SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shiekh Xasan Daahir oo La Sheegay in lacag gareeysa ($25,000) ku bixiyay safarkii uu Mogadishu ku tagay iyo Shiekh Umal oo eedeemo loo soo jeediyay: Daily Nation....

  • Tarjumadii: Ibraahim Da’ud Abdalle “Gantlemna”
    Email: sayfudiin@hotmail.co.uk

Wargeeska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa Khamiis May 21, 2009 bogiisa hore ku soo daacabay warbixin uu kaga hadlayo qaabkii uu Shiekh Hassan Dahir Aweys ugu laabtay magaaladda Mogadishu warbixintan oo uu cinwaan ooga dhigay wargeeska (Wanted al Qaeda man flew in Kenyan plane).

Sheikh Aweys iyo lix nin oo kalle oo lagu sheegay in ay Somalia yihiin ayaa bishii April 22, 2009 mar ay u socdeen magaaladda Mogadishu ku hagaday garoonka Wilson airport ee magaaladda Nairobi. Balse sidee arrintaas ku dhacday.?

Wargeeska Daily Nation oo arrintan baaritaan dheer ku sameeyay ayaa sheegay in Hassan Dahir Aweyn iyo Lixda Qof ee la socotayba ay ku baxday lacag gaareeysa $25,000 oo u dhiganta (Sh 1.9 m). Dhan kalle wargeeska Daily Nation ayaa sheegay in ay la xariireen Maamulka iyo Shaqaalaha Wilson Airport. Balse wargeeska ayaa sheegay in qof magaciisa aan la soo sheegin uu tikidka u jaray kooxdan oo Hassan Daahir Hogaaminayay, ninkan ayaa la sheegay in uu yiri waan u shaqeeyaa shirkada Farah Transport oo aan faah-faahin dheeraad ah aan laga bixin.

Lixda nin ee ku wehlisay safarka Hassan Daahir ayaa magacyadooda lagu sheegay in ay kala yihiin Osman A. Hassan, Aden W. Diriye, Ali O. Mohamed, Kheyre A. Ali, Mohamed S. Ali iyo Idris J. Abdi. Dhmaan ragan ayaa la sheegay in ay yihiin Somali.

Dhanka kale wargayska oo soo xiganayey ilo dhanka amaanka ah ayaa sheegay in lacag aruurin waxa ay ugu yeereen kooxaha xagjira oo soomaali ah oo sida wargeysku sheegay lacagta ku ururiya hoteel ku yaal xaafada islii ee Nairobi. Waxaa wargaysku yiri mid kamid ah dadka lacagta uruririya waa Sheikh Umal. Waxaa wargaysku sheegay in lacagta islii laga ururiyo ay qayb ka tahay shabakad isku xiral ilaa Yurub oo lacag loogu ururirano waxa ay ugu yeereen dagaalyahanada xagjira ee Muqdisho.

Dhan kalle dowladda Somalia ayaa cabasho u gudbisay dowladda Kenya, safiirka DFKMG ee Somalia ee dalka Kenya u fadhiya Mohamed Ali Nuur “Americo” oo waraysi siinayay TV-ga Press TV ee laga leeyahay dalka Iran ayaa cadeeyay In dowlada Kenya gaar ahaan Wasaarada Arrimaha dibada ay arrintan u gudbiyeen.

“Dowladda Kenya waxay balan qaaday in ay arrintan dib u fiirin doonto” ayuu yiri Cali Americo.

Arrinta ayaa imaneeysa kadib markii kooxaha Mucaaradka ah ee dagaalka kula jira dowladda FKMG ah ee Somalia la sheegay in ay isku dayeen in ay ridaan dowladda Somalia ee uu hogaamiyo Madaxwayne Shiekh Shariif. Dhan kalle kullankii dowladaha IGAD ay ku yeesheen dalka Ethiopia ayay ku sheegeen in ay dhibaatooyinka Somalia ka socday ay qeeb ka tahay dowladda Eritrea.

Tarjumadii: Ibraahim Da’ud Abdalle “Gantlemna”
Email: sayfudiin@hotmail.co.uk

Kenya oo Baasaboorkeedii kala Noqotay Wasiirka Maaliyadda DFKMG, Shariif Xasan Sheikh Aaden

IGAD oo Qarammada Midoobay ugu Baaqday in Soomaaliya laga Go'doomiyo Cirka iyo Badda

Isha: Daily Nation iyo Press tv

Faafin: SomaliTalk.com | May 23, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: