SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Labo Nin Oo Dhaliyaro Ah Oo Mid Kamid ahi Yahay Ganacsade Oo Khamiistii Lagu Diley Gudaha Suuqa Bakaaraha

Dilal kala gooni gooni ah ayaa Khamiistii ka dhacay gudaha suuqa bakaaraha kuwaasoo ay gaysteen dabley hubaysan oo aan haybtooda la garan islamrkaana ka dhacay labo goobood oo ka tirsan suuqa bakaaraha .

Dilalkan oo loo gaystay labo nin oo dhalin yaro ah ayaa mid kamid ah waxaa lagu diley agagaarka qaybta suuqa timirta ee gudaha bakaaraha iyadoo ay goob joogayaal xiliga dilku dhacayeyna ka ag dhowaa halkaasi ay saxaafada u xaqiijiyeen in dhowr nin oo madaxa soo duubtay ay rasaas kala beegsadeen madaxa islamrkaana ay ka baxsadeen halkaasi iyadoon la ogayn halka ay aadeen .

Sidoo kale marxuumka kale ayaa waxaa isna lagu diley agagaarka suuqa khudaarta taasoo sida la sheegay ay dileen sadex nin oo ku hubaysanaa baastoolado oo madaxa rasaas kala beegsaday iyadoo kadibna ay halkaasi ka baxsadeen ,mana cada inay dilalka maanta ka dhacay gudaha suuqa bakaaraha ay wada xidhiidhaan iyo in kale waloow warar hoosaadyo laga heleyo dad magacooda qariyey ay sheegayaan inay labada nin ee la diley ay ka tirsanaayeen ururka al-shabaab .

Dhinaca kale ma jiraan cid ka hadashay dilalkan qorsheysan ee ka dhacay maanta magaalada muqdisho gaar ahaan suuqa bakaaraha mana cada ilaa iyo iminka sababta dhabta ah ee ka dambaysa dilalkan lagu diley wiilasha dhalinyarada ah oo la sheegay inuu mid kamid ahaa ganacsade ka meherado ku leh suuqa bakaaraha .


yaasiin maxamed faytin
yaasiinfaytin@hotmail.com
Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: