SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

XAFIISKA QARAMADDA MIDDOWAY U QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADA SOOMAALIYA (UNPOS)

Warqad ku socota Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa (Warqada No.14)

Nairobi, 7 Maajo 2009

SALAMA ALAYKUM 
 

1. Ilaa iyo intaan idin soo direy warqadaydii ugu dambaysay oo laga joogo muddo   hal bil ah, arrimo horumar leh ayaa soo kordhay. Wadankiina wuxuu weli ku jiraa xilli kala guur ah, inkastoo xaladda ay hadda soo wanagsananayso, hadana waddanka wuxuu idinkaga  baahan yahay ka warqab iyo taageero joogta ah.

2. Shirkii lagu taageeraayey hay’adaha nabadgelyada u qaabilsan Soomaaliya ee qabsoomay 22-23kii Abril, kana dhacay Brussels ayna wada shir- gudoominayeen Qaramada Midoway iyo Ururka Midowga Africa, waxaa uu ahaa shir Soomaaliya, xukuumadeeda iyo dalkeedaba, wanaag u soo kordhiyey.  Waa markii ugu horeysay ee shir heerkii ugu sareeyey ah ee bulshada caalamka ay kuga soo qaybgasho sida Xoghaya Guud ee Qaramadda Middoway, BAN KI-MOON, Gudoomiyaha Ururka Midowga Africa, JEAN PING, Madaxweynaha Ergada Reer Yurub, Jose Manuel Barroso, Ergayga Sare ee Reer Yurub u qaabilsan  Siyaasada iyo Nabadgelyada loo dhan yahay, Javier Salona, Guddomiyaha Midowga Reer Yurub u qabilsan Arrimaha Horumarinta iyo Kaalmada Bani’aadanimada, Louis Macheil, Kuxigeenka Ururka Jaamaca Carabta Axmed Benhelli, Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Uruka Islaamka Aduunka, Atta Bakheet Manane iyo Wasiiro kale oo aad u tiro badan.  Isugeyn, tiro garayso illa 60-dal iyo ururo aad u fara badan oo ay ka mid tahay IGAD ayaa ka qeybgalay shirkaas, kuwaasoo balan qaadkooda maaliyadeed uu gaaraayey in ka badan 213 million oo Dollar loona balan qaaday hay’adaha nabadgelyada u qaabilsan Soomaaliya iyo howlgalka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).  Taageeradan ee aan horey loo filaynin ee diplomasiyadeed iyo dhaqaaleba waxay cadeyn u tahay  danaynta cusub ee bulshada Caalamka uhasyo in  nabad iyo xasilooni la gu soo cveliyo Soomaaliya.

3. Waxaa mahad leh Heshiiskii Jabuuti, Soomaalidu ha ahaadeen kuwa dalka gudahiisa jooga iyo kuwa dibadda jiraba waxay bilaabeen inay guryahooda ku soo noqdaan. Sidoo kale, madaxdii ugu dambaysay ee dalka ka carartay 2006dii ayaa iyagana soo noqday. Tani waa talaabo  nageesinimo gelinaysa lehna rajo iyo kalsooni kana mid ah geedi socodka nabdda. Waxa kale oo ay arrintani caddeyn u tahay  in aad noqon kartid waddani loona baahneen in aad qas dib ugu noqotid si aad arrintan u cadaysid. Heshiskii Jabuuti waxaa oo uu dadka tusay in kala duwanaashaha siyasadeed logu xalin karo wadahadal.  Xiriirka ka dhexeeya walaalaha waa in uu ahaadaa wada hadal waana in uusan ahaanin isdil oo keliya.  Anigoo ah Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud waxaan dib u xaqiijinayaa inaan diyaar u ahay inaan kaalmo geysto. Waqtigii hore ee gacan ka hadalka ku dhisnaa waa in uu dhamadaa. Haddaan arin kale tilmaamo maadaama ay muuqato dadaalka amaanta mudan leh ee ay muujiyeen ciidamada Brundi iyo Uganda, dilkii shalayto la dilay askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM maahan mid la ogolaan karo.   

4. Falalka burcad-badeednimo ee weli sii socda waa arrin qalbi-jab leh, anigana waxaan marlabaad idin leeyahay cambaareeya ficilkaas.  Dhab ahaantii ma aha shakhsiga ee waa mas’uuliyada  xukumadda, in ay dhaqan geliso sharciga  si wax looga qabto kalumaysiga sharci darrada ah, ama ku qubista waddanka lagu qubayo wasakhdda. Waa in la tilmaamaa lana ogaadaa waxyaabaha uguxun ee ka dhalan karta burcad-badeednimada in ay tahay in Saomaaliya lala xiririnaayo   inay tahay  wadan ay fowdo ka jirto. Ilaa iyo inta falka burcad-badeednimada sii socda, aduunka fikrad xun ayuu ka sii qabayaa Soomaaliya, in kastoo horumar uu ka socda dhinaca Siyaasada iyo Nabadgelyada.  Dhibaatada aadka u saraysa ee ay la kulmayaan burcad-badeeda iyo taageerayaashooda awgeed, falka burcad- badeednimada mar dhow wuu iska dami doonaa.  Dhinaca kale, sababaha dhaqaale ee ka dambeeya falka furcad-badeednimada waa in wax laga qabtaa, lana kaalmeeyaa ummadda ay waxyeelada  ka soo gaartsay,  talaabo sharci ahna laga qaadaa burcad-badeedka, lana baaraa lacagta la is dhaafsanaayo, ugu dambeyntiina waa in la adeegsadaa dhamaan wixii surrtagal si niyad iyo ficil ahba.

5. Laga soo bilaabbo markii la dhaariyay 27 Febraayo 2009, xukuumadu  waxa ay hadda jiraata oo keliya muddo 2 bilood wax yar un kabadan. Labaatan 20-sano o dagaal ah kadib, mudadani waa muddo  aad ugu yar hogaanka cusub si uu wax uga qabto dhibaatada jirta oo dhan. Dhamaan Ummadda Soomaaliyeed waa in ay wakhti dheeraad ah iyo gacanba siiyaan  xukuumada si ay  si buuxdo ugu shaqayso.  Waqtigan xasaasiga ah ee ka mid ah taariikhda waddankiina, hay’adaha ka jira waddanka  waxay u baahan yihiin kaalmada waxtarka leh ee dhamaan muwaadiniinta wadanka gudihiisa ama  dibaddiisaba joogta. Hadda waxaad haysataan fursad aad naftiina iyo aduunkuba ugu cadeeysaan inaad magaca wadankiina iyo tan ummadiinaba aad danayneysaan.  Hogaan cusub ayaa hadda dalka ka samaysmay. Wasiirro iyo xildhibanno badan kama aysan qeyb gelin xukuumaddii dhacday 1991.qaar ka mid ahna waxayba ka yimadeen dalka dibaddiisa. Wax kastaba horey ha u ahadeene mas’uuliyiinta aan ka hadlayno waxay ka tarjumayaan Soomaalida maanta.. Ayagoo wada jira ayey u howlgaleyaan  sidii lagu heli lahaa  nabad  iyo xasilooni waana in la dhirigeliyaa lana taageeraa.

6. Saaxiibayaal, wadankiina weli dhibaato ayaa haysata waana idin baahan yahay. Waxaana ugu baqayaa mid kasta oo idinka mid ah in uu guto mas’uuliuyadiisa ka muwaadin Soomaali ahaan si wadankiina mar labaad cagahiisa ugu istaago. Midkasta oo idinka mid ahna isbedel ayuu samayn karaa, sidoo kale mid kasta oo idinka mid ahna wuxuu go’aansan karaa inuu ka mid noqdo isbedelka dhinaca wanaagsan loo qaadaayo. Soomaaliya waa in ay mar labaad ugu soo noqotaa meeshay dunida kaga jirtay. Ruux kasta oo Somaali ah wuxu ka fikirayaa goortay Soomaaliya noqon lahayd  waddan caadi ah oo ay nabadi ka jirto sida wadamada kale oo leh hay’adaha addeega bulshada iyo kan gaarka ahba leh, safaarado, bangiyo, shirkado isku dhaf ah, shirkado   caalami ah ee diyaaradeed oo ku xerayso dunida inteeda kale. Qaar badan oo idinka idiin ka mid ah ayaa wadamada ay ku noolyihiin  ku haysta nabadgelyo. Waxaad hadaba xaq u leedahiin xurmada iyo nabadgelyada aa ku haysataan wadamada aad ku nooshahiin in aad ku heshaan waddankiina. Waxaan hadda joognaa waqtigii haddalka ficilka loo bedeli lahaa.

7. Dadkiina waxay doonayaan in ay waqtigii dagalka ku dhisnaa ay dib iska mariyaan. Waxaay doonayaan inay horseedaan nolol caadi ah. Kuwa doonaya in ay wax dilaan waa in ay katanasulaan falkaas ayna Somaliya mustaqbal wanagsan u raadiyaan. Waxaan idinkugu baqaya in tirahdaan MAYA  sii socoshada iska horimaadka  aadna saladda Jimcaha soo socota (berri) ee aad  tukan doontaan aad Illahay ka baridaan sidii nabad iyo sharafi ugu soo noqon lahayd wadankiina meel kasta ee aad joobtaan. 
 
 
 

Walaalkiina

Axmedou- Ould Abdalla


United Nations Political Office for Somalia (UNPOS) 

Letter to the members of the Somali Jaaliyadda (no 14) 

Nairobi, 7 May 2009  

Salaam Aleikum 
 

 

  1. Since my last letter to you one month ago, significant developments have taken place. Your country is still at a crossroads, though in a better position, and needs your continued attention and support.
  1. The conference in support for the Somali security sector on 22 and 23 April in Brussels, co-chaired by the United Nations and the African Union, was a turning point for Somalia, its Government and its people. For the first time, the International Community has attended such a meeting on the highest level, including the Secretary General of the United Nations, Ban Ki-Moon; the chairperson of the African Union Commission, Jean Ping; the President of the European Commission, José Manuel Barroso; the EU High Representative for the Common Foreign and Security Policy, Javier Solana; the EU Commissioner for Development and Humanitarian Aid, Louis Michel; the Deputy Secretary- General of the League of Arab States, Ahmed Benhelli; and the Deputy Secretary- General of the Organization of Islamic Conference, Atta Bakheet Manane; as well as a high number of ministers. In total, about 60 countries and numerous organizations, including IGAD, participated in the conference, whose pledges totalled to more than $213 million for Somalia’s security forces and the African Union Mission in Somalia (AMISOM). This unprecedented show of diplomatic and financial support is a proof of the International Community’s new commitment to peace and stability in your country.
 
  1. Thanks to the Djibouti Agreement, Somalis from inside and outside the country have started returning to their homes. Also the last leaders who fled the country in 2006 have returned. This is an encouraging sign of hope and confidence in the peace process. It is also a proof that you can be patriotic and don’t have to resort to violence to prove it. Djibouti Agreement has shown that political differences can be solved through dialogue. Dialogue, not fighting should remain the only source of relations between brothers. In my capacity as Special Representative I reaffirm my availability to help. The era of old style violence should be over. On another level, given the commendable dedication shown by Burundian and Ugandan troops, yesterday’s assassination of an AMISOM soldier cannot be accepted.

 

  1. The continued acts of piracy are discouraging, and I reiterate that you should condemn them. Indeed it is the official authorities not individuals who should be implementing the law concerning illegal fishing activities or waste dumping. It has to be mentioned that one of the main negative consequences of piracy is the association of Somalia with anarchy. As long as piracy goes on, the world will continue to have bad image of Somalia despite its new developments on the political and security side. Due to the high costs which pirates and their backers are facing, piracy will subside in a short time. In addition: economic causes of piracy should be addressed to help communities affected; legal action is to be taken against the pirates; the money trail is to be investigated and finally moral and physical deterrence are to be employed.
  1. Following its swearing on 27 February 2009, the Government has been in place now for just over two months. After 20 years of war, this is a short period for the new leadership, to meet all the challenges. All Somalis should give it more time and help it to fully function. At this crucial moment in the history of your country, its institutions need the constructive support of its citizens from within and abroad. You now have the opportunity to proof to yourselves and the world that you care about the image of your country and your people. A new generation of leaders is in the making. Many of the new ministers and parliamentarians have not participated in governments or national institutions before the collapse of the state in 1991 and some have come from the Diaspora. Whatever their background is – they reflect the Somalia of today. They are working together for peace and stability and should be encouraged and supported.
  1. Dear friends, your country is still suffering, and needs you. I call on each of you to take your responsibility as a Somali citizen to help your country get back on its feet. Each of you can make a change, and each of you can decide to be part of a change for the better. Somalia should regain its place on the world stage. Each Somali dreams of the day when Somalia is again a normal country like so many others – peaceful, with functioning public and private institutions, embassies, banks, transnational companies and international airlines connecting it to the rest of the world. Many of you now enjoy this normalcy in the countries where you live in. You should also have the right to enjoy these privileges in your country as well. The time to translate words into actions is now.

7. Your people want to put the era of violence behind them. They want to lead normal lives. Those who still want to kill should instead look for a better future for Somalia. I call on you to say NO to continued conflict and to commit your prayers of this coming Friday to peace and dignity in your country, wherever you are. 
 

Yours Faithfully 
 

Ahmedou Ould-Abdallah 

ContacT

Donna G. Cusumano
Public Information Officer
United Nations Political Office For Somalia (UNPOS)
Telephone: Office - 254 20 7621625

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: