SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulan looga hadlayay Arimaha Soomaalida oo lagu Qabtay Wadanka BELGUIM

Ururka BANAADIRVZW oo ka dhisan Wadanka Belguium Gaar ahaan Magaalada GENT ayaa Waxay Casuumaad soo dhaweyn ah u sameeyeen Ururo ka kala Yimiday Wadamada Netherland & Sweden oo kala ah S.S.U.P & EUROSOMA & S.N.B.F iyo marti Sharaf kale oo iyagana ka kala Yimid Qaar ka tirsan Wadamada Qaaradda Yurub.

Sawirada Halkan ka eeg.....

Ugu Horeyntii ayaa Halkaas Waxaa ku soo Dhaweeyay Gudoomiyaha Ururka BANAADIRVZW Mr:Maxamed Xassan Shiraaye isagoo ka hadlay ahmiyada ay leedahay in kulan noocaan oo kale ah ay iskugu imaato soomaalida ku nool Dalalka Qurbaha.wuxuuna sheegay in mar waliba loo baahanyahay in laga shaqeeyo Midnimada umadda Soomaaliyeed oouu sheegay in ay tahay Mid Muqadas ah.

Sidoo kale waxaa isna Kulankaas ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga S.S.Y.P Md: Maxaaxi isaga oo sidoo kale ka sheekeeyay ahmaida ay leedahay in ururada ka dhisan wadamada qaarada yurub ay ku kulmaan kulamo Noocaan oo kale ah ,waxaana uu sheegay in xilagan loo baahanyahay in Soomaalida Qurbaha ay ka shaqeeyaan in la nabadeeyo Dalka soomaalya.

Drs: Khadijo Adan oo ah gudoomiye Ku xigeenka Ururka EUROSOMA isla markaana ah Gabar ka shaqeeysa raadinta nabdda Soomaaliya ,ayaa iyadana ku Dheeraatay in laga Shaqeeyo Danta Guud lagana Dheeraado in aan laga Shaqeynin Mar Walba Danta Gaar ahaan iyadoo sidoo kale Qudbadeeda ku soo Qaadatay oo halkaas ka soo jeedisay in loo baahanyahay in mar waliba laga shaqeyo Nabadda,waxaana ay sheegtay in arintaas daraadeeda ay u booqatay Wadamo badan oo ku yaala Qaaradda Yurub iyo Kenya iyo Jabuuti iyo itoobiya,waxaana ay Qudbadeeda ku soo af jartay Cudurdaar ay ka waday Gudoomiyaha SOMALISKA NORDEN BISTÅND FÖRENING Md:Nuur Cali Gacal oo aan isga Goobtaas ka soo Qaybgalin arimo Mashquul dardaadeed oo ay sheegtay in uu imaan doono Kulamada kale waana laga aqbalay soo jeedinteeda

Inj:Guleed Axmed oo ah Gudoomiyaha Ururka EUROSOMA ayaa isaga Halkaas ka sheegay in laga Fogaado waxa uu ugu yeeray Qabiilka oo uu sheegay in uu ka mas,uul yahay Bur Burka ka aloosan Dalka Soomaaliya.Qabiilkana aan loo adeegsan dano Gaar ahaaneed,waxaana uu ugu Baaqay Dadkii kulankaas ka soo Qayb Galay in ay Taageeraan Nabadda iyo dawladda Cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale kulankaan ayaa waxaa ka hadlay Madax kale oo ka socotay Xubnaha ururka BANAADIRVZW oo uu ka mid yahay Kamaal axmed Maxamuud iyo xubno ka socday Soomaalida ku Nool dalalka Qaraada yurub iyo Wadanka Belgumka
Gabagabdii Kulankan ayaa waxaa Su,aalo ay ku weydiiyeen Soomaalidii ka soo Qayb Gashay Madaxdii ka hadashay Kulankan iyagoo uga jawaabay dhamaantood si waafi ah oo dadkii kulanka ka soo qayb galay ay aad ugu qanceen.
kulankana waxaa u ku soo gabagabooway sidii loogu talay galay iyadoo Dhamaan Dadkii ka soo qayb galay ay aad ugu Faraxsanaayeen Kulanka.


Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.deeq)
E-mail:deeq1982@hotmail.com
GSM:+31643642191
Leeuwarden,Fresland.Netherlands

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: