SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Muqdisho oo laga sii qaxayo maalmahaan
Dadka guryahooda ka barakacayo oo muqdisho ku soo badanaya maalmahaan

Oonka dhibka iyo gaajada aan ka baxnee dagaalka joojiya ayaa sida hees ahaan u qaadayeen qaar ka mid ah dadka ka qeyb qaadanayey isu soo bax maanta ay sameeyeen dadka ubarakacay duleedka waqooyi ee Magaalada Muqdisho oo shegay in iyaga la iloobay.

Iyada oo ay si xoogeysaneyso cabdsida laga qabo in dagaal xoogani uu Muqdisho ku dhaxmaro ciidamada dowlada iyo xoogaga dagaalka hubeysan kala soo horjeedo ayaa tasi waxay sababatay in dad badan oo firxad ah ay gaaraan goobo ay isleeyihiin waa ku badbaadi kareysaa waxaana ka mid ah gobaha lagu sii qulqulayo deegaana ka baxsan Magaalada Muqdisho.

Deegaanada galgalato ,gubadleey ,Sh Cali Cabdulle ,dharkeyn,fiiqa cisiley,Shiidaalka xeebyarey iyo agagagrka dekada ceelmacaan oo dhamaantood ka wada tirsan xaafada heliwaa ee Magaalada Muqdisho waxayna ahaayeen , goobaha ay iskuugu tageen barakacayaal guryahoodii uga cararay ka dib markii dushooda lagu dagaalamay.

Shacabka halkaa dagan ayaa haatan lagu qiiyaasaa in ay garayaan 3700 oo qeys waxayna isugu jiraan dadkii deegaankaa deganaa markii hore iyo marti kale oo barakacayaal ah oo aan haysan waxyaabaha nolosha kabi kara ee sahla waxayna ka cabanayeen maanta mar aan tagay xeryahaas , biyo .la.an ,waxbarasho la.aan , hoy la.aan cuno xumo , caafimad daro .nafaqa dari dadka waaweyn iyo caruurta ah.
Inta badan dadkaan ayaa noloshoodu ku tiirsan tahay waxyaabaha ay ka midka yihiin in ay so gurtaan xaabada la shito .kaawooyinka oo ay ka shaqeeyaan, halka qaarkoodna ay qotaan jay ga guryaha lagu dhisto mana ah dad ehel u ah tuugsida waxayna kuu shegayaan in ay helaan wixii alle u qoray.

Deegaanadaan ayaa maanta waxaa ka dhacay banana bax nabadeed aan cidina soo abaabulin ka dib markii waayeen cid u timaada oo ka socoto hay.addaha deeqaha bixiya oo meelaha qaarkood xoogaa cunooyin ah geeya waxayna ku dhaliilayeen in la iloobay dhanka waqooyi cidihii u barakcay hay.aduhuna ay mashquul ku yihiin deegaanada ceelasha biyaha iyo reerihii u barakcay koofurta Muqdisho.

Barakacayaashaan ayaa ku qeylinayey biyo la.aan doonimeyno, caafimad la.aan doonimeyno , shaqo la,aan donimeyno,waxbarasho la.aan doonimeyno. Waxaana qaarkood ii sheegeen in haweenku ay gedaha hoostoda ku umulaan oo aanu jirin hay.ad cafimad oo ka howl gasha deegaanada ay u barakceen boqolaal isugu jira kuwa cusub iyo qoysas hore u daganaa mana lah asidoo kale ceel biyood.
Haweenka qaarkood ayaa ka codsaday dhinacyada dagalamaya in ay heshiiyaan si umadu ay guryahooda dib ugu laabtaan waxayna ka cabsi qabaan iyada oo lagu guda jiro xiligii roobka ay waayaan meel ay ka galaan biyaha roobka iyo dhaxan tiisa waxayna dagan yihiin guryo ka sameysan maryo duug ah ,iyo baarkado aan celein Karin biyaha roobka ,dhaxanta iyo qoraxda.
Dumarka ayaa ku qeylinayey dagaalku rag la.aan iyo dad alaa. Ayuu ina dhigay ee naga daaya.

Barakacayaashaan ku nool duleedka magaalada Muqdiso ayaa ka kala yimid 16 dagmo ee uu ka koban yahay gobolka banadir waxayna isugu jiraa haween ,caruur, dad waaweyn iyada oo ay ku jiraan cuuryaamiin indhoolayaal iyo dad waayeelo ah.

Barakacayaashaan ayaa maanta xeryaha qaarkood ka wada howlo nadaafadeed oo ay sheegeen in ay hey.adda cogwo ka heleen howlo shaqo raashin ku bedelasho ah taas oo ay ku amaanen hay.adda cogwo waxayan sheegeen in ay rali ka yihiin kuna faaxsan yihiin howshaan hay.adda cogwo iyo haweenka degaana dadka barakacay ka dhaxeyso.
Ugu danbeyntii dadkii ka qeyb qaadanayey mudaaharadka ayaa waxaa la hadashay Maryan daqal oo ka tiran madaxda hay.adda cogwo oo u sheegtay in sii wadi doonto hay.adda cogwo caawinaada iyo wax u qabashada dadka guryahoodii ka barakacay.



Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | May 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: