SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiirka Howlaha guud oo ugu mahadceliyay Wasiirka isboortiga iyo Dhalinyarada dib u soo noolaynta Naadiga Jeenyo.

Nairobi 29.04.2009. Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyaynta Mudane Maxamed Cabdi Yusuf ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Mudane Saleebaan Colaad Rooble dadaalka iyo isku daba ridka uu ugu jiro sidii uu u soo celin lahaa Isboortiga Soomaaliyeed qaybihiisa kale duwan.
Waxaa sharaf weyn noo ah anigoo ku hadlaya magaca wasaarada Howlaha guud iyo guriyaynta in maanta aragno Kooxdii Jeenyo oo dib loo furey isla markaana si rasmi ah uga bilaawday diyaar garoow ay ka qayb galayaan tartamada Isboortiga noocyadiisa kale duwan ee ka jira dalka gudahiisa ayuu yiri Wasiirka Maxamed Cabdi Yusuf.

Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa warbixin ka siiyay qaabka Wasaaradiisa uga howl biloowday sidii loo soo celin lahaa kooxihii dalka ka jiri jirey, isla markaana dhawaan si rasmi ah u furmi doonaan 15 May tartamadii Degmooyinka gobalka Banaadir, waxaan kale oo samaynay xarunta cilmi barista ciyaartooydii hore.

Waxaana rajaynayaa in wasaaradaha kale ay ku daydaan talaabada ay ku fureen Naadigii kooxda Jeenyo LLPP ayuu yiri Wasiirka Isboortiga mudane Saleebaan Colaad Rooble.

Wasiiradaas ayaa si wada jir mahadcelin u soo jeediyay mudane Siciid Qoorsheel dadaalka u galay sidii naadiga Jeenyo dib ugu howl gali lahayd mar kale, isla markaana loo baahan yahay dhaqdhaqaaqyada Isboortiga dalka iyo dibada ka jira loo midayn lahaa, waxaana codsanaynaa in laga gudbo khilaafyada aan micnaha badan samaynin ee ku kale dhaxjira bahda Isboortiga madaama Isboortigu yahay kan kaliya ee maanta umadda Soomaaliyeed lagu midayn karo.

Mudane Mohamed Cabdi Yusuf ayaa baaq u direy Masuuliyiintii hore ee Naadiga Jeenyo, Macalimiintii Hore Jeenyo,ciyaartooydii hore Naadiga Jeenyo iyo taageerayaashii kooxda Jeenyo inay taageero weyn ka gaystaan sidii kooxda Jeenyo mar kale ay uga dhax muuqan lahaayeen garoomada dalka iyo dibadaba, isla markaana ay taageeraan Naadiga Jeenyo oo u baahan taageeradooda.

W/D:Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
Nairobi Kenya
mrsomalia@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: