SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SH. UMAL

Xumaanta Qabiilka: Vedio (Sh. Maxamed Cabdi Umal)

Video-ga ka daawo dhanka hoose ee bogga

Sh. Maxamed Cabdi Umal
Sh. Maxamed Cabdi Umal

Sheikh Mohamed Cabdi Umal ayaa Habaynimadii Jimcaha Muxaadaro u Jeediyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga America gaar ahaan Gobolka Minnesota, Muxaadarada uu Sheikh Umal jeediyey ayaa ahayd mid si toosa loo sii daayey loona adeeg saday Aaladaha Casriga ah ee loo yaqaano Video Conference Muxaadarada ayaa waxaa soo abaabulay Howl wadeenemada Xarunta Muslimiinta Minnesota ee Abubakar Islamic Center ama Masaajidka Abubakar Sadiiq.

Sh. Maxamed Cabdi Umal ayaa ayaa dardaaran dheer oo qiimogal ah u jeediyey dad aad u fara badan oo soo buuxdhaafiyey Masjidka Abuubakar Sadiiq,Sheikha ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday Qabyaalada sida ay u aafaysay bulshada Soomaaliyeed.

Sh Mohamed ayaa ka hadlay Cudurka Dilaaga ah ee Qabyaalada isla markaasna Xusay in Laga Cararo qofka Cudurkaas qaba loona naseexeeyo.

Sh. Maxamed Umal ayaa ka Codsaday Ducaada iyo kuwa Cilmiga dalbaya iyo Dhammaan Umadda Somaliyeed in aan Qof lagu Nicin Qabiilka uu ka dhashay ee ilaahay dartiis wax loo jeclaado ilaahay dartiisna wax loonaco. Sh Mohamed Ayaa yiri walaalalaal Diintu ha idin walaalayso waxkasta ka hormariya Diinta Islaamka ayada ku walaalooba.

Sh Mohamed Umal ayaa Muxaadaradiisaan ayaa dad badan saadaalinayaan in uu Sh Mohamed ka Murugaysan yahay Khilaafka Wadaadada iyo Saxwada haysata kaas oo u muuqda mid Qaaradkasta iyo Magaala kasta gaaray.

Dhinaca kale Sh Abdirahman Sh Cumar Ahmed ahna Imaamka Masjidka iyo Shiikha Gobolkan Minnesito ayaa ilaahay ka baryey in Cudur kaan ka saaro cidii qabta isla Markaana kuwo ilaahay dartiis isku jecel ilaahay hanaga dhigo Sh Abdirahman Imaamka Masjidka Abubakar ayaa Amaan iyo Mahad Naq u soo jeediyey Sh Mohamed Umal kuna Tilmaamay Culumadu in ay Booskii Ambiyada joogaan Xilna ka saaran Yahay in ay dad ka u dhawaaqaan uguna yeeraan Diinta islaamka waxuuna Tusaale u soo Qaatay Nabi Nuux Calayhi Salaam asaga oo aayaad halkaas ka akhriyey Ayadahaas oo Macnahoodu yahay Dhawaaq ku socda Somalida Dhamaan teed gaar ahaan Kuwa Minnesota.

DAAWO MUXAADARADA: 60:31

Ama ka daawo Halkan....

Waxaa soo tebiyay: Ustaad Dalboon
Minnesota Minneapolis

Waxaana muxaadarada lagu qabtay:
Xarunta Muslimiinta Minnesota
Abubakar Islamic Center        

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: