Ma Dagaalaa! Ma Muqdishaa! Ma Dil iyo Qixitaanaa!
W/Q/ Cabduraxman M.
Cabdullahi (Baadiyow)
abdurahmanba@yahoo.com
Hadal badan kama furna masiibada ka socota magaalada Muqdisho
iyo dadka intiisa kale, lagamana aamusi karo oo damiirka ayaa
na damqaaya. Waa dhiig daadanaya, meed la guraayo, dhaawac la dhayaayo, bara-kac
aan xad laheyn, oohin, riin, aadaar, taah, habaar iyo qaylo dhaan. Waa kala orod,
isku habaar wacasho, isgargaarsi iyo Alle bari. Waa dagaal lagu tooganayo mar
kale wadnaha Somaaliya, maskaxda Somaaliya, sumadda dawladnimada - caasimada
Somaaliya ee Muqdisho. Waa dagaal ay ku niyad-jabayaan dadka Somaaliyeed oo
rajada ka lahaa culimda hor-boodeysa dawladda iyo mucaaradka. Waa dagaal ay ku
hoobanyaan dad aan waxba galabsan oo isugu jira caruur, haween, waayeel iyo
waxgarad. Waa dagaal ay ku barakacayaa kumanaan qoys, laguna burburinayo
adeegyadii bulshada sida dhibka badan lagu sameysay 19 sano ee lasoo dhaafay.
Waa masiibo kasii masiibo, waa “dab dhaxamooday ee maxaa lagu diiriyaa! waa
dawo bukootay ee maxaa lagu dabiibaa”! Waa dhiig xaq-daro iyo dulmi lagu
daadinayo! Waa naar loo tartamayo iyo balaayo la hor-boodayo. Aaway diintii
Islaamka oo magaceeda lagu dirirayo? Away Alle ka cabsigii lagu celcelinjiray,
qur’aankii la aqrin jiray iyo axaadiistii la daliilin jiray?
Dagaallada ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho iyo goobaha
kale ee Somaaliya looma fiirinaayo yaa gardaran iyo yaa gar leh. Haddii gar iyo
gardaro la qaadanaayo, waa la xaajoon lahaa, geed hoostiis ayaa la fadhiisan
lahaa, markii la hadlana waa la heshiin lahaa. Arinka ah “yaa gar leh iyo yaa
gardaran” waxaan ka baqayaa inaan ku heshiin weynno ama garteynna la diido.
Waxaan ka cabsanayaa in hadalkeynu ku soo gunaanadmo “Cali Mahdi gar leh
Ceydiidna gar leh”. Erayadaas ku saleysan go’aan qaadasho xumida, waxey
sabab u noqdeen dagaaladii lagu hoobtay oo ka dhacay magaalada Muqdisho 1991-92.
Hadaba, ma ka fiirinaa dagaallada Muqdisho iyo meelaha kale xagga dhibaatada uu
keenayo iyo khasaaraha uu sababayo. Ma isku raacnaa inaan dhahno, Dawladda KMG
iyo xooggagga hubeysan ee mucaaradka ah xaq uma laha, waxeyna ku tahay khalad,
iney ku dul dagaalamaan maatada. Haa! dawladda KMG ah waxaa laga rabaa iney soo
celiso kala dambeynta iyo qaanuunka. Waxaa laga rabaa iney damaanad qaado
nabadda muwaadiniinta, laakiin sidey ku gaareysaa sidaas? Farsamo fiican oo sax
ah ayaa looga fadhiyaa dawladda, lagamana sugaayo iney udhaqanto sida jabhad.
Waxaa laga sugaya waa dhaqan dawladnimo iyo ilaalinta xuquuda aadamiga. Dhanka
kale, mucaaradka hubeysan haddii uu talo qaadanayo, waxaa haboon iney wada hadal
shuruud la’aan ah la furaan dawladda. Laakiin, arinkaas haddii ay diideen,
waxaan leenahay haku kor dagaalaminna maatada, gabaadna haka dhigana.
Run ahaantii, dadka Somaaliyeed waa fahmi la’yihiin sabata
ay ugu kor-dagaalamayaan culimadii shalay ka wacdin jirtay masaajiddada, ugu
baaqi jirtay Alle ka cabsi, bari jirtay diinta Islaamka. “ Culumadaan kuwaan
arki jirnay ma aha oo waa kuwa la yaab leh, waa kaa qur’aan badayihiin, kaa
aftahasanyihiin, hadana waa dagaal oogayaal, dhiigga muslimka xaq-daro ku
daadinaya”, sidaas waxaa igu tiri gabar Somaaliyeed oo ka mid ah Somaalida
yaaaban. Culimadaas waxey cambaareyn jireen daglaaladda qab-qablayaasha dagaalka,
faragelinta shisheeye iyo dhibaatada dabada dheeraatay ee Somaaliya. Culimadaas
waxey sheegayeen, weligoodna dhihi jireen “Xalku waa Islaamka”. Waa run oo
xalku waa Islaamka, laakiin ma la hubaan in kuwa maanta magaca diinta
sheeganayaa ay yihiin xalka? Kuwa maanta isla dhacaya madaafiicda ayaga oo
magaca Islaamka wata ma yihiin xalka? Diinta Islaamka kuma xirna aadamiga
khaldamaya oo waa saafi, barax-tiran oo tusaaleysa sida Eebbe rabo inaan ugu
dhaqanno dhulka dushiisa. Diinta Islaamka laguma cabiro, lagumana garto ficilka
dadka sheeganaaya ee waxaa lagu gartaa sida ay ugu qorantahay Qur’aanka,
Axaadiista oo ay fasireen culumada Islaamku. Hadaba, bulshada
Somaaliyeedmeel kasata oo ay joogaan iyo dadka degan magaalada Muqdisho waxey
af-buuxa ku leeyihiin “dagaalka naga joojiya ! Xukunka aad isku haysataan ka
xaajooda, waa cadaatay inaadan diin isku haysanee!”
Dhab ahaantii, maxaa muddo dheer muuqatay in caqliga siyaasadeed ee Somaaliya uu
welli ku jiro marxaladda qaan-gaarnimada, dhaqanna ka dhigtay inuu dulsha ka
saaro dhibaatadeyna xooggaga shisheeye. Arinka sidaas maka bedelnaa oo ma
isla garannaa in dhibaatada Somaaliya ka jirta Somaalidu masuul ka tahay? Ma
aragnaa in dawladaha shisheeye ay gacan siiyaan kooxo Somaaliyeed oo dantooda
difaacaya? Inta isla garano sidaas, maka tashanaa sidii aan uxallin laheyn
dhibaatadeynna? Nasiib darro, ma tashanaa waa laga waayay siyaasiyiinta
Somaaliyeed (wadaadkooda iyo waran-lahooda), xoog ayaa la rabaa in lagu gaaro
ujeedooyinka siyaasadeed. Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Somaaliyeed waxaa
lagu burbuuriyay, dadkeedii lagu dilay, laguna barakiciyay dagaalladdi dhacayay
1991-2 iyo intii ka dameysay. Waxaa lagu dagaalamayay magaalada dhexdeeda muddo
ka badan 19 sanno. Waxaa laga qaxayay muddo 19 sanno ah. Ujeedada lagu
dagaalamayo waa xukunka iyo awoodda qaranka in la boobo, waxaana la deegsadaa
waa “qabyaalad iyo diin isku jirta ama kala jirta”.
Dagaalka maanta ka socda Magaalada Muqdisho, sida la arki jiray laguma kala
adkaanayo, wuxuuna u egyahay jug-jug ee meeshaada Joog. Sidaas ayaa tariikhdu na
bartay. Faragelin kasta oo hubeysanna hadda ka hor ma xallin dhibka Somaaliyeed,
hadana lama hubo. Dagaalka hadda socda wuxuu leeyahay calaamdihii
dagaalkii 1991 ee u dhexeeyay labada garab ee USC oo ay kala hogaaminayeen
madaxweyne Cali Mahdi iyo General Moxamed Farax Caydiid. Sidaas oo klae,
dagaalka maata waxaa kala hogaaminaya madaxweyne Sheikh Sharif iyo Korneel
Sheikh Xassan Dahir Aweys oo kala matilaya labada garab ee Isbaheysiga Dib-uxoreynta.
Mar haddii la dagaalamayo, dhan kasta wuxuu aadayaa meel kasta uu kaalmo ka heli
karo. Dhan kasta wuxuu adeegsanayaa qabiil, diin iyo Somaalino. Somaalidu lacag
iyo hub ay ku dagaalamaan ma haystaan, mana bixin karaan kharaj dagaal muddo
dheer soconaya. Waxa lagu dagaalamayaa waa kaalmooyinka dibadda oo ay bixiyaan
ururo, shaqsiyaad iyo dawlado shisheeye. Haseyeeshee, waxaa ka fiican dagaalka,
nabadda. Waxaa ka fiican dawlad la’aanta dawlad xun. Waxaa ka fiican ku
xirnaasho shisheeye inaad walaalkaa la heshiiso, gar iyo gar-darro.
Ugu dambeyntii, caqli saxda wuxuu sheegayaa in la isku dulqaato oo dawladda KMG-ka
ah la siiyo fursad ay ku gudato hawlaheeda. Caqliga saliimka ah wuxuu sheegayaa
in xabadda la joojiyo oo wada hadal loo fadhiisto. Caqliga saxda ah wuxuu
sheegyaa inaan diinta aan la iska saarin oo aan la isgaaleysiin. Caqliga
saliimka ah wuxuu sheegayaa inaan lagu kor dagaalamin maatada. Laakiin, sida
muuqata caqli looma baahna! diin looma baahna! Aduuyo looma baahna! Aakhiro
looma baahna! Waa waalli xukun, waa wareer caqli iyo garaad-xumo! Waa aafo iyo
musiibo. Ilaahow adiga ayaan kaa magan galnay fitnada muuqata iyo midda qarsoon!
Ilaahow adiga ayaan kuu sheeganay ee gaargaarkaaga nala soo gaar!
Aamiin… Aamiin..
W/Q/ Cabduraxman M.
Cabdullahi (Baadiyow)
abdurahmanba@yahoo.com
Tiirka
sadexaad ee dawladnimda: Xeer,
qaanuun iyo sharci waxey dhammaan tilmaamayaan nidaam lagu xeeriyo
Akhri.
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2009
|