SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

INJ. Saalax Xaashi Carab Cilmibaare ku hawalan dhaqanka iyo Sugaanta Soomaaliyeed oo ka hadalay Buug uu qoray.

waxaa u suurta gasahay weriyayaal kulan xog Wareysi ah kula qaatay injeneer saalax xaashi carab oo ah qoraa ku hawalan Cilmi baaris la xiriirta dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed waxna ka qoro isagoo diiradda saara inuu bulshada u iftiimyo Sooyaalka qarniyadii tegay si ay xog uga helaan jiilka soo koraya, Sidoo kale qoraagu waxuu ku qaadaa dhigaa buugtiisa inta badan Soomaaliya sida halgankii gobanimadoonka.

Saalax marka aan kula kulanay gurigiisa oo ku yaal Xaafda bals Raanbow ee magaalada Jabuuti waxaa hor yaalaay Kunbutar iyo bugaag uu qoray oo aad u tiri badnaa waxauuna xiliagasi ku jiray shaqo mashquulisay dareenkiisa, Saalax sida uu ii sheegay waxuu ku dhashay magaalada Ceerigaabo ee goblka Sanaag 1955tii waxa uuna waxbarshadiisa hoose iyo sare ku qaatay caasimadii Soomaaliya ka dibna waxuu koorso u aaday dalka rushka ku saabasan akedimyada ciidmada bada markuu dib ugu soo laabtay dalkana waxuu ka hawal bilaabay ciidankii bada somaaliya isgaoo kaalin lama ilaawaan ah ka qaatay tababarkii ciidmada isagoo turjumay buugaag cilmiga bada ku saabsanaa oo afsoomaali ka dhigay taasi oo ay aad uga faaiisteen ciidamadii bada Soomaaliya.

Intaasi ka dib saalax waxuu bilaabay shaqada cilmi baarista 1996 isagoo ka bilaabay inuu keydiyo fikrado kala duwan falsafado is diidan taariikh raad raac badan ku sameeyey siduu u soo bandhigi lahaa sooyaal taariikheed ee mug weyn leh. Saalax hada ka hor waxuu soo saaray qaamus afsmali ah oo ka kooban 40kun oo eray kaasi oo wax la taaban karo ku soo biiriyey afkii soomaaliga waxaan Daabacad ku tabarucay Madaxweynha Dalka jamhuuriyda Djibouti oo inta badan ku hawlan inuu daba qabto korna u qaado qoraalada wax tarka u leh bulshada Somaaliyeed.

Saalax waxa uu hada soo afmeeray shan buug oo ku soo kordhin doona bulshaad ku hadasha afka soomaaliga aqoon dheraad ah oo ay ka helaan macluumaad qotto dheer leh.
Waxaan ka mid ah buugtaasi:-

1 Qarantaab waa buug ka kooban suugaan kala jaad ah oo uu ku hawlanaa mudo shan sano ah.
2 Daraasada Saafida Eray Soomaaliaga oo ah buug ka hadlaaya xeeraraka sarifaya Af soomaaliga.
3 Araweelo waa Buug Riwaayadna ah oo qoruhu kaga sheekeeynayo Boqoradii araweelo oo ka talin jirtay dhulkii uduga ama Puntland dhowr kun oo sano ka hor.
4 Siraha Jacaylka oo ah buug ka hadalaya duruufha aduunka iyo dadka wax gumeeysat iyo kuwa la gumeeysto jaceylkoda
5 Wanqalkii Nabsiga oo ah buug ama Riwaayad kus alysan nabsiga harka labdiisa gelin ah.

Dhamaan buugtaani oo kolkii aan la joogay u hor safnaa ayuu Saalax sheegy in ay soo bixi doonaan oo bulshada Soomaaliyeed qof walba meesha u joogo ka iibsan doono koobi.
Waxuuna si gaar ah mahad balaaran aan la soo koobi karain ugu mahad celiyey Madaxweynaha Dalka Jamhuriyda Djibuti Mudane Ismaciil Cumar Geele oo gacan ka gaysaty daabacaada buugtaan waxtarka u leh bulshaad Soomaaliyeed.

Si kasata ha ahaatee waxaa aad Ii soo jiitay mudadii aan dhex jibaaxayey qoraalada iyo tuducyada Maanso ee ku sergo,naa buugaatasi aaya waxaa I galay dareen ah in aan ka kororsaday erayo Somaali ah oo horay daah iiga saranaa.

Hadii aad rabato in aad al xirirto Saalax Tel 00253871311 

Puntland Solidarity Center 
 abdirzk@gmail.com 

Djibuuti
Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS