SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Dowlada Kenya Oo Soo Dhawaysay Siidaynta 5 Xubnood Oo Gedo Looga Haystay( Daawo Sawirada 5ta Nin)

Masuuliyiin gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya u mata dowlada dalkaasi oo ay kamid yihiin xildhibaano ayaa si weyn u soo dhaweeyay shan qof oo u dhashay wadankaasi Kenya , kuwaasoo maalinimadii sabtidii lagu wareejiyay saraakiisha reer Kenya.


Nin ka mid ah shantii nin ee la sii daayay

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Xasan oo loo yaqaano Colow oo la hadlayay warfidiyeenada ayaa tilmaamay in arrintaasi ay tahay guul weyn oo u soo hoyaatay dadka reer Kenya maadama shantaasi sarkaal oo u shaqaynayay wasaarada tacliinta Kenya si nabad ah ay qoysaskooda ula midoobeen.

Xildhibaanka ayaa waxa uu u bogaadiyay cid kastaa oo ka qeybqaadatay sii daynta xubnahaasi , waxaana uu arrintaasi uu ku sheegay inay tahay mid ay si heersare ah u soo dhawaynayaan.

Xubnahan oo magacyadoodu ay kala yihiin Charles Nyakundi, Mosses Mwangi, Abdullahi Mathey, Abdulkadir Mohamed Iyo Binyanya Onchiri ayaa lagu wareejiyay xaflad ballaaran oo ay ka soo qeybgaleen xildhibaan Cabdirahmaan Cali Xasan oo laga soo doorto magaalada wajeer, Dan Messis oo ah guddoomiye k/xogeenka Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya , waaxaha socdaalka iyo sirdoonka Kenya , halka dhinaca soomaaliya ay matalyeen gudoomiye k/xigeenka xarakada Alshabaab Ee Gedo, Guddoomiyaha deg Baledxawo Axmed Burkuus, Nabadoon Xaadle iyo rag kale oo aad u farabadan.


Sawirka Ganjeelka ku yaal xuduudda


Dad tuban ganjeelka oo soo dhawaynayey ragga la siidaayey




saddexda nin ee fadhda waa ragii la siidaayay qaar kamid ah

Xildhibaan Cabdiramaan Cali Xasan oo katirsan baarlamaanka kenya oo goob joog ka ahaa munaasabada lagu siidaynayay ragaasi.


gudoomiye ku xigeenka gobolka waqooyi bari ee kenya (Den Mesis).

Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS