SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

War-saxaafadeed ku saabasan xaalada Wariyeyaasha ku sugan Dalka Jabuuti iyo Aragtidooda ku aadan wakaalada wararka Madaxa Banaan ee laga Furey Dalka Jabuuti.

Marka hore waxaan u mahad celineynaa shacabka iyo dowlada dalka Jabuuti ee aan walaallaha nahay mudadii aan ku sugneyn, sidii wanaagsaneyd ee ay inoola dhaqmeen iyo sida ay inoogu soo dhaweeyeen dalka Jabuuti.

Waxaan cadeyneynaa in Wakaalada wararka madaxa banaan ee laga furey dalka Jabuuti, aaney ahayn mid ka tarjumeysa Ujeedada loo aas aasey, balse ay tahay mid looga faa段ideyno Hogaanka Ururkaasi iyo xubno gaar ah oo Ururka NUSOJ ka tirsan.

Waxan keloo cadeyneynaa in Hogaanka Ururka NUSOJ uu marin habaabiyey ujeedada Wakaaladan, waxaana Hogaanka Ururka NUSOJ uu u isticmaaley awood, qaabkii loo xuli lahaa wariyeyaashii looga faa段ideyn lahaa oo badidoodu aan lagu wargelin furitaanka aas aaskeed iyo ka shaqeynteedaba oo ay sugayeen, wixii ka dambeeyey markii uu Jabuuti yimid mas置ul ka socda Ururka RSF, kaasoo sheegey in Wariyeyaashu ay dhamaantood ka faa段ideysan doonaan Wakaaladan cusub hawlaheeda shaqo, Ururka NUSOJ-na uu yahay mid kor kala socon doono hawsha Wakaaladan.

Waxaa markhaati ma doonto ah, in laba wariye oo ka tirsanaa Wariyeyaashii kusoo Qaxay dalka Jabuuti mooyee aaney jirin cid kale oo ka faa段ideysatey hawsha Wakaalada, waxaana dalka Soomaaliya laga keeney ilaa iyo 7 xubnood oo ka tirsan idaacadaha madaxa banaan ee ka hawlgala magaalada Muqdisho, halka wariyeyaashii joogey dalka jabuuti ee loogu talo galey in ay ka faa段ideystaana aan laga qaybgelin.

Dhamaan wariyeyaasha ku sugan dalka Jabuuti ee ka soo qaxey dalka Soomaaliya waxay ku mideysan yihiin in xaqoodii iyo xuquuqdii ay lahaayeenba uu is hor taagey Hogaanka Urur NUSOJ oo sheegta in uu u doodo dhamaan suxufiyiinya Soomaaliyeed, balse uu yahay NGO uu si gaar ah u leeyahay Xog-hayaha Ururkaas.

Waxaan u sheegeynaa dhamaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa inuusan na metelin wax la yiraahdo Ururka NUSOJ oo u dooda xuquuqda Suxufiyiinta Soomaaliyeed, balse uu yahay Urur ay ku shaqeystaan Suxufiyiin u dhaqma sida Hogaamiye Kooxeedka, waana Urur had iyo jeer is hor taaga xaqa Suxufiga Soomaaliyeed iyo waxa uu caalamku u ogolaado in uu ku caawiyo bahda saxaafada Soomaaliyeed.

Wariyeyaasha soo saarey War-saxaafadeedkan ee ku sugan dalka Jabuuti

1-Miikaahiil Rashiid Barre oo ka hawlgeli jirey Shabeele.
2-Cabdullaahi Muuse Kalgacal Radio Horn Afrik
3-C/qaadir Zubeyr Xaaji Xasan Shabeele
4-Farxaan Xareed Maxamuud Radio TFG Baydhabo
5-Maxamed Nuur Macallin Johanis TFG Baydhabo
6-Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Website Somlitalk iyo Ayaamaha News Press

Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Jabuuti
fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: