SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Suufiyadii oo Salabka Qaatay iyo Salafiyo Sonkor-beeg (Ganacsi) ku Jira 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif

London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com
_________________________________________________________________________________________

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Baadari Bwakira ma Suufi baa? Haddee Suufiyadda iyo isaguba waxay dhaheen waxay la dagaalayaan Wahaabiyadda! Waxaa safkaas ku biiray Gaalo, Maxkamadihii, Ashahaado-la-dirir, odayo, iyo kuwa sheegtay Bulshada Rayidka! Intaan in isbaheysi iyo awliyo gaaladu isu yihiin la xusin baa Suurat Anfaal muslimiinta ku leedahay Afsoomaali ahaan: haddii gargaar la idin ka dalbo diinka dhexdiisa waa inaad gargaartaan. Halgamayaashii baa culumadii iyo ducaaddii Soomaalida ku leh: xitaa haddaynaan na taageereyn naga daaya dacaayadda aad u sameyneysaan dowladda baadariga Bwakira. Haddaan sida gaalada iyo gaalo-raacyadu awliyada iskaga dhigtaan ay muslimiintu isu taageeriweydo waxaa imaanaya fidno iyo fasaad weyn. Marka soow Suufiyo, Bwakira, Maxkamado, Aallu-Sheekh, Amisom, Tigree, Ashahaado-la-dirir iyo gaalo oo dhan isku saf maaha? Marka qofka Salafiga sheeganaya waa inuu ama iyaga raacaa ama walaalaha halgamaya. 

Horaa loo ogaa in ciidamada Amisom loo keenay inay diinta la dagaalaan. Filimadaii laga qaaday baa internetka ku jira. Bwakira isna waa qirtay in “Wahaabiyadda” loo socdo. Wuxuu ka wadaa salafiyada ileyn ma jirto mad-hab Wahaabiya la dhaho. Sheekh Maxamed C/Wahaab ma keenin wax cusub. Culumo iyo ducaad u camireysa Shariifka waa kuwii dadka u akhrin jiray kitaabbada Maxamed Binu C/Wahaab. Marka iyadoo la isku heyso waxay akhrin jireen inay banneeyaan safka walaalaha halgamaya waa khalad. Xitaa qaarkood safka gaaladay taageereen.
 

Sheekh Bashiir Allaha u naxariistee hadduu arki lahaa wiilasha halgamaya wuu jeclaan lahaa. Sheekh Bashiir wuxuu ku mabda’ ahaa nabi Muxamed (SCW) oo seefta iyo Qur-aan akhriska isku dari jiray. Sheekh Bashiir kuwo u ekaa Salafayiinta meelaha ka muxaadareeya oo kale buu inta koob dhexda u dhigay ku yiri: Qur’aan ku akhriya oo ku jebsha! Dabadeedna waa ka quusteen. Markaasuu inta ul bud ah soo qaatay oo BISMILLAAHI yiri buu cardaadiqaha ka dhigay. Wuxuu yiri: isku dara diinta iyo dagaalka. Waa sunada Ilaahay haddii la rabo in Shareeco timaaddo.
 

Culumada iyo ducaadda qaarkeed waxay xasadnimo u qaadeen wiilasha halgamaya. Sanado ka hor waxaa Paltalk iigu dambeysay iyadoo muxaaradooyinka iyo mu’tamaraadka lagu qabto aad looga sii daayo qololka diinta ee Paltalk. Hadda waxaa qololkaas qaarkood ku taxan yihiin duruus ay baxshaan culumada in Amisom lala  jihaado ogol iyo wiilasha dagaalka ku jira. Arrinta ducaaddaas mar hore baan anigu arkay si dadbanna waan uga hadli jiray. Ilaahay horti, xaggeyga faraq weyn baa u dhaxeeya. Markaan dhegeysto in badan oo ka mid ah ducaadda mu’tamaraadka joogta ima saameeyaan laakiin markii sheekh halganka ogol ama wiil furinta jooga hadlo waa i saameysaa! Daacadnimadaa muhiim ah. Marka shacabku ducaaddii Mu’tamarka waa iskaga tageen. Laakiin waxaa kaloo mu’tamaraadka wax ka sheega ducaad iyo culumo kale oo kheyr badan marka dadku isku meel ma taagna.
 

Ducaadda qaar baa ka bixi weysay: haddii labo muslim ah dagaalaan,…,. Goormaa Amisom muslimka noqotay? Yaa shaki uga jiraa in dhinac Shariifka gaalo hogaamiso? Kuwa kalaa soo qaataa arrinta Cali iyo Mucaawiye labadaba Ilaah raalli haka noqdee! Horta Cali (RC) baa saxsanaa ee labada kooxoodba ma wada saxsanayn. Tan kale Mucaayiwe (RC) waa diiday taageeradii Ruum isagoo Ruum ku yiri: eey baad tihiin ee arrinkaan ha soo farogashaninna! Halka Shariif yiri: Beesha Caalamka ha noo soo gurmato! Maxaa wax la isku qasayaa! Marka xagal kasta oo laga eego ma jiro sheekh qiil u heli kara dowladda Shariif. Marka waxa Suufiyadu garatay maxaa u diiday Salafiyada?
 

Waxaan culumada iyo ducaadda u sheegayaa in iyadoo Shareecada lagu xukumo gobollo badan aydaan u yeeran wixii Daa’if lagu falay nabiga (SCW) intuusan Madiina u hijroon. Waatii isagoon awood lahayn sufahadii, carruurtii iyo dumarkii dhagax kala daaleen. Haddii Bwakira, Ashahaado-la-dirir iyo Suufiyadu guuleysato waxaa imaaneysa in masaajidda la idinku laayo. Shabaabku Insha Allaaha ama guul bey helayaan ama waa ku dhimanayaan. Marka haddaad arrintaas Ilaahay uga biqi weydaan waxaa dhici karta, Allaah kama dhigee, in hortiina culumada lagu toogto sidii 1975 idinkoon hadli karin. Waxaadna mooddaa inaad u dadaaleysaan inay fidno soo noqoto. Haddaad dhaqankaas ku jirtaan Bwakira iyo Suufiyadu waa guuleysanayaan. Marka idinkaa la idin ka rabaa meeshaad Faxtul Majiidka ku akhrineysaan!
 

 

F.G. Hoos ka fiiri sawirka Suufiyo qoryo jeeniqaarsan oo u diyaar ah inay qaddiyaddooda u dhintaan. Waxaa fiicnaan lahayd inaan soo sawiro Salafiyo sonkor beegeysa. 
WASALLALLAAHU CALAA NABIYINAA MUXAMADIN WACAA AALIHI WA SAXBIHI WA SALAM. 

Macoowga MMI Hiiraan: “Wayaane maxaan u Yeertay u Loogay Wankeyga Fiicaan"Akhri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 29, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: