxaa aad u badan aabayaasha ku mashquulsan waxaan macno lahayn sida fadhi ku dirirka siyaasada. Walee aakhiro caruurteena waa la ina weydiin ee waa inaan xooga saaraa toosintooda iyo tarbiyeyntooda ayaa sheekh cismaan hadlakiisii ku soo xiray.
 
 
Waxaa  isna mowduucaas masuuliyada iyo tarbiyada ilmaha  ka hadlay sheekh C/raxman Abyad oo ka yimid wadanka Danmark. Sheekh C/raxman waxaa uu ugu horeyn sheegay inaan garowsano in ilmuhu yihiin nimco ilaahay inagu minaystay.

Ilaahay waxaa uu sheegey in qofka uu doono uu siiyo wiilaal, kii uu doonona gabdho, kii uu doonona isugu daro labadaba, kii uu doonona aanu waxba siin. Sidaas darteed awlaadu waxaa ay ka mid tahay nimcooyinka ilaahay bixiyo.loona baahan yahay in lagu shukriyo. Barakada ilmaha ayaa kordheysa haddii lagu shukriyo haddii kale waxaa laga yaabaa in cadaab lagu muteysto. Ilmaha masuuliyad weyn ayaa ka saaran waalidkood sidii loogu soo sheegeyba muxaadarooyinkii hore. Masuuliyad macnaheedu waxaa weeyaan in wax lagaa weydiin doono sheygii laguu dhiibey.
Waxaa muhiim ah inaan eegno oo ku dayano sidii ay rasuuladii iyo dadkii saalixiinta ahaa ay ilmahooda tarbiyad ugu barbaariyeen.  Nabi Ibraahim meel barwaaqo ah oo beero leh ayuu ilmihiisii ka waday waxaana uu geeyey meel abaar ah si uu ugu dhoweeyo masjidka alle isla markaasna ay u bartaan ka cabsiga ilaahay. Nabi ismaaciil sidoo kale ehelkiisa waxaa uu u tababari jirey oo fari jirey salaada iyo Zakada. Suurada luqmaan waxaa lagu soo qaatay ninka luqmaan la yiraa oo ahaa nin ilaahay toosiyey. Luqmaan waxaa uu la dardaarmay wiilkiisii. Ugu horeyn Towxiidka ayuu faray, ka dibna akhlaaqda wanaagsan,salaada iyo inuu xaqa amro xumaantana reebo. Haddaba hamigeenu waa inuu ahaadaa tarbiyad fiican. Tacliintu waa in yar oo tarbiyada ka mid ah.

 
(Sawirka sheekh c/raxman Abyad)
 
 
Sheekh C/raxmaan waxaa uu aad ugu nuux-nuuxsaday kaalinta muhiimka ah ee ay hooyadu ku leedahay tarbiyeynta caruurta. Haddii hooyadu tahay hooyo wanaagsan oo diin leh waxaa ay u badan tahay iney soo saarto ilmo tarbiyad leh.
Imaamyadii islaamka ee waaweynaa ee aynu dhamanteen wada naqaan waxaa soo tarbiyeyey oo soo saaray hooyo.  Imaamu shaafici, Ahmed, Abu xanafi iyo Maalik waxaa soo tarbiyeeyey hooyooyin. Qaaìdkii weynaa ee muslimiinta Cumar ibnu Cabdulcasiis waxaa soo saartay oo tarbiyad fiican soo siisay hooyadiis. Waxaa uu ka mid ahaa khulafaa- ul raashidiintii. Haddaba walaalayaal hooyadu waa Dugsi ay kasoo baxaan dad la soo tababaray. Ducada hooyada waa laga aqbali ogyahay tan aabaha sida ku sugnaatay axaadiis badan. Kolkii aynu eegno qurbahaan aan joogno waxaad arkeysaa hooyooyin aad u dadaalaaya oo aadba is oran kartid waaba inta qoyska soomaalidu ka dhaq-dhaqaaqayo.  Ilmo badan ayaana ku baxsaday dadaalka hooyada.
Haddaba walaalayaal ilmaha waa la ina weydiinayaa ee yaan tarbiyadooda la dayicin.Intaas ayaa sheekh c/raxman abyad ku soo koobay hadalkiisii.
 
Caruurta iyo isticmaalka Internetka
 
   Waxaa gabagabadii shirka hadal gaaban oo ku saabsan isticmaalka Internetka soo jeediyey Mudane Saxane maxamed oo aqoon fiican u leh arimaha komputerad.
Saxane waxaa uu soo koobay taariikhda Internetka iyo heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray.
Baaritaano kala duwan oo la sameeyey waxaa lagu sheegay in isticmaalka internetka ay caruurtu aad u badsadaan. Tusaale ahaan ilmaha 9-jirka ah  boqolkiiba sagaashan  ( 90%) ayaa isticmaala Internetka. Caruurta 16-jirka ahna waaxaa isticmaala boqolkiiba boqol( 100%). Waxaa haboon in caruurta loo sheego arimahaan soo socda:
 
Ø      Waa inaan ilmuhu internetka gelinin warbixin isaga ama reerka ku saabsan
 
Ø      Waa inaan ilmuhu lambarkiisa sirta ah qof kale siin
 
 
Ø      Waa inaan ilmuhu ku kicin wax naftiisa bah dil ku ah
 
 Sida lagu cadeeyey baaritaano badan inyar oo waalidiinta ka mid ah ayaa og waxa ilmahoodu  Internetka ka sameynaayo.Haddaba dadka khibrada u leh arimaha Internetka waxaa ay  waalidiinta usoo jeediyeen talooyinkaan soo socda:
 
Waa in waalidku eegaa lana socdaa waxa ilmuhu ku sameynaayo Internetka
Wada hadal waa in lala sameeyaa caruurta si loo ogaado howlaha ay internetka ka qabtaan
Waa in komputerka la dhigaa meel la arki karo waxa ilmuhu sameynaayo
Waa in ilmaha la baraa ina aanu bixin waxyaalaha ay ka mid yihiin, magaciisa, NR-ka dhalashadiisa, meeshu uu degan yahay iwm
Waa in waalidku isticmaalaa barnaamijyada caruurta ka ilaaliya iney galaan meel aan haboonayn
Waa in loo sheegaa ilmaha in la ogaan karo meel kasta oo ay galaan oo uu raad ka haraayo
Wakhtiga internetka ilmhuhu ku jiro waa iney goàn tahay
Sanduuq ama koonto ka sameyso meelaha lagu wada hadlo ee ay ilmuhu galaan sida. MSN-ka, facebook, myspace, twitter iyo kuwo kale oo badan
 
 Waxaa muhiim ah in Internetku aanu noqon meel ilmuhu wakhti walba fadhiyaan oo ay saacado badan geliyaan. Waxaana loo baahan yahay in waalidku ahaado mid aad u feejigan.
Intaas ayaa Mr saxane hadlkiisii ku soo koobay.
 
Intaas waxaan kusoo koobnay casharadii iyo muxaadarooyinkii laga soo jeediyey kulankii islaamiga ee wakhtiga qaboobaha ee ka dhacay magaalada Stockholm.

FG: Qaybtii koowaad ee mutamarka ka akhri meesha hoose ee ay ku qoran tahay HALKUDHEG: Sweden

Qofkii doonaaya cajaladihii la duubay iyo waxyaalaha kale ee shirkaas la xiriira waxaa uu la xiriiri karaa masjidka soomaalida ee magaalada Stockholm. Waxaad gashaa hoyga masjidka ee internetka, halkaas ayaad ka heli kartaa warbixin iyo xiriir toos ah     http://www.masjidunur.com/port/
Waxaa warbixinta diyaariyey
C/risaq Maxamed Xuseen
stockholm,sweden.
habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Stockholm: Mutamarkii Islaamiga ee wakhtiga qaboobaha: Qeybtii labaad "

  1. abdulqaadir omar aden says:

    Asc aad iyo aad ayey culimadu u mahadsan yihiin.
    Carruurta somaliyeed ee qurbaha ku nool dhibaatooyin badan ayaa haysta, kuwaas oo meelo badan ka imaaneysa.
    1- Waalidiinta somaliyeed oo aan u bisleyn tarbiyadda carruurta oo aan aqoon buuxda u laheyn, kuna dadaaleyn raadinta aqoonta ku saabsan tarbiyadda carruurtooda.
    2- Dareen la’aanta dhulalka ay ku nool yihiin dhaqamada ka jira iyo isbaddelka ku dhacaya carruurtooda.
    3- Ka caawin la’aanta carruurta waxbarashada iyo ka warqabka goobaha waxbarashada.
    4- Ka warqabid la’aanta xaaladaha carruurtu ku sugan tahay xag dhaqan iyo af intaba.
    5- Waqti u hurid la’aanta arrimaha carruurta ku saabsan.
    6- Khilaafaadka joogtada ah ee guryaha ka jira oo carruurta saameeyn weyn ku yeesha habdhaqankooda.
    7- Carruurta oo aan laga xakameyn tegnolojiyada cusub oo ay hadba dhinac u dabaashaan har iyo habeyn.
    8- Adduunyo jaceylka waalidiin badan oo aan carruurta bii’adaha xun laga baddeleyn lacag dhakhuulid awgeed iwm.
    9- Mucallimiinta barbaariyeyaasha ah oo aad iyo aad u kooban, waayo macallin walba adduunyo ayuu dabada qabsaday oo taxi iyo siyaaso ayaa loo batay waayahaan dambe in Alle u naxariistay mooyee oo aad u yar.
    Haddaba lama soo koobi karo dhibaatooyinka haysta carruurta somaliyeed ee qurbayaasha ku nool, waxaanse rajeynaynaa in dhawaan buug arrintaas ku saabsan la soo daabici doono inshaa’allaahu.
    Tankale culimada qurbo joogta ah aad iyo aad ayey u dhaliilan yihiin badankoodu, waayo waxaad arkeysaa sheekh caalim ah oo aan hal darsi bixineyn, waqti baddanna fadhi ku dirir iyo aljezeera horfadhiya ama maktabadda masjidka maalintii oo dhan fadhiya, farna dhaqaa jineyn. Waa in culimada qurbo joogta ah dadaal dheeraad ah sameeyaan oo bulshada daadku wato laga dhigaa.

    Barbaariye abdulqaadir omar Aden Afrika