SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Baarlaamanada Afrika oo Kalfadhigii 11aad maanta uga furmay magaalada Johannesbrug ee Dalka Koonfur Afrika iyo Jaaliyada SASA la shirtay Madaxwaynaha Baarlamaanka

Waxaa maanta barqanimadii ka furmey shirkii baarlamaanada afrika ee PAN AFRICAN PARLIAMENT oo xaruntiisu ku taala Xafada Midrand ee Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika Shir Madaxeedkaasi oo ahaa kii 11aad ee golaha baarlamaanka wadamadama Afrika ee Pan African Parlimant.

Abaarihii Saacada Koonfur Afrika 11:00 Marki la gaarey ayaa waxaa si Official ah Madasha shirka ugu soo dhaweysey Madaxwaynaha Ghana Mr John Kofuor Marwada Madaxda ka ah Goloha Barlamaanada Afrika Marwo. Getrude Mongela So dhaweyn ka dib Madaxwaynaha ayaa Madasha shirka ka jeediyey qudbad hal saac qaadatay oo dhinacyo baddan taabanaysay, arimihi ugu muhiimsanaa ee qudbadiisa ku jirayna ayaa ahayd arrimaha Dhaqaalaha Qaarada oo aad uga hadlay samaynta uu ku yeeshay sicir bararka aduunka ka tagan oo aan wali xal loo helin iyo xasilooni darida wadamada qaarada qaarkood, oo uu dhowr jeer kusoo celcelshey sida Soomaaliya iyo Darfur , wuxuu sheegey in ay tahay in qaarada ay go’aan mideysan ka qaadato arrimaha Soomaaliya, lana garab istaagto Dawlada wixii taageero ah iyo samoto bixin ah.

Ajandaha shirka sanadkani Golaha Barlamaanada Afrika ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arimo badan oo ka mid ah arimaha dhaqaalaha ee qaarada afrika iyo arrimaha amaanka iyo guud ahaan xaslidoonida qaaradaani, wadamada muhiimada baddan la siinayana waxaa ka mid ah Soomaaliya, gobolka Darfur, Congo, iyo meelo kale oo qaarada ka mid ah.

Qodobadaha Ajandayaasha Shirka looga hadlayo kaliya mahan dhinaca dagaalada qaarada soo hareeyey ee waxaa kale oo madasha shirka looga hadli doonaa dhaqaala xumida qaarada iyo sidii loo heli lahaa kabayaal dhaqaale.

Xildhibaano ka mid ah Xildhibaanada Goloha barlamaanka Dawlada Sheekh Shariif Sh Axmed oo ay ka mid yihin Xildhibaan Ibraahin Xabeeb Nuur iyo Xildhibaan Cabdi Fataax Sheekh Ibraahin Rashiid ayaa mar aan kula kulanay aniga iyo wariye Axmed Xuseen Cali (Shakti) ayaa noo sheegey in uu wax weyn ka filayo shirkaani barlamaanada afrika ee sanadaani, inkastoo aysan ahaan doonin buu yiri sanadadii hore ee la soo dhaafey oo muhiimad gaar ah u lahayd xaalada dalka soomaaliya, taasna waxaa uu ku micneeyey in ajandaha sanadkaan diirada lagu saari doono kaabayaasha dhaqaale ee qaarada Madaama buu yiri sanadkasta la soo qorsheeyo waxii looga wada hadli lahaa, waxay kaloo ay noo sheegeen inay jiraan xildhibaano ka soo qaybgali doona ayna ka mid yihin xildhibaan Cabdi Cusmaan Jini Boqor, Sareedo Maxamed Cabdalle iyo xildhibaan Farax Ismail oo dhamaantoodba la filayo inay maalinimada barito ah ay si toos ah isoo xaadiraan waxaa sidoo kale iyana xusid mudan inuu isna meesha madasha shirka ka dhacayo oo goob joog ahaa Mudane Ambasador Maxamed Carab kuna magac dheer Ambasador Testo o soomaalida qaxootiga ku ah dalkani koonfur afrika macruuf ka ah una muuqday mid xildhibaanada ku soo dhaweeyey Dalkaani.

Waxaa sidoo kale shirka joogey Jaaliyada Soomaalida koonfur afrika ee Somali Association Of South Africa (SASA) iyadoo jaaliyadu ka heshey Casuumaad gaar ah Madaxda Golaha Barlamaanada Afrika Marwo. Getrude Mongela oo si khaas ah ula kulantey Madaxa Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Koonfur Afrika Mr Axmed Dawlo si ay xaalada soomaaliya wax uga ogaato.

Kulankii dhaxmarey Madax Jaaliyada iyo Madaxa Golaha Barlamaanada Afrika ayaa ah mid ay ku oganeysey Mrs.Getrude Mongela Waxa ka soconaya Soomaaliya siiba arimaha ay sida gaarka ah uga wada hadleen waxaa ka mid ahaa xaalada amni ee ugu danbaysay ee dalku ku sugan yahay. Mudane Dawlo ayaa Madaxwaynaha u sheegay in haddii Soomaaliya laga dayn lahaa fara galinta shisheeye ay Soomaalidu waa hore heshiin lahaayeen ama kooxi ay dagaalka ku adkaan lahayd. "Fara galinta Shisheeyuhu waxay mar walba isu dheeli tirtaa awooda iyadoo ay dhacdo inaan la kala adkaanin ee dagaalku waligii sii socdo halkaasna shacabku uun uu ku le’do" ayuu hadalkii ku daray Axmed Dawlo.

"Dawladaha darisku kama shaqeeyaan maslaxada Soomaaliya, Baarlamaanka Afrika u idishahayna hadduu doonayo in nabadi ka aslaaxdo Soomaaliya waa in Ethiopia iyo Kenya loo sheegaa inay faraha kala baxaan arimaha daakhiliga ah ee Soomaaliya" ayuu yiri Dawlo.

sidoo kale Waxaa shirka joogey xildhibaano ka socday dalka Jabuuti oo saxaafada goobta ugu waramay, waxaya sheegeen in ajandaha uu ku jirro in laga wada hadlo xad gudubka dhanka xuduuda ah ee dalka Eritrea ee weerarka kusoo qaaday Jabuuti iyo sidoo kale xildhibaano ka socday dalka ethiopia kuwaasoo ay ka mid ahay gabadh soomaali ah oo magaceeda igu sheegtey mar aan kula kulmay madasha dhaxdeeda xildhibaanad canab cabdikaadir Axmed.

Si kasta ha ahaatee Shirka maanta Furmay Magaalada Johannesbrug ayaa waxaay dad badan is-leeyihiin oo ay isweydiinayaa waxaa ka soo bixi donoo iyo sida wax looga qaban kara dhibaatooyinka ha ahaato mid dhaqaale ama mid huminiterain ah ee ka aloosan dalalka Geeska Afrika oo la dagay Dagaalo iyo Gaajo kuwaas oo laga magacaabi karo Ethiopiya, Soomaaliya, Jabuti iyo Eritrea, sudaan iyo qaarada inteeda kale, shirkaanina waxa uu socon doonaa ilaa 29 da bisha May ee sanadkani 2009.

Waxaana idiin soo gudbin doonaa wareyso maqal ah oo aan idin ka soo qaadno xildhibaanada maalmahan soo socda insha allaah.

MOHAMED ISMAIL

Somalitalk.com

Koonfur Afrika

 

Talk to Jazeera - Sheikh Sharif Sheikh Ahmed - 15 Apr 07

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: