SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Waraysi:- Dr. Cumar Iimaan“Cid 4 KM ku xabisan inay ka taliso Aayo Soomaaliyeed iyo Umad Masiirkeeda Danbe Caqliga & Sharcigaba ogolaan maayo”

 Shabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa Waraysi ay la yeelatay Gudoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Dr. Cumar Iimaan Abuubakar, kaas oo saabsan, Heshiiska DKMG ahi ugu saxiixday Dowlada Kenya qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya, Faragalinta Kenya iyo arimo kale.

 

Waraysiga ayaa u dhacay sida tan:-

 

Somalimirror: - Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

 

Dr. Cumar Iimaan: - Wacaleykumu Salaam Waraxmatulaahi wabarakaatuhu.

 

Somalimirror: - Dr. Cumar, Ugu horeyn Dhul Muslim Sharci ahaan iyo Siyaasad ahaan sideed u aragtaan Heshiiska Badeed ee ay DKMG u saxiixday Dowlada Kenya?

 

Dr. Cumar Iimaan: - Runtii waxaan u aragnaa inay tahay Khiyaamo Diimeed, aysan Banaaneyn Sharcan wa Caqlan, Dal Muslimiin ay leeyihiin Bari iyo Badba waxay ahaataba in Cid gaalo ah ama gaar ah laga iibiyo waxay ka mid tahay Danbiyayaasha waaweyn ayna tusinayso qofka Mas’uuliyada hadda haddii uu Imaam Muslimiin ah ahaan lahaa inuu xilkiisa ku wayn lahaa, haddii Dal Muslimiinta ay leeyihiin uu Muslimiinta Gacanta u galiyo ayada oo aan wax dhibaato ah ama xoog looga qaatay aysan jirin Tabarna uusan u haynin waa arin aad iyo aad u fool xun, ayna daliil u tahay Hagar daameynta Shacabka soomaaliyeed lala damacsanaa in ay Bilaabatay in mar kasta Damacii ay ka lahaayeen Nimankan lagu xaqiijiyo, aanu aaminsanahay wax ka weyn inay soo socdaan, marka waa in aad iyo aad arintaas looga hortagaa, in la ogaado Dalkaan iyo Umadaan inay Dad leeyihiin Naftooda iyo Diintoodana ay Difaacdaan.

 

Somalimirror: - Wax Xog ah ma ka haysaan Heshiiska waxa lagula kala wareegay?

 

Dr. Cumar Iimaan: - anagu waxaan u aragnaa waxyaalo badan oo aan u aaminsanahay, maadaama ay Dadkani yihiin Dad Qandaraas Qaatayaal ah, in lagu sasabtay Dhaqaalo iyo Dano gaar in loo fuliyo oo Umadda Soomaaliyeedna laga qariyo oo Been loo sheego, arintaasna waxay qeyb ka tahay wixii ay Sheegeen inay ku heshiiyeen inay Dowlada Kenya ay u qaado Canshuurta, waligeedna wax dhacay ma aha, ula jeedadana waxay tahay in iyadana arin Muqaabil u ah u fuliyaan, marka masaalix hoose oo Dad gaar ah ay leeyihiin in loo fuliyo awgeed in arintaasi ka danbeyso ogolaanshadeed ayaan dareemi karaa haddii arintu sax ahaan lahayd wax Shacabiga Soomaaliyeed uu ogyahay Baarlamaankii ay xaataa iyagu sameysteen oo wax ka ogyahay, Dad Khubaro ah loo diyaariyo oo ay fiiriyaan ayay ku imaan lahayd haddii ay yihiin wax sifadii iyo jidkii loogu talo ku socda, laakiin waxaa weeyaan wax lool jeedo dano gaar ah in lagu fushado Dowladaan sii dhacayso in hantida Soomaaliyeed lagu Boobo inta wakhtigeeda ah ee aysan Saaxadda ka bixin, intaas unbaan anigu u fahmay.

 

Somalimirror: - Ka Xisbi ahaan Muxuu yahay Mowqifkiina ku aadan Heshiiskan, Jawaab Nooceese ayaad ka bixinaysaan?

 

Dr. Cumar Iimaan: - waxaan ka bixinaynaa waxay tahay in wax meesha lagu saxiixay waxbo kama jiraan ay yihiin oo Baadil ay yihiin, Cidii wax saxiixday, waxay ka mid tahay wax iyada gacanta ugu jirin inay Bixisay بيع مالا يملك  baa la yiraahdaa, qofka wax uusan lahayna ma gadi karo, Xisbul Islaami mana Ogolaan karo, Mana Ogolaanayo, wuxuuna u arkaan inay tahay Khiyaamo Diimeed, Umaddii Soomaaliyeed in Dhulkeedii awalba ay gaalo horey u boobtay intii kalana in sidaas lagu bixiyo waa ayaan daro runtii aad iyo aad, waxaana aaminsanahay inaan arintaasi diidayno aanu ogolayn, aana ka bixin doono Jawaab wakhtiga ugu Munaasabsan Insha Allaah.

 

Somalimirror: -DKMG ahi Awood ma uleedahay Heshiiskan oo kale inay xiligani gasho ama saxiixdo?

 

Dr. Cumar Iimaan: - Awood uma laha, Dowladani Dowlad jirta ma aha, anaguna ma aaminsanin, Meel laga aqoonsanyahayna anagu ma ogin, waxaa kuugu daliil ah meesha ay wax ka saxiixayso waxa xukuma Mujaahidiinta ah waaye, Meeshaas waxaa ugu dhaw Kismaayo iyo Dhulkaa Soomaaliyeed ee Xuduuda ah, waxaad ogtahay laga bilaabo Xamar illaa Dhulkaas Mujaahidiintaa xukuma , arintan Taladeedana Dadkaas ayay ka go’daa mooyee, Cid 4 KM ku xabisan inay ka taliso Aayo Soomaaliyeed iyo Umad Masiirkeeda Danbe Caqliga iyo Sharcigaba ogolaan maayo, marka waxaanu leenahay waxaas jira ma aha, Dowlada kenyana waxaan umalaynayaa inay ka tahay nin Daad qaaday Xunbo Cuskay oo Xoolahaan iyo Umadaan Soomaaliyeed Boob unbay isleedahay wayse ogtahay Xaqiiqadeeda in Nimankaasi waxay saxiixaan meel ay ka soconayso aysan jirin, waxay isleedahay oo kaliya Damacii ku jiray iyo Xumaanteeda unbay soo saartay

 

Somalimirror: - DKMG ah waxay Heshiiskii Djibouti ku saxiixday inay ilaalinayso Heshiisyadii horey u gashay Dowladii hore, arintaasi maxaad ka leedahay?

 

Dr. Cumar Iimaan: - kuwii horana wax sax ah ma ahayn oo Dowlad jirta oo hadda aan anagu ictiraafsanayn oo waxay saxiixdo soconaysay ma ahayn, laakiin waxaan ognahay in arintaasi marar badan loo soo bandhigay ay diideen baanu ognahay, marka Nimankaan kuwii ka kheyr darnaa ay diideen bay ogolaadeen, marka waxay daliil u tahay in mar kasta kuwa imaanaya kuwii hore ay ka daciifsanyihiin, ay ka shaqsiyad xunyihiin, waa Mar marsiinyo inay yiraahdaan anagu heshiiskaan ma aanu sameyn, marna ay yiraahdaan Heshiisyo horey u jiray baan anagu ansixinay wax is qabta ma aha inay xaqiiqada shacabka la waajahaan Khaladkii ay galeena ay ka soo laabtaan Umadda Soomaaliyeedna ay cudur daar rasmi ah u bixiyaan baa waajib ku ah.

 

Somalimirror: - Faragalinta Kenya sideed u aragtaa?

 

Dr. Cumar Iimaan: - runtii anaga waxaan u aragnaa Kenya inay tahay Meesha Qadiyadda Soomaaliyeed lagu qalo inay tahay Dadka Shirqoolada Soomaaliya kuwada oo dhan oo Hagar daameynta abaabulaya, kuligood waxay wada fadhiyaan Kenya, marka Kenya waxa weeye si toos ah ayay arinta Soomaaliya faragalin ugala jirtaa waliba waxaan leeyahay, itoobiya Milatari ayay u soo gashay Kenyana Siyaasad inay ku qabsato ayay doonaysaa labadoodana way ka simanyihiin, Dhul Soomaaliyeed bay awal horey u Gumeysteen inta kala Damac baa uga jira inay qeybsadaan, waanu ognahay ninkii Kenyaatiga ahaa oo Khabiithka ahaa inuu yiri waxaa la soo gaaray wakhtigii Wadanka Soomaaliyeed Kenya iyo Itoobiya lagu kala dari lahaa, Kharaa’id uu soo qoray iyo sidii lagu qaybsan lahaa, laakiin tii insha allaahu way suuro gali waysay ilaahay baa ku mahadsan, Dadkaas Mujaahidiinta ah oo Naftooda u huray inay Dadkooda iyo Diintooda ay Difaacaan ayaa uu ilaahay uga badbaadiyay Shirqoola fara badan, hadana waxaanu leenahay Dalka Soomaaliya waa jirayaa Madaxbanaanidiisana waa la haanayaa Cidii ku soo xad gudubtana iyada unbaa ka shalaynaysa Insha Allaahu Tacaalaa.

 

Somalimirror: - Maxaad ugu Baaqeysaa Dowlada Kenya?

 

Dr. Cumar Iimaan: - waxaan ugu Baaqayaa in Dabka Soomaaliya aysan faraha gashanin, ina ay faraheeda kala baxdo arinta soomaaliyeed, shaqo wax ay ku leedahay ma jirto ama xuduud ha noqoto ama aayaha Soomaaliyeed ha noqoto Shacabka soomaaliyeed isaga ayaa iska leh Masiirkiisa iyo inuu Naftiisa Xukumo haddii Kenya ay arintaas soo fara gashatana iyada ayaa waxaan u aragnaa inay ka shalayn doonto, waxaan wax uga qabsoomi maayo, waxaan leenahay arinta Soomaaliya faraha kala baxdo, shacabka soomaaliyeed isaga ayaa heshiinaya siday rabaan bayna u Maamulanayaan ayaga oo Madaxbanaanidooda Diintooda Dadkooda iyo ilaahooda Insha Allaahu Tacaalaa u kaashanaya inuu intaas u fuliyo, marka Kenya waxaanu leenahay ha ku cibro qaadato wixii itoobiya ku dhacay haddii ay intaas oo kale diyaar u tahayna ha soo socoto haddii kale arimaha soomaaliya faraha ha kala baxdo baanu leenahay.

 

Somalimirror: - Ma kuula Muuqataa in Dhulka Soomaaliya Bad iyo Bariba la qeybsanayo?

 

Dr. Cumar Iimaan: - anagu waanu ognahay taasi in ay ka go’antahay, Dowladaha Gaalada ee Dariska na la ah, inayna maalina Dib uga dhici lahayn, laakiin waxa ka horjooga waxa weeyaan Tabartoodaa u diiday, waanu ognahay waana isku dayeen inay Soomaaliya Qeybiyaan inay Wadankooda midba qeyb u qaataan, fara galin joogta ahna ay ku sameeyaan intiina waa suuro gali waysay oo Dadkii Mujaahidiinta ahaa baa is hortaagay, hadana waxba u suuro gali maayo ayaan isleenahay Insha Allaahu Tacalaa, iyaga ayaan ku Bur-buraya iyaga ayaan ku baaba’aya bi’idnilahi Tacaalaa ولا يحيق المكر سيئ الا بأهله buu ilaahay leeyahay Makriga Xun wuxuu ku laabtaa Dadka keenay, Dadkaan Muslimka ah oo hadda Wadankooda lagu dhibaateeyay, cidda u doonaysa Shirqool iyada ayay ku dabo gadoomaysaa insha allaahu Tacaalaa.

 

Somalimirror: - Sidee lagu difaaci karaa Dhulka Soomaaliya Bad iyo Bariba?

 

Dr. Cumar Iimaan: - waxaa lagu difaaci karaa oo kaliya in Mashruuc ay Mujaahidiinta hormuudka u yihiin in la adkeeyo, Shacabiga Soomaaliyeedna uu ogaado inuusan wadankiisa difaaci Karin illaa uu illaahay ku xirnaado mooyee, Wasiilada Jihaadkana uu aad u adkeeyo, faragalinta Shisheeyana si wada sinaan ah uu meel uga soo wada jeedsado, ilaahayna uu kaashado Insha Allaahu Tacaalaa inuu ka bad baadiyo Shirqoolaadka inbadan baa la isku soo dayay waxna waa u suuro gali waysay ilaahayna ha ku kalsoonaadaano, waxna u suuro gali maayaan ilaahay Cadowgiisa Insha Allaahu Tacaalaa.

 

Somalimirror: - Ugu Danbeyntii Dr. Cumar, Maxaad ugu Baaqeysaa Qeybaha kala duwan ee Shacbiga Soomaaliyeed?

 

Dr. Cumar Iimaan: - waxaan ugu Baaqayaa in Shirqooladaas iyo Hagardaamooyinka lagu wado inay u foojignaadaan ay ku baraarugsanaadaan Caqligooda iyo karaankoodana ay Bixiyaan si Wadanka loo bad baadin lahaa, Cadowgaas u soo tafa xaytayna looga hortagi lahaa inay wakhtigooda ku bixiyaan aysan dhicin in Wadankooda iyaga oo ku dhex nool in lagu kor iibsado si aysan u dhicin waa inay ka foojignaadan baan leeyahay.

 

Somalimirror: - Mahadsanid.

 

Dr. Cumar Iimaan: - Idinkaa Mudan.

 

Somalimirror: - Assalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaatuhu.

 

Dr. Cumar Iimaan: - Wacaleykumu Salaam Waraxmatulaahi

 

Isha: http://www.somalimirror.com

Faafin: SomaliTalk.com | April  9, 2009

BAARID | SEARCH


shariifSheikh Shariif oo Noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay Taariikhda Soomaalida oo Khilaaf Galiyay Badda Soomaaliyeed...
"....baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira" - waraysi cod ah oo laga duubay... Akhri..
 

Xildhibaan Maxamuud Axmed Tarsan iyo Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub oo difaacay Badda Soomaaliya
Dawladii C/laahi Yusuf waa diidey in ay saxiixdo
 

craxamnWasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in "Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed"...
C/raxmaan C/shakuur waxa uu intaas ku daray in heshiiska la horgayndoono Baarlamaanka Akhri

Warbixin: - Heshiiska Badda: - Yuu Dan u yahay?! Khatarta ka imaan karta, & Sidee looga Hortagi karaa?!!!

shariiffarooleAragtida Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay
Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin ----- Dr. Faroole:  Cidna xaq uma leh in qayb kamida dalka Soomaaliyeed cid kale heshiis lagula geli karo... Akhri..

Axmed Walad Cabdalla oo la weydiiyey waxa uu ka ogyahay heshiiska Is-afgarad ee badda ee Somalia iyo Kenya
iyo Kenya oo Markale ka hadashay Heshiiska is-Afgarad ee ay la gashay DFKMG.. Akhri...

"Burcadda Qalinka: Norway, UN, iyo Kenya oo Qorshaha Xuquuqda Shidaal Qodista ka wada Xeebta Soomaaliya"
"Qarammada Midoobay waxay ka qayb qaadanaysaa Norway iyo Kenya gacan ku dhigidooda xuquuqda shidaal qodista ee badda Soomaaliya" InnerCityPress..


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: