SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Arday somaliyeed oo ka qalinjibisay jaamacada kale duwan ee magaalada Hyderabad

Arday somaliyeed oo ka qalinjibisay jaamacada kale duwan ee magaalada Hyderabad ,india: Tariikhdu markii ay ahayd 26 -05-2009 waxaa xaflad aad iyo aad ubalaaran logu qabtay magaalada Hyderabad ee cariga hindiya arday somaliyeed ee ka qalinjibisay jaamacadaha kale duwan ee magaalada Hyderabad wadanka india.


Mohamud Mohamed Farah

Ugu horeyn waxaa lagu furay Aayado Quraan ah,kadibna waxaa la galay ujeedadi xaflada qalinjibinta.xafladaan ayaa udhacday si heer sare ah,waxaana laga jeediyay hadalo lagula dardaarmay dhamaan ardaydi somaliyeed laguna dhiiri galiyay kuwa cusub, mas’uuliyinta munaasabada ka hadashay waxaa ka mid ahaa Dr somaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Maxamed Maaye.Maayo ayaa waxa uu si gaar ah uga hadlay Dhibaatadad haysta Dhalinyaradda Soomaaliyeed isaga oona si gaar ah uga hadlay Kaalinta ay ardayda Waxbarshadda dhameysatay ay ka qaadan karaan dib udhiska qaranki iyo kaalmeynta dhalinta somaliyeed ee aanan nasiibka uyeelan waxbarasha kuwaas oo muda 17sana ah ku jiray Dowlada la’aan.Sidoo kale waxaa asagana erayo fiican ka jeediyay arday ku hadlaayay afka ardayda somaliyeed ee ka qalinjibineysay jaamacadaha kale duwan ee magaalada Hyderabad.



Qudbadaha laga jeediyay xaflada dhamaan waxay ku saleysnayeen kuwa dhamaan ka soo qeyb galayaashii sifican ay oola dhaceen kuna tilmameem eraya loo baahnaa kana turjumaayay in hormar la helo, waxaa kaloo halkaasi ka hadalay qudbad dheerna jeediyay gudoomiyaha ardayda somalida ee gobalka Hyderabad Mr.faysal Maxamed mataan wuxuuna marka hore amaan u soo jeediyay dhamaan dadki ka soo qeyb galay xaflada waxuuna sidoo kale hadalkiisa ku sii daray ” Inkastoo oo ay Soomaaliya dhibaatooyin ka jiraan, Hadana waxaa ay shacabka Soomaaliya diyaar u yihiin in ay wax bartaan oo Horumariyaan Tayadooda waxbarasha waana dad niyad fiican oo xilkas ah”.



Xafladan nocaan oo kale ah horay ogama dhicin wadanka hindiya muda 17sana ah waxayna dhamaan dadka somalida ku nool wadanka hindia unoqoneysaa xaflad ku dayasha mudan. Waxaa ka soo qayb galay xafladaas dadweyne aad u fara badan oo soo buux dhaafiyay hoolkii xafladu ka dhacaysay , xafladan ayaa waxa soo qabanqabiyay iskana kaashatay ardayda somaliyeed,gaar ahaan ururka Somali Students Association Of Hyderabad (S.S.A)IYO Foreign student association of hyderabad (F.S.A).

Barnaamijyadii lagu soo bandhigay xafladaan ayaa waxaa ka mid ahaa Ruwaayad ka turjumaysay Faa'idada ey waxbarashadu u leedahay aayaha umadda somaliyeed iyo in sara loo qaado tayada dhalinta somaliyeed ee ka waxbarata wadanka hindiya, si ay u garaan ujeedkooda waxbarasha kana fogadaan wixi wax udhimaayo aqoontooda.Ruwaayadaas oo dadki ka soo qeyb galay xaflada aad oga qosalsiisay una arkay ruwaayadaas in ay tahay mid ka hortageysa wixi wax udhimaayo hormarka ardayda somaliyed..Waxaana iska lahaa fikirka ruwaayadaas arday ka mid ah ardayda somalida ee magaalada Hyderabad magaciisana layiraahda Mr. Abdirahman Yusuf Mohamed oo run ahaantii soo bandhigay ruwaayad aad iyo aad udiyaarsan lana dhihi karo waa ruwaayad ka turjumeysa dhalinta somaliyeed ee qurbaha ka waxbarta.



Waxaaa marti sharata ka soo qayb gashay xafladas ka mid ahaa gudi ka socday jaaamacadaha kale duwan ee magaalada Hyderabad iyo ururka ardayda ajaaniibta ee ka dhisan magaalada Hyderabad (india).

Intaas ka dib ayaa waxaa la bilabay in la gudoonsiiyo shahadooyin ardaydii halkaas ka qalin jabisay.

Xafladaan waxaa ay kusoo gebagaboowday jawi degan oo farxadeesan iyo isku hambalyeen dhexmartay ardayda oo dhan.

Mahadsanidiin..

Qore: Eng.Mohamud Mohamed Farah.
Somali technology Group(STG)
Farah22_iway@yahoo.com
Mohamud1984@gmail.com
maxamuudcdacar@hotmail.com
+91-9703828721 or +91-9000764983
Our main focus is on:
Web design, web rebuilding
Customized software solutions 
Web Application development 
2D-3D Animation 
Business Cards
Logo design & corporate identity
Flash animation
Advertising campaign

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 28, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: