SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Ururka Haweenka HANAD oo loo soo gabagabeeyey tababar ku saabsan Maamulka iyo Maareeynta

Sawirada oo dhan ka eeg halkan

Hotel Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabagabeeyey tababar ay ka qayb qaadanayeen Haween soomaaliyeed kuwaas oo ka kala socdey Qaybaha Haweenka waxaana soo qabanqaabiyey Ururka Haweenka iyo Naabda iyo Horumarinta ee HANAD waxaana Gacan ku siiyey Hirgelinta Tababarkaas Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soopmaaliyeed ee CRD , wuxuuna socdey Tababarkaas Muddo Saddex Maalin ah

Tababarkaan oo lagu baranayey Maamulka iyo Maareynta wayaa waxaa mudadii uu socdey Tababarkaas Casharo ka bixinayey Ing Maxamed Cilmi Guure oo ku dheeraadey Habka Haweenka ay u sameysan la haayeen Qorsha Howloodkooda wuxuu sheegay in Haweenka looga baahan yahay in ay bartaan Maamulka iyo Maareynta waayo ayuu Yiri Ustaad Guure wax weliba ayaa u hagaagaya ha noqoto dalka iyo Gurigooda wuxuu kaloo ku dheeraadey in reerka aan lahayn Howl maalmeed iyo maamul wuxuu noqonayaan reer durbadiiba Burbura wuxuuna u soo jeediyey ka qaybgalayaasha in ay ku dadaalaan in ay markasta sameystaan Qorsho Howleed ku dhisan habka maareynta iyo Maamulka

Ururka Hanad oo ka mid ah ururada Haweenka ee ka jira dalak wuxuu intii uu dhisnaa sameeyey barnaamijyo ku aadan Nabadda iyo dib u dhiska isagoo ka qaybqaatey Howlo la xiriira wacyigelinta Bulshada waxaaana ururka mid ah Haween aad u firfircoon iyadoo intii uu socdey tababarka ay Haweenkii ka qaybgaley soo bandhigeen Buraanburo ,Gabayo iyo Shiribyo intaba ka hadlaya Nabada iyo dib u dhiska Dalka kuwaas oo ka muuqatey shacuur aad u sareysey

Xaliimo Jaamac Cilmi (Xaliimo Qarad) oo gudoomiye ku xigeen ka ah Ururka Haweenka Hanad oo ka hadashey xiritaankii Tababarkaas ayaa Haweeenka kula dardaarantey in ka shaqeeyaan ama u ololeeyaan Nabadda si dalka uga baxo dhibaatada “Kan qaldan waa in aan qabanaa haddii aa nahay Haweenka soomaaliyeed “ayey tiri Xaliimo Qarad oo u soo jeedisey ka qaybgalayaasha in Howlaha ay u qabanayaan Bulshadooda ku saleeyaan Alla ka cabsi

Waxaa kaloo halkaas ka Hadley afhayeenka Ururka HANAD Marwo Farxiyo Maxamuud Jaamac oo u mahadcelisey intii isku soo dubaridey Tababarka Gaar ahaan waxay u mahadcelisey Hayada CRD oo ku tilmaantey Hayad u taagan in ay kor u qaado Garaadka Haweenka soomaalieed waxayna u soo jeedisey Hayadda in ay sii labalaabto Brnaamijyada lagu hormarinaayo Haweenka soomaaliyeed

Gabagabadii Tababarkaas waxaa laga soo saarey Baaq nabadeed waxaana akhriyey Marwo Faadumo Khaliif Guuleed (Faadumo Hiirad) oo ururka u qaabilsan arrimaha Bulshada wuxuuna u qornaa baaqaas sidatan

-Waxaan si xushmad leh u soo jeedineynaa in la joojiyo Dagaalada ka socda dalka si shuruud la aan ah

-In Dowlada iyo kooxaha Mucaaradka in ay wada hadlaan waayo Xabadda wiil baa ku dhnta Wiil kuma dhasho

-In loo naxariisto Maatida ka daashey dhibaatada dagaalada gaar ahaan Haweenka iyo Caruurta iyo inta jilicsan oo dhan

-In laga digtoonaado wax kasta oo dhalin kara in wadanka Gacan shisheeye galo

-In la badbaadiyo Jiilka soo korayo

-In loo wada istaago sidii loo nabadeyn lahaa Soomaaliya oo dhan iyadoo la cuskanayo Shareecada Islaamka

-In Soomaali oo dhan midoobaan isna cafiyaan Gacmaha isqabsadaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail aminkhasaaro@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 25, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: