SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hay'adda isku xirka iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed (SOYDEN) ayaa Jimcihii la soo dhaafay tababar ugu soo xirtay Muqdisho arday bartay saxaafadda oo isugu jira gabdho iyo wiilal.

Sawirada Halkan ka daawo...

Xaflad ay ha'yaddu si heer sare ah loo soo agaasintay ayna kasoo qaybgaleen xubno ka socday dowladda Somalia, Hay'addaha Bulshada rayidka iyo mas'uuliyiin kale laguna maamuusayay qalinjabintan iyo sannadguuradii 66-aad ee kasoo wareegtay Aasaaska SYL 1943, ayaa lagu qabtay Hotelka Saxafi.

Ardayda Qalinjabisay ayaa isugu jiray 20-gabdhood iyo 44-wiil, waxaana la guddoonsiiyay shahaadooyin ka marqaati kaca aqoonta ay barteen iyadoo aad ay ula dardaarmeen mas'uuliyiintii xafladda ka hadlay.



Guddoomiyaha hay'adda SOYDEN Cismaan Muxyadiin Macallin (Shaatax) oo hadal ka jeediyay munaasabadahan la isku dhafay ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku boorriyya inay u istaagaan nabadeynta dalkooda, maadaama ay yihiin kuwo aqoon leh.

"Dhallinyaradii SYL waxay ahaayeen 13-wiil oo aan lahayn aqoon wanaagsan, isla markaana haysan fursadaha maanta la haysto oo kale, waxay ku guulaysteen inay dalka xornimo gaarsiiyaan, haddaba dhallinyarada Maanta oo leh aqoon iyo xikmad, waa inay mideeyaan fikirkooda si ay dalka uga saaraan dagaalada socday 18-ka sano" ayuu yiri Cismaan Shaatax.

Mas'uulkan ayaa sidoo kale kula dardaarmay saxafiyiinta ay hay'addu u dhameytay tababarka saxaafadeed oo socday 3-bilood inay wax ka badalaan xaaladda warbaahinta dalka marka ay ku biiraan qaybaha warbaahinta.

C/naasir Yuusuf Macallin oo ah madaxa hay'adda PEN laanta koonfurta Somalia ayaa isaguna hadal ka jeediyay xafladda isagoo si gaar ah diiradda u saaray ardayda qalinjabisay, wuxuuna kula dardaarmay inaysan cilmigooda ku ekeyn oo keliya warbaahinta, balse ay alifaan buugaag iyo qormooyin kale oo dalka wax u taraya.

"Saxaafadda kuma eka oo keliya idaacadaha, Somali Pen waxay qayb ka tahay saxaafadda, waxayna u baahan tahay jiil dadaala oo soo saara buugaag wax ka badali kara wadciga xilligan ee dalka" ayuu yiri C/naasir Ganey.

Agaasimaha arrimaha bulshada iyo xiriirka saxaafadda wasaaradda wafaafinta Somalia Yuusuf Cali Cusmaan oo isaguna hadal kooban ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in saxafiyiinta tababarka dhameystay looga baahan yahay inay aqoontooda ku dabaqaan shaqada ay qabanayaan.

Suxufiyiinta tababarka dhameystay ayaa waxay soo bandhigeen ruwaayad ka hadlaysa saxaafadda Somalida, taasoo magac looga dhigay MAXAA KHALDAN, kana hadlaysay saxaafadda curdanka ah ee ka howlgasha Somalia.

Mas'uul ku hadlay magaca idaacadaha ka howlgala Muqdisho kana mid ah mas'uuliyiinta Idaacadda Hornafrik Axmed C/raxmaan Jaakad, ayaa kula dardaarmay suxufiyiinta tababarka dhameystay inay aqoontooda muujiyaan, kana howlgalaan warbaahinta qaybaheeda.

Xafladda ayaa waxay kusoo gabgabowday jawi farxadeed, iyadoo arday walba la guddoonsiiyay shahaadii muujinaysay inuu saddex bilood baranayay qaybaha kala duwan ee saxaafadda.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay hay'adda isku xirka iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed (SOYDEN) ay tababar u qabato dhalinyaro baranayay saxaafadda, balse dhowr jeer hore ayay tiro suxufiyiin ah soo saartay.

amiin yuusuf khasaaro <amiinkhasaaro@yahoo.co.uk>

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: