Dr. Xaamud Cabdi Suldaan “Waxa Keliya ee aan Idiin
Xasuusinayaa Wixii aad Isla Aragteen oo aad u Aragteen Xal, Cid Kale oo
Xambaareysa oo aan Adinka Ahayn Ma Jirto” Gebagebadii Dood Cilmiyeedii Culimada
Soomaaliyeed ay ku Lahayd Dalka Jabuuti
Dood cilmiyeed uga socotey 13-14/05/2009-ka guriga Ummadda ee caasimada dalka
Jabuuti 33 xubnood oo ka tirsan culimada waaweyn ee dalka Soomaaliya oo ka kala
yimid qaybaha kala duwan ee Gobolada dalka Soomaaliya iyo dibadiisa, loogana
doodayey doorka ay ka qaadan karaan culimada soomaaliyeed nabadeynta dalka iyo
dadka soomaaliya, islamarkaana uu ay soo qaban qaabisey Wasaaradda arimaha
diinta iyo Aw-qaafta dalka Jabuuti ayaa lagu soo gebagebeeyey 14/05/2009-ka
Hoolka shirarka Baarlamaanka dalka Jabuuti.
Dood cilmiyeedan oo lagu faaqidey qodobo ay ka mid ahaayeen sidii loo dhaqan
gelin lahaa shareecada islaamka, caqabadaha horyaala hirgelinteeda iyo qodobo
kale oo ka hadlaya sababaha keeney dhibaatooyinka ka jira dalka iyo sida lagu
xalinkaro ayaa gunaanadkii waxaa laga soo saarey bayaan ka kooban 5 bogg.
Xiritaankii dood cilmiyeedan ayaa waxaa ka hadley Dr. Maxamed Yuusuf, Sh.
C/qaadir Nuur Faarax, Sh. Maxamed xaajiYuusuf, Sh. C/llaahi Cali Jowhar, Sh.
C/raxmaan Suleymaan Bashiir oo ka tirsan culimada wasaaradda arimaha diinta
Jabuuti, sida ay u dhan yihiin mashaa’ikhdan ayaa waxay si cadaan ah uga hadleen
dowrkii qiimaha lahaa ee ay ka soo qaateen culimada Soomaaliyeed, mudadii dowlad
la’aanta iyo waajibaadka xiligan saaran sidii ay ugu guntan lahaayeen.
Wasiirka arimaha Diinta iyo Aw-qaafta Dowlada Jabuuti oo xiritaankii khudbad
culus ka jeediyey ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “wixii murti iyo tusaaleyn
culimada ayaa inagaga filan midba dhinac uu ka taabteyba, waxa keliya ee aan
idiin xasuusinayaa wixii aad isla aragteen oo aad u aragteen xal, cid kale oo
xambaareysa oo aan adinka ahayn ma jirto, sidii loo fulin lahaa, hadii kale
waxay noqon wax inta waqti lagu bixiyey oo warqadaha keliya ku qornaanaya, mana
dooneyno inay sidaas ay noqoto, Ummadda soomaaliyeed dhibka ay ku jirto iyo
xaalada ay mareyso ficil bay u baahan tahay, waana gurmad deg deg ah, oo aysan
noqon mid aan loo kala harin, daalna lahayn sidii dhiiga walaallaha daadanayao
loo joojin lahaa” ayuu ku yiri Xaamud Cabdi Suldaan khudbadiisa, inta
go’aansatey iney is disho, inta cadowgeeda ka soo hartey, inta gaajada ka
hartey, inta badaha ku gurantey ka hartey, inta wixii uu xanuunka diley ka
hartey, intii kalena ay gaartey inay gacmaheeda isku disho, marka waxay mudan
tahay gurmad xoog leh in la galo, waa wax lagamamaarmaan ah walaallayaal, xitaa
hadii uu ku dhinto qofku isagaa shahiid ah ee kuwa kale shahiid ma ahan” ayuu ku
yiri Dr. Xaamud.
Wuxuu keloo khudbadiisa ku shegey “ dhibta dhaceysa waan arkeynaa habeen iyo
dharaar sidaas darteed inaad si kasta u qaadataan sidii loo hirgelin lahaa ayaa
loo baahan yahay, cid kasta oo khaldan oo ku haboon in lala hadlo ama la
waaniyo, ama kuwa ku haboon in lala hadlo culimadu waa inayna ka gaban xaqa iney
sheegaan, waa waqtigii Ummadda la badbaadinayey, adinkuna aad noqotaan halkii
wada tashiga uu ka bilaabmayey, wixii khilaafaad ee jirana meel layska dhigo oo
loo midoobo hogaaminta Ummadda ayaa lagama maarmaan ah, waxaana ku kalsoonahay,
hadii si daacad ah hawl loogu kaco, ilaahay idinkiis guul baa la gaarayaa, marka
go’aan sax ah la gaaro ayaa ilaahay la talo saartaa, waxaana ku cel celineynaa
manta maalintii la dublamaasiyadeynayey ma ahan, siyaasiinta ayaa lagu yaqaanaa
arinkaas, towfiiqdana ilaahay hana waafajiyo, mar labaad baan anigoo ku hadlaya
magaca madaxweynaha dowada Jabuuti, Xukuumadda iyo shacabka Jabuuti idiinku
mahad naqeynaa,waxaad gaarteena si jidiya ah uga hawlgala ilaahayna ha idiilna
garabgalo” ayuu ku soo gebagebeeyey Dr. Xaamud Cabdi Suldaan
Laakiin su’aasha taagan ayaa waxay tahay goorma ayey joojinayaan culimada
hubeysan ee dagaalka kula jira walaallahooda Soomaaliyeed, iyadoo cadowgii ay
shaley la dagaalamayeen uu daawanaayo, islamarkaana qarka ay su saran tahay in
mar kale laga dul rido shacabka dadd wata Kaare aan u naxeyn iyo BM ayna furan
yihiin xuduudihii dalka uu lahaa, iyadoo waliba Xeebta dheer ee Soomaaliya ay
dhex joogaan kuwo kale, islamarkaana guranaya kheyraadkii dadka Soomaaliyeed ka
faa’iideysan waayey 19-ka sano, inta ay u ordayeen xukunka iyo dhaca xoolaha
walaallkood iyo kan guud ee Ummadda.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com
بسم الله الرحمن الرحيم
البيان الختامي لمؤتمر علماء الصومال
بعنوان : دور العلماء في استعادة السلم في الصومال
جيبوتي 18-19-/5/1430هـ الموافق 13-14/5/2009م
إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره ونعوذ بالله من شرور أنفسنا وسيئات أعمالنا
من يهده الله فلا مضل له ومن يضلل فلا هادي له وبعد:
بتوفيق الله تعالى ، انعقد في العاصمة جيبوتي مؤتمر علماء الصومال بعنوان : دور
العلماء في استعادة السلم في الصومال ، وذلك برعاية وزارة الشؤون الإسلامية
والأوقاف بجمهورية جيبوتي في الفترة من 18-19/5/1430هـ الموافق 13-14/5/2009م.
و قد شارك في المؤتمرعدد من علماء الصومال بالإضافة إلى عدد من العلماء من جيبوتي
والمملكة العربية السعودية والسودان واليمن والكويت وقطر وسوريا والأردن وأوغندا
وتنزانيا وجزر القمر ومدغشقر وإثيوبيا . و ينعقد المؤتمر في مرحلة حساسة من تاريخ
الشعب الصومالي الذي يواجه تحديا حقيقيا ومصيريا يستدعى تضافر الجهود و جمع كلمة
العلماء لمناقشة الموضوعات التالية :-
أولا : ظاهرة فشل المصالحات الصومالية
بعد مناقشات مستفيضة حول فشل المصالحات في الصومال والأسباب المؤدية إلى ذلك قدم
المؤتمرون الحلول والمقترحات التالية :-
1. إشراك جميع الأطراف المؤثرة في عملية المصالحة .
2. دعوة الدول الإسلامية إلى إرسال قوات إلى الصومال لاستتباب الأمن و تعزيز
الاستقرار .
3. القيام بالمساعي الحميدة للصلح بين كافة الفرقاء .
4. تعميق المصالحة بين الأشقاء الصوماليين .
5. دعوة الإعلام بجميع صوره إلى الإسهام في تهيئة البيئة المناسبة للحوار والمصالحة
.
ثانيا : التناحر القبلي والفكري
بعد دراسة ظاهرة التناحر القبلي والفكري السائد في الساحة الصومالية وتسييس القبلية
والاحتماء بها وإلغاء دور الدولة و ضمور الحس الوطني و انقسام البلاد إلى دويلات
وجماعات متصارعة .
وبعد دراسة أسباب الصراع و التناحر الذي يعود إلى الطموحات الشخصية و أطماع النخب
السياسية وتأثير الثقافة الاستعمارية الموروثة وعدم وجود سلطة مركزية قوية في
الساحة،توصل المؤتمرون إلى الحلول والمقترحات التالية :-
1- تعميق روح الأخوة الإسلامية و نشر العلم الشرعي .
2- تقوية الجوانب الإيجابية للقبيلة ومحاربة الجوانب السلبية لها .
3- تقوية الانتماء الوطني وترسيخه .
4- إيجاد محاضن وأطر شعبية بديلة عن القبلية .
كما رأى المجتمعون ضرورة التركيز على نقاط الاتفاق و التوافق على نقاط الاختلاف
والحذر من كيد الأعداء للوصول إلى حلول ناجعة .
ثالثا : الغلو الديني
بعد تداول الآراء و استعراض مختلف وجهات النظر حول ظاهرة الغلو الديني في الساحة
الصومالية والتي أفرزت مظاهر سلبية متمثلة في التكفير واستحلال الدم المعصوم وتجاوز
المراجع الفقهية واستخدام مصطلحات التبديع والتفسيق والعمالة وانتشار ثقافة الإلغاء
والإقصاء للآخر، و بعد دراسة الأسباب المؤدية إليها توصل المجتمعون إلى مايلي:
1- تعميق العلم الشرعي لدى جميع فئات الشعب الصومالي .
2- المواجهة العلمية و الهادئة ومحاورة زعماء الغلو من قبل أهل العلم الراسخين .
3- تأهيل الفئات الشابة وخلق فرص عمل لها .
4- إنشاء هيئة وطنية عليا للفتوى .
5- تفعيل دور المسجد ورسالته .
6- التركيز على الفقه المقاصدي وعلم أصول الفقه .
7- إدخال المنهج الفكري الوسطي في المقررات الدراسية في المراحل التعليمية .
رابعا : تطبيق الشريعة الإسلامية بين المتطلبات والعوائق
إن الشريعة الإسلامية صالحة لكل زمان ومكان وهي علاج أنجع لمشكلات العصر بصورة
شاملة ومتوازنة ولها طبيعتها الخاصة الموسومة بالإنسانية والتدرج في تطبيق الأحكام
واعتبار المآلات وتحقيق المناط ومراعاة الثوابت والمتغيرات. وحيث إن الشريعة
الإسلامية ليست كلها حدود وأن القوانين الإسلامية ليست كلها عقوبات.
وبعد إمعان النظر و التمحيص في الواقع الصومالي و دراسة كيفية تنزيل أحكام الشريعة
على أرض الواقع وما يستدعيه الوضع الصومالي من متطلبات تتمثل في تأهيل الكوادر
القضائية القادرة على تقنين الأحكام وتنفيذها وتوفير الإمكانيات اللازمة وتهيئة
الأجواء المناسبة وتصحيح المفاهيم المغلوطة حول تطبيق الشريعة وضرورة إيجاد سلطة
فاعلة ذات مؤسسات وهياكل إدارية تتحلى بالإرادة والنية الصادقة تدارس المؤتمرون
وبصورة مستفيضة المعوقات حول تطبيق الشريعة و التي منها:
· تحفظ بعض الجهات الدولية على تطبيق الشريعة .
· عدم وجود نموذج سابق لتطبيق الشريعة في الصومال .
· غياب الاستقرار والأمن في ربوع الصومال .
· الجمود الفقهي و الفهم القاصر للشريعة.
· الاختلاف في كيفية و مراحل التطبيق.
وبعد استعراض الحلول اللازمة لتطبيق الشريعة خلص المؤتمرون إلى ما يلي :
· ضرورة تطبيق الشريعة بشفافية ووعي وعدالة
· تقنين أحكام الشريعة .
· استكمال المصالحة .
· تأهيل وإعداد القضاة .
· معالجة مخاوف المتشككين فكرياً وعملياً .
· الاستفادة من التجارب الأخرى في مجال تطبيق الشريعة .
· تقوية مؤسسات الدولة القائمة .
· إدخال المفهوم الصحيح لتطبيق الشريعة نظرياً وعملياً في المناهج والاهتمام
بالجانب التربوي
خامسا : التوصيات والنتائج :
يوصي المؤتمرون بما يلي :-
أولا : أن الحكومة الصومالية الحالية حكومة مسلمة لا يجوز تكفيرها ولا استحلال دماء
أفرادها كما لا يجوز إسقاطها بقوة السلاح
ثانيا: يدعو العلماء الحكومة الصومالية الحالية إلى فتح قنوات الحوار مع أطراف
النزاع لتحقيق المصالحة و استكمالها .
ثالثا : يدعو العلماء جميع الأطراف إلى الوقف الفوري للقتال حقنا للدماء ووقفا
للتشريد .
رابعا: يحذر العلماء من أن يؤدي الصراع الدائر إلى إعطاء الذرائع للتدخل الأجنبي
إلى الأراضي الصومالية مما لا يحمد عقباه .
خامسا: تعزيز الدور الإيجابي للعلماء في إرساء دعائم الصلح والتفاهم بين كافة
الأطراف الصومالية لقوله تعالى ) وإذ أخذ الله ميثاق الذين أوتوا الكتاب لتبيننه
للناس ولا تكتمونه... )
سادسا: المطالبة بدعم تطبيق الشريعة الإسلامية في كافة مجالات الحياة لقوله تعالى :
( إن الحكم إلا لله )
سابعا : دعوة المجتمع الدولي إلى المساهمة الفعالة في تثبيت الأمن والاستقرار في
الصومال باعتباره مصلحة للجميع .
ثامنا: يطالب المؤتمرون كافة شرائح الشعب الصومالي بدعم الوحدة والتلاحم في البلاد
انطلاقا من قوله عليه الصلاة و السلام
( المؤمن للمؤمن كالبنيان يشد بعضه بعضا )
تاسعا: يطالب المؤتمرون المؤسسات الإسلامية والعالمية بدعم التنمية التعليمية
والاجتماعية لتحقيق حياة كريمة للمجتمع الصومالي .
عاشرا : يدعو العلماء المجتمع الدولي إلى دعم المصالحة وإدانة التدخلات الأجنبية
للأراضي الصومالية
و الله هو الموفق و الهادي إلى سواء السبيل
صدر في جيبوتي بتاريخ 19 جمادى الآولى1430هـ الموافق 14مايو 2009
Wasiirka Arimaha Diinnta iyo Aw-qaafta Dowlada Jabuuti Dr. Xaamud Cabdi
Suldaan oo Guriga Ummadda ka Furey Dood Cilmiyeed Doorka Culimada
Soomaaliyeed ay ka Qaadan karan Nabadynta Soomaaliya
Sawirada Culimada Halkan ka eeg
Dood cilmiyeed ku saabsan doorka culumada soomaaliyeed ay ku leeyihiin
dibusoocelinta nabada, oo ay ka qayb galayaan 33 xubnood oo ka kala
socda Gobolada Soomaaliya, sida Muqdisho, Gobolada Somaliland la baxay,
kuwa Puntland ee Gobolada Woqooyi Bari, Gobolada Baay, Bakool, J/hoose,
J/dhexe, Hiiraan iyo Gobolada Dhexe ee Soomaaliya islamarkaana uu soo
qaban qaabiyey Wasiirka Arimaha Diinnta iyo Aw-qaafta Dowlada Jabuuti
Dr. Xaamud Cabdi Suldaan ayaa lagu qabtey Hoolka shirarka ee Guriga
Ummadda ee Caasimada dalka Jabuuti.
Sawirada halkan ka eeg
Dr. Xaamud Cabdi Suldaan oo gunaanadkii ka Hadley aya wuxuu yiri
“shacabka jabuuti waxay qabaan dareen ah, shaley Ummadda Soomaaliyeed
waxay u Af-duubneyd qab qable dagaal, maantana ma qab qable culimo ayey
u Af-duubnaan oo rajadii iyo mustaqbalkii oo dhan laga tirtirayaa, waa
dareen ay qabaan walaalihiina shacabka jabuuti ee ay qabaan, waxaadna
adinku mateleysaan culimadii waaweyneyd ee Soomaaliya oo dhan, waxaadna
tihiin marjicii Ummadda, maanta xagee loo ciirsan ayaa la leeyahay” ayuu
ku yiri khudbadiisa Dr. Xaamud isagoo khudbadiisa sii wata ayaa intaa ku
darey
“waxaa laysugu kiin yeerey culimadii Soomaaliyeed baa tihiin, cilmi
idiinku filan waad leedihiin, caqli idiinku filan baad leedihiin, waxaad
manta ka run sheegikartaan, waxa dhacayo diinta ilaahay maxay ka qabtaa,
waa waxyaalaha la rabo walaallayaal inaad adinka oo maslaxada guud
eegaya aad soo saartaan wax lagu badbaadinkaro Ummadda Soomaaliyeed oo
la leeyahay hada maalin ay ka daran tahay ma jirto, in Ummadda
Soomaaliyeed loo diido cid kale dano ay leedahay ay ku kala aar goostaan
oo laga dhex fuliya Ummadda Soomaaliyeed dhexdeeda oo aan niraahno, ka
culima ahaan uma qalanto”.
Wasiirka Arimaha Diinta iyo Aw-qaafta Jabuuti waxaa uu u jeediyey dadka
Soomaaliyeed ee dagaalamaya “waxaan u jeedineynaa walaallahayaga isku
haya muqdisho, gaar ahaan raga xukuumada ka soo horjeeda waxaan leenahay
in aan xikmada la seegin, xukuumaduna aysan xikmada seegin oo aan lagu
kicin wax Ummadda Soomaaliyeed aysan qaadikarin, Ummadda Soomaaliyeed
waa in ay isugu tagaan oo aan cid keliya far lagu fiiqine oo laga wada
qayb qaato badbaadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, Diinta Islaamka oo
magic dumis uu ku socdo, tash wish uu ku socdo in laga wada qayb qaato,
sidii loogu gurman lahaa, culimada Islaamka oo dhan waa ay idiin garab
joogaan”.
Dood cilmiyaadan ku saaban doorka Culimada Soomaaliyeed ayaa
furitaankeeda waxaa ka Hadley culimaa’udiin ka kala socdey dalallka
Islaamka oo isugu jira kuwa carab iyo cajami, dhamaan mas’uuliyiintii ka
hadashey furitaanka dood cilmiyeedan ayaa waxay ka hadleen sida ay u
dhan yihiin mas’uuliyada saaran culimada Soomaaliyeed iyo sida loogu
baahan yahay dadkii u qumi lahaa mush-kilada ka taagan dalka Soomaaliya,
waxaa keloo halkaasi laga soo jeediyey gabayo qaarkood muujinaya fool
xumada dagaalka ka socda xiligan dalka Soomaaliya.
Kulankan ayaa wuxuu qayb ka yahay isku dayo muhiim ah oo la doonayo in
xal looga gaaro arimaha soomaaliya, balse marka si guud loo eego
mashaa’ikh-da meesha isugu timid ayaa waxay yihiin culimada aan
hubeysneyn oo barisamaadkii Ummadda Soomaaliyeed ay ku ixtiraami jirtey
Diinta ay xambaarsan yihiin, wax kasta oo ay la soo hor fariistaan,
taasoo mudadii dagaalada sokeeye ay socdeen lagu bedeley in laga tago
wax kasta oo ay Ummaddaha aaduunka ay ixtiraamaan, waxaana la baneystey
wax kasta oo laga xishoodo, hawshuna waxay noqotey in muwaadinka
Soomaaliyeed ee qiimaha lahaa si bareer ah loo dilo ama loo iib geeyo
dalallka ka soo horjeeda jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed,
islamarkaana laga cararo dadkii Islaamka ahaa oo loo cararo, meel aan
loo cararin.
Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2009 |