SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BELED XAAWO

Haweenay Magaalo Ku Aasaastay Buul Haddana Noqotay Baled (Xaawo Xuseen Cali Gurey Waa Haweenaydii Ugu Horaysay Ee Degtay Deg Baledxaawo)

Waraysi Dhegeyso Ayeeyo Xaawo oo ka sheekaynaysaa sidii ay u asaasay BuuloXaawo ama soo rogo

Buuloxaawo bedelxaawo bedel xaawo buulo xaawo Xaawo Xuseen Cali Guray
Ayeeyo Xaawo Xuseen Cali Gurey oo asaastay BeledXaawo

TAARIIKH

Baled Hawo (Somalia: Beledxaawo ama Buuloxaawo) waa magaalada labaad ee ugu weyn Gedo kuna taalla mid kamid gobolada ugu weyn ee soomaaliya ku yaalla.Magaaladan waxa ay dhacdaa koonfurta galbeed ee soomaaliya . baledxawo waxay leedahay airport weyn , waana goob muhiim ah oo ku taalla bartamaha ganacsiga gaar ahaan degaan ku wanaagsan ganacsiga oo xuduuda la leh saddex xagalka Kenya, Somalia Iyo Ethiopia.

Magaca Rasmiga ah ee magaalada waa Buulloxaawo, kaasoo macne ahaan loola jeedo Aqalkii- Xaawo.waxaana lagu magacaabay magaalada, iyadoo lagu sharfay qofkii ugu horeeyay ee dega magaalada oo ahayd haweenay lagu magacaabo Xaawo  Xuseen Cali Gurey oo soo degtay magaaladan oo ahayd keyn geedo badan  qarnigii 20aad bilowgiisii

Xaawo Oo u dhaxday askari soomaali ah oo la oran jiray (Khalif Shire) oo xiligaasi ka shaqaynayay magaalada Mandheera ee Sohdinta Kenya ayaa waxa ay sidoo kale tahay mid kamid ah haweenka ugu magaca dheer soomaaliya marka la eego taariiqda dumarka ee dhulka  soomaalida.waxaana ay matashaa mid kamid astaamaha dhaxal galka ah ee qariirada Soomaaliya.

Xaawo Xuseen Cali ayaa markii ugu horaysay xiligaas guri yar oo ka samaysan aqal soomaali ka dhisatay meel ku dhaw xuduuda xadka kala bara soomaaliya iyo Kenya.waxaana goobtaasi ay durbaba noqotay bar ay ku nastaan dadka safarayda ah oo xoolaha u wata dhankaas iyo dhulkii loo yaqaanay NFD oo waqtigaas fariisin u ahaa ciidamadii Ingiriiska ee mustacmarka .Xaawo ayaa meherad yar oo ay halkaasi ku lahayd waxa ay ku iibin jirtay waxyaabaha ay u baahanyihiin dadka safarayda ah.

Magaalooyinka Baardheere,Luuq Iyo Garbahaaray ayaa kamid ahaa goobaha ay ka imaan jireen dadka safarayda ah waqtigaasi sida ay inoo sheegtay Xaawo Xuseen

Haweenaydan oo taariiq dheer ku leh G/GEDO ayaa kulan gooni ah oo aan la yeelanay waxa ay dib u jaleecday waqtiyadii iyo taariiqihii ay ka soo martay goobta ay degaanka ka samaysatay.

“Anigu waxaan soo degay halkaan ,aniga oo watay carruurtayda,waxaana xiligaas ka soo guuray magaalada Wajeer waayo waxaa nalagu amray inaan ka guurno halkaas,nin walba qabiilkiisa ha u guuro inkastoo Ninkaygu uu ahaa Askari u shaqaynayay Mustacmarkii Ingiriiska Ee NFD,waxaan nimid magaalada hadda loo yaqaano Mandheerra halkaas ayaan degnay laakiin maalmo kaddib ayaan soo guuray waxaan ku iri askarigii Ingiriiska ahaa ee halkaasi xukumayay anigu ma rabo inaan deganaado goobtaasi waayo anigu rag ciidan ah oo sidaan u badan ma dhex deganaan karo markaasna ninkaygu waa uu maqnaa oo waxa uu jiray dhinacaas iyo Nairobi, haa, haa sidaas ayaan ku soo degay meeshaan”ayay tiri Maamo Xaawo oo cod nuxuus ah iigula hadlaysay. 

Xaawo ayaa intaasi ku dartay in xilligii ay soo degtay Baledxawo aysan jirin cid deganayd .waxaana xiligaasi ka baxayay geedka loo yaqaano qaraanqarbo oo si weyn tan iyo maanta caan ugu ah.

Ma Jirtaa wax dhib ah oo aad ka soo martay imaanshihii aad halkaan timid ayay ahayd su’aashii aan hordhignay xaawo Xusseen

“ Haa,haa way jireen subax kastaa ayuu imaan jiray Srg Arison oo xukumi jiray gobolkan waxaana uu igu oran jiray ;weewe haama, weewe haama tu, oo uu kala jeeday hadda guur ka guur ayuu igu oran jiray” ayay tiri 

Suaashii labaad ee aan waydiiyay Xaawo ayaa ahayd .yaa bixiyay magaca Xaawo sideese ku baxay? 

“Ma aqaan ,dadkii iigu yimid ayaa bixiyay magaca ,waxay oran jireen Buulkii Xaawo ,safarayda ayaa sidaas oran jirtay”.ayay ku jawaabtay

Dhab ahaantii markii ay xusuusanaysay taariiqdii dheereed oo ay soo martay ayaa waxaa ku matashay sidii guri meel cidla ah ka dhisan,iyadoo tilmaamtay in sanado kaddib ay ka guurtay halkii ay iyadu soo degtay .waxaana ay sheegtay inay u guurtay dhankaas iyo gobolada kale ee dalka.

Muuqaalka Haweenaydan ayaa ah mid ka duwan ,astaamo horay ay wareyiyaal ku sugan gobolka uga soo qaadeen muddo saddex sano ka hor.waxaana iminka u kordhay da’ iyo waayeelnimo,kaasoo ka dhigay midka aad haatan daawanaysaan.waxaana ay awoodi waysay inay soo fariisato iskaba daa inay fariisan sida ay noo sheegtay waxaa ku soo kordhay xaawo xanuun dhinaca wadnaha kaasoo hayay muddooyinkan dambe.

Magaaladan waxaa si rasmi ah dib loogu habeeyay horaantii 1960kii kaddib markii uu Ingiriiska oo gumaysanayay dhulka NFD uu calaamadeeyay sohdinta xiligaasi oo ay soomaaliya qarka u saarneed in ay xoriyadeeda hanato.

Magaalada Baledxaawo waxa ay soo martay 1985 in ay noqotay caasimada Gobolka waayo ahmiyada ay u leedahay ganacsiga iyo isku socodka dadka gaar ahaan iyada oo xiriir dheer oo ganacsi la leh wadama Kenya,Ethiopia iyo waliba dekada magaalada kismaayo waxaana taasi ay ka dhigtay magaaladan mid leh fursad hanti iyo dhaqaale.magaalada baledxawo waxaa ay mutaysatay in ay heesho iyo ciyaaro ay ka sameeyaan fanaaniin soomaali ah oo caan ah ,kuwaasoo ku amaanay dhulka ay geographi ahaan ku taallo iyo ahmiyadeeda. 

Si ka duwan sida ay na xusuusisay xaawo ayaa maanta Baledxawo waxa ay tahay goob mataal ahaan ah sida magaalooyinka kale ee soomaaliya u waawayn yihiin sida magaalooyinka Baledweyne Amaba xittaa Baydhabo .waxaana si weyn u kordhay dhismayaal iyo shacabka sidii dab duur qabsaday wixii ka dambeeyay sanadihii uu dalka qabsaday kaceenkii ALLAHA U NAXARIISTEE GEN MOHAMED SIYAD BARRE , waxaana magaaladan ay bud dhig u noqotay Maahmaahdii soomaaliga ahayd ee la oran jiray magaalo ama xeeb ka dag ama xuduud ka dag.

Magaalada waxa ay soo martay marka la eego taariikhda waxa ay soo martay waayo-aragnimo dhinaca dagaalada ah ,kuwaasoo curyaamiyay hormarka xaga dhaqaalaha iyo waxbarasho wixii ka bilowday xilligii Gen Mohamed Farah Eydiid iyo qabiilka degan Degmadan, iyo waliba sidoo kale dagaaladii qaraaraa ee u dhaxeeyay IliTahaad iyo SNF, kaba sii darane dagaalo kale oo Ahli ahaa kuwaasoo ay ku dhinteen boqolaal ruux wixii ka bilowday 1999kii , waxaana dagaaladaasi ku salaysnaayeen sheegashooyin lahaansho degaan. 

Maamul

Axmed Maxamed Yuusuf oo si weyn loogu yaqaano Burkuus ayaa haatan ah guddoomiyaha Deg.B/xawo ,waxaana sidoo kale magaaladu ay leedahay maamul dhinaca Amniga ah oo taliye saldhig uu ka yahay Nin lagu magaacbo Sh Xasan Cabdi Maxamed dhinaca Maxkamada waxaa Guddoomiyaha Maxkamada ah wadaadka lagu magaacbo ---Sh Bare. Baledxaawo caadiyan waa magaalo xiriir wanaagsan oo dhinaca maamulka uu kala dhaxeeyo Deg. Dariska la ah ee Mandhera. Maamulku waxa uu si toos ah ula macaamilaa saraakiisha xaga Kenya oo ay si wada jir ah uga shaqeeyaan nabadgelyaga sohdinta maadaama ay jireen muddooyin badan oo la soo dhaafay dhaca gaadiidka oo ku soo badanayay sohdinta. 

 
 

Baledxaawo
Country Somalia
Region Gedo
District Baledxaawo
Government                 Community Based
- Mayor Ahmed Mohamed Yusuf
- Deputy Mayor NO
 
Population  Total 80,000 est.
Time zone East Africa Time

Waxaa Soo Diyaariyay Barmaamijkan Weriyayaasha G/GEDO  

Maxamed Gaarane Aadan                    Iyo                             Sanweyne Aleuxiir( Sanka)  

+2525 (0) 996132                                                               aleuxiir@hotmail.com 
+2521 5598706                                                                Tel: +254722931982

                                                                                             +25215521994 
+254 (0) 722687097 
gaarane68@hotmail.com                         

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: