SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - Maqaal

Sanad kadib Geerida Sheekh Aadan Cayrow Maraykanka ma helay Riyadiisii uu ku taami jiray, Maxaad ka Xasuusataa Halgankii kala Duwanaa iyo taariikh Diisa Sheekh aadan Cayrow…?


Sanad kadib habeen hore oo oo ku beegan 1/5/2009-ka oo ku beegnayd isla sanadkii tagay 1/5/2008-da Habeenimo arbaco ah oo soo galayso Qamiis ayay ahayad markii ay Ciidamada Bada ee Maraykanka ahna kuwa sida Bahalnimada dadka u laaya, loona Yaqaano Mareniska ay gantaalo gaaraya ilaa 5 ku Rideen Gobolka Galgaduud gaar ahaan Caasimada Dhuusamareeb oo uu daganaa Hogaamiye Sheekh aadan Xaashi faarax Cayrow oo ay Dowladsa Maraykanka Bartilmaameed ka dhigtay 10-kii sano ee ugu Danbaysay.

Mar kaliya ayay maqleen dadka Dagan Caasimada Galgaduud iyo Mudug Daryanka Hub u Eg Gantaalo oo Dulmaraya kuwaasi oo ka soo dhacaya Bada Cas balse ay Hagayso mid ka mid ah Diyaaradaha wax Basaasa ee Maraykanka uu leeyahay oo Dul Heehaabaysay Gobolkaasi Saacadihii ugu Danbeeyay.

Waxaa la Xaqiijiyay in Geerida Marxuum Macalin aadan Xaashi faarax lagu tilmaamo in uu ahaa Qalabka Mobilka ee loo yaqaano Torayaha oo si toos ah asaga oo ku hadalaya Sheekha ay Ciidamada Cirka Maraykanka heleen kadibna ay Gantaalahaasi u soo Raaciyeen, taasi oo ay marar badan ku Dileen Siyaasiyiin iyo dad Caan ah kuwana ay ka bad baadeenb uuna ka mid ahaa Usama Bin laadin oo 2007- isku day dil ka bad baaday.

Macalinka ayaa waxa uu Guriga galay Daqiiqado ka hor Xiliga ay Duqayntu Dhaceen, asaga oo ka soo baxay sida la sheegay Shir Nabadeed uu halkaasi ka waday sida lagu yaqaano Macalinka oo ahaa nin Jecel in ay dadka Soomaaliyeed ay Nabad Helaan.

Balse Nasiib Wanaag Tiisa ayaa Gashay oo ma jiraan wax ka bad baaday Duqaynta bahalnimada ah oo ay Dowlada Maraykanka oo sheegta in ay tahay Dowlada Caalamka ugu tunka wayn ay ku Dishay 32 jir, ahna ninka ugu dada Yar sida la sheego ay Maraykanku baadi Goobi jireen 10-kii sano ee la soo dhaafay ama sida uu Daabacay mid ka mid ah Bogaga Internetka oo Qiimayn ku sameeya sanad walba Shaqsiyaadka ugu Caansan Caalamka.

Mujaahidkii waynaa ee Soomaaliyeed Macalin Aden Xaashi Ceyroow waxuu ahaa nin aad u da’ yar balse Baal Dahab ah ka galay Taariikhda Halganka iyo Gobonima Doonka Soomaliyeed ee soo taxneed tan iyo waagii Imam Axmed Ibraahim Gureey ilaa iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Waxuu la mid noqday Geesiyaashii Badnaa ee soo Halgamay sida Sheekh Xasan Barsane ee u soo Dagaalamay Xorriyadda Soomaaliya una Diiday Cadowga Soomaaliya inuu si Fudud ku hanto Ciida Sharafta iyo karaamada leh uuna alle ugu tala galay in lagu Maamulo Qowlkiisa kana dhigay Dad isku af ah isku dhaqan ah isku diin ah iyo midab ah.

Ma ahan wax fudud in laga Sheekeeyaa ama maqaal lagu soo koobo waxa uu ahaa ama Dhaqankiisa iyo U jeedada Saliimka ahayd sida la sheego ee uu ku socday Sheekh aadan Xaashi Balse aniga oo ah Qoraha Maqaalkan waxaan isku dayayaa in aan wax uun ka iftiimiyo wax qabadkii iyo hadafkii uu ku socday Aadan Cayrow.

Aadan ayaa waxa uu ahaa nin aan u da’yar balse waxa uu Caan ku ahaa sida ay uga go’antahay in Dalka Soomaaliya lagu Maamulo waxa uu allaah koonkaan keenay kii ugu danbeeyay ee Xaqa ah oo ah ku dhaqanka Shareecada islaamka.
Balse dad badan ayaa Moodaa in uu Macalinka intaas wax u Dheeraayeen, Soomaalidu waxa caado u ah in aysan is Maqlin hadana Murmaan, oo Maanta waxaa Macquul Ah Qaar badan oo Soomaali ah in ay la soo Boodayaan Maahan Qoraha Maqaalkan sida uu wax u Qoray ee waa Sidaas ama maba mudna in Saan wax la yiraah (hala yaabin Waa caado Soomaaliyeed).

Daah inagama saarna in ay Geeridu Xaq tahay balse waxaa cad in nin walbaahi uu Dhiman doono Gooray ahaataba hadana Macalin Adan waa uu u Bareeray Geerida, oo waa uu ogaa in uu yahay Aduunka maalmo balse waxa uu ku dhintay wado la yaqaan iyo sida uu ku Hamin Jiray tan iyo Markii uu Diinta Meel Fiican ka Gaaray.

Aadan waxa uu ka tagay sida la sheego ilaa Dhor Caruur ah iyo Xaasas waxa uuna ahaa shaqsi ay ka go'an tahay in uu u dhinto illaah dartiis waa uuna helay, Waxa uu ahaa Marxuumka Nin Caato ah oo dhuuban waxa uuna u dhaqmi jiray sida ay Diintu qabto ama Nafarayso, Marso 2005- ayaa waxa loo Magacaabay in uu Noqdo Taliyaha Ciidamada Maxkamada ifka Xalan waaa uuna ka soo Dhalaalay Waajibaadkiisii mana ahayn Shaqsi ku dhaqma Qabiil iyo Nin tooxsi ama nin Jeclaysi sida lagu yaqaano Madaxda Soomaaliyeed.

Waxa uu ahaa markii uu Dhimanayay Marxuumka dad diisu 32-ilaa 33-jir Waana aas Aasihii Ciidamadii Meesha ka saaray Hogaamiye kooxeedyada waxa uuna ahaa Shaqsi aan lagu tilmaami Karin qabiil Qoys iyo waliba familka uu ka soo jeeday, bal u fiirso sida ay sheegeen dadkii sida Qaaska ah ula socon jiray Xaaladihiisa ayaa Bogan waxay u cadeeyen in Staff kiisa ama ilaaladiisa uusan ku jiri Jirin Marxuumka Xataa hal nin oo ka mid ah Jufada uu ka dhashay ee Dagta Gobolka Galgaduud.

Aadan waxa uu dhashay 1976-dii waxa uuna Dugsiga Dhexe iyo Sare ku soo qaatay isla Magaalada Muqdisho asaga oo yaraatiisa yimid Muqdisho, waxa uu ka mid ahaa aas Aasayaashii kuwii la Dagaalamay isbahaysigii Sharta iyo Sheydaanka.
Macalin Aadan xilligii Yaraantiisii ama Caruurnimadiisii wuxuu ku soo qaatay Miyiga, waxaana uu kamid ahaa Caruurtii ugu yar yareyd ee Reer Xaashi Cayrow,Hadiiba isagu Uusan aheyn yaraankii ugu yaraa Reerka ,aad Buu kaga duwanaan jiray Caruurtii la dhalatay, sidaasi darteed buu isagu Howsha xanaaneynta Xashi Cayrow oo uu isagu Gacantiisa ku xanaanayn jiray sida ay Sheegeen dad la Daganaa Deegaanka uu Daganaa Marxuumka aabihiis, waxaa Naaneestaasi lahaa Aaabihiisii Xaashi Faarax, iyadoona sababtii aabaha taasi loogu yeeray ay aheyd in ay Reerkoodu ay ku sugnaayeen Goobo ama deegaan ay beel kale degto,sidaasi darteedna loogu Yeeray Xaashi Cayro.

Macalinka ayaa waxaa uu yaraantiisa Xafiday si buuxda Qur'aanka Kariimka, Caruurtu in ay barato Quraanka ama Dugsiyada la Geeyo in badan ayay Soomaalidu dhaqan u laheyd laakiin Macalinku wuxuu Caruurta kaga duwanaa isagu in uu Raadiyay Taxliiqin dheer kan caruurta Quraanka la iska baro, taasi waxaa ay ka dhigtay durbadiiba in uu kusoo baxo nin Xaafudu Quraan ah oo la qadariyo ahna Geesi aan Ganban oo wax walba Sheega Ilayn Qayrka hadaad la cabsato ama Quraanka maalinta Aaqiro ayaga ayaa ku dacweeya.

Aadan Cayrow ayaa waxa uu wax Barashadiisii Dacwada kusoo qaatay sida ay sheegeen dad u Dhuun Daloola Taariikhdiisa Masaajidkii Ceel Hindi ee ku yaallay Sayidka Hoostiisa, una Dhaxeeya Xaafadaha H/wadaag iyo Waabari, una dhaw Hotel Weheliye ama Xarunta Dam Damiska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee OTO OTO.

Balse Waxaa cad in ay sida aan soo sheegnay Geeridi Xaq tahay balse Maanta waxaa ka sii Xuman lahayn in Sheekh Cayroow ay Maraykanka iyo kuwa la mid ka ah ay u jiid jiidaan sida Geesiyaashii waawaynaa, sida Saadam Xuseen balse waa wax lagu Qanci karo Geerida bal Aqristoow Maxaad samayn lahayd hadii Adan uu gacanta u gali lahaa kufaarta loona jiid jiidi lahaa Sida Sadam Xuseen oo ahaa Geesiyaasha islaamka mid ka mid ah iyo Taariq Casiis balse waa ilaah Mahadiis Haduu u dhintay sida Saxda ah ee uu Noolo walbaa Jeclaan lahaa in uusan u Galin Gacan Cadow.

Dad badan ayaa waxay qabaa in ay tahay wax lala yaabo in kuwa isku Sheega Quwada aduunka ugu wayn ay Bacsadaan ama ay ku fanaana in ay dileen Inan aad u da’yar.

Waxa uu aaday Macalinka Aqalkii runta ahaa waxa uu ka tagay Aqalkii beenta ahaa balse waaa uu ogaa in aqalka Runta ah uu aadi doono sida uu sheegay Marar badan.

Kulu Nafsin daa’iqatul Mowd balse waxaa cad in uu Noloshiisa ugu kifaaxay sida uu ilaah Jideeyay aadan waxa uuna ahaa Shaqsi ay tabi Doonaan umada Soomaaliyed sida ay dadka Reer Falastiin u tabeen Hogaamiyahoodii Xaqa ahaa ee Yasir Carafaat????????

Macalin Aadan waxuu u Hoyday aqalkii uu intaas ku Haminayay waxuuna ku dhintay jihaad allah dartiis ah. Ka Nasiib badan maanta in badan oo ku Nool Dunidan. Ka Nasiib iyo Sharaf badan dad badan oo Taariikhda Soomaaliya baal Mugdi ah ka galay sida la wada Ogyahay Qof walbaa waxa uu dhigto Marbuu Heli abaalkeeda.

Balse Wiilkan da’da yare ee Soomaaliga ah inta wax Garadka oo wax galka u wada Riyaaqeen kana damqadeen dilka loo geeystay waxaa baal Dahab ah kaga jiraa Taariiqda Soomaaliyeed oo inta Gabar Soomaliyeed Nooshahay kii Dhashaba waa Aadan Xaashi Ceyroow, Kumanaan iyo kumanaan Hooyo Soomaali soo korin ama dhali doonto baa kaalintiisa Geli doonto Haduu alle idmo.

Allaha weyn ee kownkan abuuray baa kasbay inuu sidaas Quruxda badan ee Shahiidnimadda ah ifka uga tago Aadan Xaashi Ceyroow. Naga Nasiib iyo Karaamo badan.

Geesiga Dalkiisa Guusha u Horseeda Geerida Dishaa Geedkaa Ha go’o Geedkaad Abuurtay Macalin Xaashi waxaa ka soo go’aya Miro badan oo Mustaqbalka dhow lagu Manaafacaadsan doono adigana Xasuustaada Masaajidyo, Machadyo iyo Madrasooyin baa laguu dhisi, Magacaaga wiil iyo Gabar kasta oo Soomaali baa macalimiintu Bari, Macalinkii Wacnaayoow Adigana janatul Fardowso ayaa Galiye.

Macalin Aadan waxaa uu Shabaabka kaga duwanaa inuusan qaadan Magac Carbeed ee lagu yaqaano xubnaha kale, oo badankood loogu yeero sida Hogaanka sare iyo kuwa la mid ah oo inta badan wata Magac Carbeed oo aad Moodo in ay ku talax Tageen.

Wuxuu ahaa nin ay si weyn u doon doonayeen Dowlada Maraykanka oo ah Dowlada Caalamka ugu Awooda badan balse si Fudud ayay ku Heshay Marxuumka kadib Markii ay heleen Telka uu watay Marxuumka.

Waxaana lagu tilmaami jiray Marxuum Cayrow in uu tababar dhinaca Ciidamada ku soo qaatay dalka Afganistan xilli hore, waxaa uu ahaa nin aan looga baran in Muuqaalkiisa lagu soo bandhigo Saxaafadda Caalamka iyo kuwa Gudaha.

Allaha u Naxariistee Marxuum aadan Xaashi faarax Cayroow Halgankiisa Xaqa ahaa marna kuma uusan Dhex dari jirin mid Mabda' qabiileed ma aysan aheyn wuxuu ahaa mid Diimeed, wuxuuna aamisanaa in Dagaalkan uu socon doono ilaa Shareecada islaamka in dalka lagu xukumo ama Shafka Xabad loogu dhifto Marxuumka sida uu u sheegay Tifaftiraha laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Yusuf Garaad Cumar mar uu la Kulmau Marxuumka.

Sheekh Aadan Xaashi Cayrow waxaa uu ahaa nin si weyn u doon doonayay in uu maalin uu arko Dalka Soomaaliya oo lagu Maamulayo Diinta Islaamka sida isaga iyo Raga la mid ah qorsheysteen taasi oo Mareykanka iyo kuwa la mid ah ay u Cuntami waysay oo ay Rabeen in ay Dalka Soomaaliya ku Maaweeliyaan dib u Heshiisiin aan Macno lahayn, ayaga oo mar walba u qabta Shirar Macno daro ah oo ay ku Baxdo Malaayiin Dolar.

Mar kaliya Abaarihii 08:30 Saqdii Dhexe oo Habeenimo Qamiis ah ayaa waxa dhacay Dilka Marxuumka iyo Sheekh Muxudiin Maxamed Cumar oo ahaa Xogheyihii Caafimaadka ee golaha Midowga Maxkamadaha iyo Saraakiil halka qaar ka mid ah Ilaalada Marxuumiintaasi ay ka mid ahaayeen dadkii halkaasi ku Geeriyooday, Markaliya ayay waxay Saacad ilaa labasaac oo lagu Baahiyay Dilka iyo Duqaynta Bahalnimada, Fuleynimada iyo Doqonimada ah oo ay Dowlada Maraykanka ku qaaday Gobol Dagan oo Maamul kala daynbayn iyo amini leh.

Kadib waxaa Subixii Dadka afrika Jooga gaar ahaan inta badan Shacabka Reer Muqdisho waxay Dhagahoodu Maqleen Subaxnimadii Khamiista oo ay Idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, ah oo sheegtay in Sheekh Muxudiin Maxamuud Cumar iyo Hogaamiyihii Xarakada Shabaabka Macalin Aadan Xaashi faarax Cayrow ay Xalay Ciidamada Cirka Maraykanka ay Duqayn ugu dileen Magaalada Dhuusamareeb.

Dilkii Marxuumka kadib saacado gaaraya ilaa 72-saac ayay Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka waxay shaacisay qaabka uu u dhacay Dilka Hantida ku baxday Gantaalaha Nuucooda iyo waliba meelaha ay ku Dhaceen.

Qaabka uu u dhacay Dilka Macalin aadan Hantida ku Baxday iyo Gantaalaha

Wajiga Koowaad ayaa waxa uu ahaa -$3 Milyan oo ay bixisay laanta FBI-du ay oo iyadu mar hore dul dhigtay madaxa Aadan Ceyrow oo loogu tala galay in la siiyo qofkii soo gacan galiya ama soo fududeeya dilkiisa
Wajiga labaad wax loogu yeeray -2- wajiga labaad ayaa ahaa mid lagu sameeyay qarashka ku baxay gantaalaha lagu weeraray gurigiisa Dhuuso Mareeb ee lala helay.

Sida caadada ah ma sheegin Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka ee Petagen-ka Cida Fududeesay qaabka loo Dilay Marxuumka, balse ilo Wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa waxay sheegayaan in Marxuumka la helay Telkiisa kadibna layasarka Gantaalaha haga loo soo Raaciyay.

Halkii gantaalba : $600,000 x 4 = $2,400,000
Shirkada farsamaysay: Raytheon/McDonnell Douglas
Culayska halkii gantaal: 1440kg
Dhererka halkii gantaal: 5.56m
Dhererka baalasha uu ku duulo: 2.67M
Dhumucda gantaalka: 0.52M
Fogaanta uu socon karo: 2500 km
Xawaaraha orodka gantalka: 800km/Hour
Matoorka saaran gantaalkiiba: F107-WR-402 Turbofan
Shidaalka Matoorka: TH-dimer fuel
Qalabka haga gantaalka: GPS, TERCOM, DSMAC
Ku dhawaad 30- qof oo shacab ah ayaa ku geeriyoday Gudaamdkii ay Dowlada Maraykanka ka gaysatay marka laga Reebo bartilmaameedkeedii waxaana halkaasi ka dlaacay Cuduro aan horay loo arag oo ay ka mid tahay indhaha oo dadkii ay Beeleen, Maskaxdii oo isku yaacday, ku dhawaad ilaa 200- oo Xoolo ah oo halkaasi ku la’day iyo xanuuno kale, Goobta ay Duqaynta ka dhacday isku weer ilaa 10- KM ma ahan Goob la daganyahay ama la dagi karo sababo dhinaca Caafimaadaka ah.

Bal aan u soo Dhaa dhacno u jeedooyinkii aadan u Sameeyay Xoogaga Maxkamadaha kadibna u dhurtay Al-shabaab.

Mar kaliya ayay ku baraarugeen dadka Reer Muqdisho oo aan ahayn dad wax arka balse ah kuwa wax maqla ayada oo Xubno uu ugu Horeeyo Ganacsade Bashiir Raage Shiiraar ay bilaabeen ka Ganacsiga dadka Nool iyo kuwa dhintay gaar ahaan kuwa Culumada ah.

Dadka Reer Muqdisho ayada oo Magaca Maclinka ay wax uu ka ogyihiin ayaa hadana waxaa Magaca Sheekh aadan uu soo shaac baxaay kadib markii ay weerareen Gurigiisa Maleshiyaad ka amar qaata Hogaamiye Kooxeedyada oo rabay in ay Dhoofiyaan Nolol iyo Geeri aadan oo ay markaasi si aad ah u baadi Goobaysay Dowlada Maraykanka, ayna dul saartay lacag dhan Malaayiin Dolar qofkii soo qabta ama sheega Meesha uu ku nool yahay Macalin aadan. Guuxaasi oo jiro ayaa Habeeno kadib waxaa laga war Helay ama la sheegay Ciidamo ka amar qaato qaar ka mid ah Hogaamiye Kooxedyadii in ay weerar ku qaadeen Xili danbe oo Habeenimo ah Guriga Macalin aadan oo markaasi la sheegay in uu ka maqnaa.

Maleeshiyaadkii Weerarka gaystay Habeenkaasi waxaa u suurto gashay in ay mesha Nolol iyo Geeri uga wataan ama dhaawac iyo mayd laba ka mid ah Culumo Soomaaliyeed sida la sheegay Marti u ahaa Marxuumka Sheekh aadan.

Kadib waxa uu Maclin aadan Xaashi Sameeyay kacdoon dad weyne oo Dhinaca Ciidamada ah si ay Culumada Soomaaliyeed ay isku difaacaan oo aan loo gadan Diintooda, Madaxyadooda, Naftooda, Sharaftooda iyo Soomaalinimadooda.

Macalinka iyo mid ka mid ah Hogaamiye Kooxeedyadii oo markaasi u Dhaxeysay Tuhun gaar ah ayaa waxaa dhex Maray Dagaal fool ka fool ah balse waxaa la isku dayay in la Qaboojiyo si aysan arintu faraha uga bixin, oo aysan u Noqon mid qabiil waxa ka mid ahaa dadkii ololaha Nabadaasi waday allaha u Naxariistee Ibraahib Cumar Sabriye (Shaaweeye) oo ahaa nin Nabada aad u Jecel.

18-kii Febaraayo Markii la dhisay Isbahaysigii Argagixiso la Dirirka balse ay shacabka Soomaaliyeed ugu Magacdareen Ashahaado la diridka maxaaka dhacay Muqdisho. Mar kaliya waxaa halkaasi si shaac ah uga soo baxay Macalin aadan oo ahaa nin inta badan aragtidiisa ay ku yar tahay dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Reer Muqdisho balse ay dadku ka Dharagsanyihiin in uu yahay tababare aad u qaali ah oo wax ka yaqaan isku aadka iyo Cayaarata wacan ee Dhinaca Ciidamada ah.

waxaa dhacay Dagaal waxa uuna Dagaalkaasi noqday ama ku Dhawaaqistii isbahaysiga la Dagaalanka waxa ay ugu yeereen argagixisada uu Noqday mid hor Seeda Xurguf Colaadeed oo u Dhaxeeya Koox Culumo ah oo uu ka mid ahaa Sheekh aadan Cayrow iyo Hogaamiye Kooxeedyadii marka laga Reebo Cismaan Caato Cumar Finish iyo Xuseen Caydiid.

Saacado kadib ku Dhawaaqista isbahaysiga Sharta waxaa bilaawday Cayaartii is Reeb Reebka ahaa ee in mudo ah dadku ay wada sugayeen kaasi oo la hadal hayay in ay Cayaarta ku dhamaanayso 0-0 oo Manchester oo loo arkayay in ay yihiin Culumadii Cimaamadaha waawaynaa iyo Arsenal oo loo arkayay in ay yihiin Hogaamiye Kooxeedyadii ay ku dhamaan doonto Aaqiro Saac 0-0.

Mar Qura ayaa Dagaal faraha looga gubtay waxa uu ka dhacay Duleedka Muqdisho gaar ahaan Goobta lagu aas aasay Isbahaysigaasi, is arag koowaad oo Kooxuhu ay kala joogaan 0-0 kadib waa la isku Cayaaryahno Wacday.

Cayaaryahana ugu Culus ee la dhihi karo waa ay ka Cayaareen marka laga Reebo hal Cayaaryahan oo is araga Kooxaha ka dhacday Garoonkiisa Wayn waxaa la dhihi karaa waxay kala ahaayeen Sheekh Yusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo aan asagu inta badan ka qeyb galin kulamadii ka dhacayay Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho kuna Xisaabtamayay Cayaaryahano daaddsan Garoomo Waawayn ka bilaaw Sh.Hoose ilaa Jubbooyinka Ilaa Kismayo Balse Watay Cayaaryahano Culus iyo Maxamed Dheere oo asagu watay Cayaaryahano soo Daalay balse mar walba u Oomanaa Cayaaraha is araga ama kala Reebka.

Waxaa ololay Muqdisho waxaa ka Cay Dadkii waxay Cayaartu tagtay halkee Goorma iyo waa Meeqa lacagta Cayaarta Tigitka lagu Jaranayo.

Maxaa ka dhacay CC- Maxaa ka dhacay Dayniile- maxaa ka Dhacay Seybiyaano.
Mar kaliya ayay Hugunka Madaafiicka is qabsatay Muqdisho waxaa meesha ka baxaday halheeskii ahaa Soomaalidu habeen ma Dagaalanto waxaa bilaawday Dagaal umulo Doox ah una dhaxeeya Shacab lagu Duldagaalamayo oo Dulmanayaal ah iyo kuwa ay asiibtay Masiibadii ay Shacabkooda ka galeen, iyo kuwa Raja Raadis ah oo isku dayaya in ay Umada inta ka hartay bad baadiyaan ayna Meesha ka saaraan Dulmiga iyo Diinta lagu gafay.

Gaba Gabadii Cayaarta waxay ku soo afjarantay Manchester oo ahaa aqyaartii Cimaadamadaha waawaynaa ee Xoogaga Maxkamadaha oo ku adkaaday Cayaar Wanaag Rigooro ah kadib markii Odayaasha ay ka Dhigeen kuwa ka Carara Garoonka Cayaarta ka socotay Dhexdiisa Magansadana lug, kuwa ku baxa bada, iyo kuwa si Qarsoodi ah dalka uga baxo ay ku Dhamaatay Cayaarta.

Cayaartii Muqdisho Maxaa Xigay…

Mar Qura ayay Odayaasha oo laga dareemayo Daal iyo in Cayaaryahano kale loo soo Kireestay waxay Garoonkooda Fila Baydhabo ku qabteen shir Jaraa’id oo ay ku Muujinayaan in Juunyarkii ay la Cayaarayeen aysan ka badib balse Cayaaryahano Culus oo ka awood badan loo soo Kireestay ayna Shacabka ugu baaqayaan in ay sii aala miiteeyaan oo aysan Daalin.

Cayaaryahanada oo aad u Daalanaa ayaa waxay afka aadiyeen Goor Maqrib ah wadada Dheer oo uu in mudo ah ka Cayaarayay Cayaaryahankii Garabka siiyay kana Cayaaraha Lanbar 9-ka ee Indhacadee Balse Subaxii Danbe ayay Salaada Ciida ku Dukadeen Kismaayo Odayaashii Cimaamadaha watay kadibna Waxay Galeen Odayaasha Howdka si ay isku Difaacaan Tababar u soo qaataan.

Qaar ka mid ah Saraakiishaasi oo uu ka mid ahaa allaha u Naxariistee abuu Cutayba ayaa ku Nafwaayay Halgankaasi halka uu Macalin aadan ku soo gaaray Dhaawac Fudud.

Maxaa Xigay Cayaartii Howdka kadib, Muqdisho Maxaa Ka dhacay….

Waxaa Muqdisho dib ugu soo laabtay Abaanduulaha Ciidamada Maxkamadah islaamiga allaha u Naxariistee Sheekh aadan Cayrow waxa uu bilabay sida lagu yaqaanay Marxuumka Xaqii Halgankii iyo Abaabulkii si yac loo Yiraahdo kuwa caadaysay Gumaadka fara Xumaynta hablaha Soomaaliyeed, sida ka Dhacday iskuul KPP, waxa uu soo saaray Fatwo uu kaga hadlayo oo uu leeyahay Ma waxaan Fiirsanaa Hooyooyinkeena lagu laaynayo Cali kamiin ma waxaan Eeganaa Caruurteena oo madaafiic lagu Garaacayo ma waxaan Fiirsanaa Hablaheenii iyo aabayaasheenii oo lagu Biraynayo Cali kamiin, Sheekh maya ayuu ka yiri arintaasi sida Geesinimada leh ee lagu yaqaanay ayuu Gaashaanka ugu Daruuray Seeftana Gasha ayuu kala Baxay .

Mar kaliya 3-maalin iyo Sagaal maalin ayaa waxaa dhacay Muqdisho gaar ahaan agagaarka Wadada Dheer ee Warshadaha, Isbartiibada, ilaa soona Calikamiin iyo Wardhiigleey Cayaaro aad u Culusaa oo laga Dareemayay in uu Macalinka lahaa isku aadka Kooxaha kadib Dagaalo aad u Qaraar oo Cayaaryahanadii Gurmadka soo sameeyay ay soo Dhaafiwayeen Goolkoodii oo ahaa Madaxtooyo oo ay isku dayeen Weraro halka Rogaalin Celintu ay Badnaayeen ku dhawaad 3-Xera Jiirna ay sameyeen kadib waxaa Cayaarta soo fara galiyay Dowlada Maraykanka gaar ahaan Ciidamadeda Cirka oo u arkay in Cayaarta ay dhaaftay 94-kii daqiiqo laguna Daray Saacad Dheeri ah Xataa Rigooradii la kala dhalin waayay.

Habeen Saqdhexe iyo Subaxii Hore ee Waabariga ayaa Diyaaradaha Maraykanka ee wax Bam Gareeya waxay Duqayn u gasteen Jiida Hore ee Xoogaga wax iska Caabinta, kadib talo ayaa ku cadaatay Odayaashii Cimaamadaha watay waxay Doorbideen in ay iska tagaan oo ay yiraahdaan xalaal Caleeg Cayaar waa galin danbe, Garoonkana waxay ka baxeen ayaga oo maaliyadooda wata oo aan is dhiibin.

Tababaraha Kooxda Sheekh aadan oo aad moodo in Kooxdiisa ay wadato badis ilaa 2-jeer ah, ayaa waxa uu afka aadiyay Gobolka uu ka soo Jeedo sida uu u sii Kubeesnaa meel ma ku sii hakan waxa uu tagay Gobolka uu ka soo jeedo ee Galgaduud gaar ahaan Caasimada Dhuusamareeb oo uu tabararaha Kooxda uu in badan Moogaa kuna Dhashay.

Balse sidaas ay tahay Markii uu tagay Gobolkaasi Odayka ma uusan daynin Halgankiisii Xaqa ahaa ee uu waday waxa uuna ahaa Hogaamiyaha Ciidamada ee markaasi la Dagaalamayay TFG-da iyo Xulufadii la socotay, ee sida arxandarada ah Gumaadka uga Gaysatay Muqdisho, Baydhabo iyo Hiiraan .

GABAY LOO TIRIYEY AADAN CAYROW Markii uu Dhintay

NABADGALYO KORKAADA HA AHAATO MUJAAHID CEYROWNABADGALYO KORKAADA HA AHAATO IYO WALAALIHII IIMAANKA KAAGA HORMARAY IYO SHARFAT SALAAN NAGA GAARSII CULAMADII, MACALIMIINTII, MUJAAHIDIINTII, GEESIYAASHii, . ALLE WAXAAN KA RAJAYNAA IN UU IDINLA KULMIYO MADAXII SHUHADADA XAMZA BIN C/MUDHALIB IYO ASXAABTII LAGU LAAYAY JIDKA ALLE AYAGA OO KU DAGAALAMAYO AMA LOO GOWRACAY IN AY KALIMADA ALLE SARE NOQOTO DHIIGOODA LOO DAADIYAY SIDA CUMAR BIN KHADAAB, CUSMAAN BIN CAFAAN, CALI BIN ABII DAALIB, SACIID BIN JUBEYRISTOWDACKALLAH YAA CEYROW ALLAHA AYSAN DAYACMIN WADAAICDIISA !!

CEYROW WAXA ALLE AGTIISA YAALO AYAA KHEYR BADAN OO BAAQI NOQONAYO WAAD KU FAA,IIDAY GANACSIGAADII WAXAAD LA TAGTAY FAA,IIDOOYIN BADAN WAXAAD QAADATAY MIISAAN AAD U CULUS WAXAAD KA BADBAADAY DULIGA AAN KU NOOLNAHAY WAXAAD KA BADBAADAY IN AAD ARAGATO MAANTA WAXII KA DANBEEYO MUSLIM LA CABSIINAYO DULINIMO, IN AAD ARAGATO GAAL KIBRAY OO QOOQAY OO MADAX NOQDAY, IN AAD ARAGATO MUSLIM DHULKIISII QARIIB KU AH DULINIMO KU JIRO.

SAFAR KHEYR LEH XIDIGII NOO SOO BAXAY MUJAAHIDKII SUGNAAY GEESIGII LA LOODIN KARI WAAYAY
SAFAR KHEYR LER DAARTII LA JECLAA, BEERTII SAALIXIINTA,GURYIHII BAARIYAASHA, XAAFADIHII AKHYAARTA.

SAFAR KHEYR LEH SI AAD MARKHAATI UGA NOQOTO ALLE AGTIISA UMADDAAN SI KASTE OO LOO DULEYSTO, LOOBAABI’IYO, LOO GOO GOOYO, LOO GOWRACO,LOO GUBO, IN AY KA SUULAYNIN IN AY KU JIRAAN KOOX U TAAGAN BADBAADINTA UMADDA HOOYOOYINKA IN UURKOODA AY KU QAADAYAAN RAG KU GARAACO XABADDA HALKII LOOGU TALAGALAY XAQANA U CELIYO CIDDII ISKA LAHAYD EE LAGA QAATAY, BIYAHA MARINKOODA MAR LABAAD KU SOO CELIYO.

GEESIGII I DAAFICAYOOW, GURIGAYGA KII ILAALIYOOW, GARABKAYGA KII AHAAYOOW, GURMAD KII II FIDIYOOW, GUMEYSIGA KII II DIIDAYOOW, GAYIGA AAN KU NOOLAHAY GOBANIMO KII IIGU HORKACAYOOW, GANTAALADA GARBAHA LAGA RIDO KII GAAALKA KU GARAACAYOOW, SAFAR KHEYR LEH IYO SHAHAADAAADA OO LA AQBALO AYAAN KU WEYDIINAYAA ALLE U NAXARIIS BADAN ADOOMIHIISA JANOOYINKA SAR SARE AYAAN JALIILKA KAAGA BARYAA
.
CEYROOW HADDII XAGA ALLE U SAFRAY UMADDAN DHAMAAANSHO LOOMA QORIN MIRAHII UMADDA DHULKA AYAY KU DUUGAN YIHIIN ILAA ALLE UGA SOO DEJIYO ROOB OO AY SOO DHASHAAN CALEEMO BIXIYAAN MIRO SOO SAARAAAN.

UMADDA NABI MUXMED SALAAHU CALAYHI WASLAM DHIMAN MAYSO WALIGEED WAA UMADDI LAGU KHATIMAY UMADAHA, WAAKUWII BALANTII ALLE QAADAY, WAA UMAD WANAAGA DADKA AMRAYSO XUMAANTANA REEBEYSO.
UMADDAN DHIMAN MAYSO WALIGEED WAA TII LOO BALAN QAADAY KHALAAFADA DHULKA,LOO DIYAARIYAY HOGAAMINTA BINIAADMAKA, LOO DOORTAY HAGAAJINTA INSAANKA, LAAKIIN WAXAY DULINIM,O HOOG, BALAAYO IYO LACNAD KU DHACDAY BUUSH, MELEZ IYO INTII DABA SOCOTO DADKII ANBIYADII LAAYAY CADAWGA ALLE IYO CADAWGA INSAANKA.

CEYROW ISHAADA HA QABOWSATO , SEEXO SI RAAXO LEH XAQII LAGUGU LAHAA WAAD GUDATAY QOORTAADANA WAAD XUREYSAY DIINTIINA WAAD U GARGAARTAY, UMADDA MADAXEEDA KOR AYAAD U SOO QAADAY, WAXAAD BARTAY IN GAALKA LA ISKA CELIN KARO IN GAALKA YAHAY QOF INSAAN AH OO LA DILI KARO, LANA DHAAWICI KARO, LA QABSAN KARO, QORIGA UU HAYSTO GAALKA LAGU DILI KARO, WAXAA KAA DANBEEYO WIILAL AAD BARTAY SIDA MASAAJIDA LOO BUUXIYO QUR’AANKA AAD XIFDISIISAY, WIILAL AAD BARTAY SIDA GAALKA LOO ARGAGAXIYO SIDA HURDADA LOOGU DIIDO BUUSH IYO MELEZ. CEYROOW WAA KU DABA JOOGAAN NOO SABAR INTA WAAGA KA SOO DILAACAYO (WAAGA DILAACIISA MIYUU SAN DHAWEYN !!!)

Waxaa Gabaygaani Tiriyay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka Damqaday Dilkii Sheekha Xuquuqda Gabaygana asaga ayay gaar u tahay oo maleh Qoraha Maqaalka ama Boga Dayniile...

F:G: Fadlan Qoraalkan kuma weerarayo Shaqsi kumana taageerayo Urur iyo Koox Balse waa mid aan ku Cabirayay Halgankii uu soo galay Macalin aadan.

Waxaa Qoray: oo soo Uruuriyay Taariikhdan : 
Cabdixakiin Cilmi Xasan (Iidle)
Cabdixakiin44@hotmail.com ama Cabdixakiin2008@gmail.com
Tel-0025-21-5582055

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 02, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: