Allow Ur u Bixi !!
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Soomaaliya 18-sano ayay ku jirtay dagaalo aan dhamaad lahayn, taasina waxay sababtay in dad fara badna ku dhintaan, kuwo badanna ay ku barakacaan, kuwo kalana ay badda ku dhamaadaan, waxaana maqaalkeena maanta ku falanqeyn doonnaa waxyaabaha ay ku kala duwan yihiin, Hogaamiye kooxeed iyo Hogaamiye Diimeed.
Haddaan soo qaadano Hogaamiye Kooxeed mudo fog ayuu dagaal ka horinayay gudaha dalka, xaqiiqdii dad ayaa maanta waxay taagan yihiin Hogaamiye kooxeed ayaa noo fiicnaa, waayo Hogaamiye kooxeedka waxa uu ilaalin jiray dantiisa iyo danta beeshiisa, halka hogaamiye Diimeedka ay dadku tilmaameen in uu yahay mid aan dantiisa ilaashan midda beeshiisana aan ka warhaynin.
Hogaamiye kooxeed marka Maslaxo loogu tago gaar ahaan Odoyaasha ama Haweenka markiiba taladooda ayuu qaadan jiray, halka Hogaamiye diimeedka haddii odoyaal iyo waxgarad kale u tagaan uu ka dhego fureysanayo, tusaale maalin dhaweed ayaa koox waxay damacday in ay hoobiye ka tuurto xaafad dhexdeeda, waxaa ku soo baxay dadkii deegaanka, waxayna ka codsadeen in hoobiyaha ay ka dhaafaan maadaama dadka ay waxyeelo ka so gaari karto, arrintaasi way ka dhego fureysteen, mid ka mid ah kooxdii Hoobiyaha tuureysay ayaa yiri “Booskaa shanaad Aabbahay ayaa degan umana sheegin in aan halkaan hoobiye ka tuuro, marka sideen idinkaga aqbalayaa in aan joojiyo aniga oo xitaa Aabbahay ka qariyay”, dadkii xaafadda inta ay yaabeen ayuu qoys waliba carruurtiisii halkii kala cararay, waxaana xaafaddii lagu soo tuuray dhowr Hoobiye oo jawaab celin dad badan ayaa ku dhintay kuwo kalana way ku dhaawacmeen.
Hogaamiye kooxeed hadduu dagaalamo, waxaa dagaalkaas soo kala dhex geli jiray Odoyaal labada dhinac ka socda, waxayna hogaamiye kooxeed markiiba u hogaansami jireen awaamiirta ka imaaneysa odayaasha, iyagoo joojin jiray dagaalka. Waxaana xasuustaa in dagaal u dhexeeyey labo hogaamiye kooxeed ay soo kala dhexgaleen Haween kuwaas oo ku hanjabay in ay Maryaha dhigan doonaan haddii aan dagaalka la joojin, waxayna hogaamiye kooxeedkii markaa dirirtu u dhexeysay ku qasbanaadeen in ay dagaalkii joojiyaan. Maantase haddii koox dumar ahi isku dayaan in ay dhex galaan dagaal ay ku lug leeyihiin Hogaamiye Diimeed waxaa hubaal ah in iyaga Dumarka ah daalac loo raacan lahaa oo lagu amri lahaa in ay guryahooda si deg deg ah ugu laabtaan.
Hogaamiye kooxeedka marka uu dagaal galo, waxaa inta badan caado u ah in la iska tuuro hub aan loo meel dayin, oo aan dan iyo heelo laga lahayn halka uu ku dhacayo, kaas oo xasuuq u gaystay dad fara badan, sidaasi si lamid ah dagaalada ay ku lug yeesheen Hogaamiye Diimeedyadu waxaan cidna ka qarsooneyn in iyana ay hubka u isticmaalaan si aan loo meel dayin, oo la mid ah sidii Hogaamiye Kooxeedka, marka lagu wargeliyo in hubkii ay tureen ay ku baaba’een dad rayid ah, waxa ay ku jawaabayaan “Dadka iyaga ayaaba nasiib leh oo shahiiday”.
Waxaa kale oo xusid mudan oo dadka intiisa badan ay la yaaban yihiin in ciidanka Hogaamiye diimeedka ay wajiyadda dabooshaan marka ay jidadka marayaan, halka kuwii hogaamiye kooxeeyada aysan waxba qarsan jirin. Haweenay ayaa laga hayaa inay tiri “Maxay kuwani iska qarinayaan, oo ma dadkay ka baqanayaan, miyeysan Alle ka cabsaneyn”.
Nin dhallinyaro ah ayaa markiisa hadlaya waxa una yiri “Waagii hogaamiye kooxeedka waxaana heli jirnay xooggaa dhaadhac ah (Lacag) oo aan isaga nooleyn, maxaa yeelay nimankaa wixii soo gaara dadka kalana waxbaa ka gaari jiray, laakiin kooxahaan Diimeedka waxaanba la yaabanahay halka ay geeyaan qarashka soo gala, maxaa yeelay waxba kama aragno, oo markii ay yimaadaan waxaaba na soo foodsaaray sicir barar daran, marka lacagta ma dhunjiyaan, wallee anigu ma garanayo”.
Nin Odey ah oo ra’yigiisa dhiibanaya ayaa isna yiri “Waagii hogaamiye kooxeedka, haddaan gurigayga ka baxo, waxaana soo heli jiray ama aan la kulmi jiray meel ay ka jirto Sab, halkaas oo aan ka quraacan jiray, kadibna meel kale ayaan heli jiray oo iyana aanka Qadayn jiray ilaa iyo cashada waxaa laga yaabaa in aan sidaas wax ku cuni jiray, waxaana gurigayga ku laaban jiray aniga oo dheregsan, balse hadda arrintaa way dhamaatay oo meel ay Sab ka jirto indhaba ma saareydid, marka xiligaan Hogaamiye Diimeedka, ma aqaano wax aan ku sifeyn karo”.
Culimada Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo dhinacooda loo laaban jiray marka ay dhibaato dhacdo oo tixgelin la siin jiray, hadda ka hor waxaa dhacday in koox dhallinyaro ah ay soo dhaceen Geel, markii ay Geelii la dhaqaaqeen ayaa waxaa soo daba galay nin odey ah, kooxdii soo dhacday Geela markay gadaal fiiriyaanba waxay arkaan ninkii odeyga ahaa oo daba socda, waxay is daba socdaanba mid ka mid ah kooxdii geela soo dhacday ayaa waxa uu ku yiri saaxiibkii, “Waryaa ninkaan odeyga ah muxuu noo daba socdaa”, waxa uuna ku jawaabay “Wallaahi ma garanayo”, waxaana mid kale lagu amray in uu soo dilo odeyga daba socda, markii uu odeygii arkay in lagu soo jeestay ayuu dib u cararay, wax la is caraysadaba waxaa odeygii ka dhacay Kutub, waxaana ka istaagay ninkii dhallinyarada, waxa uuna dib ugu soo laabtay kooxdiisii, waxaa la weydiiyey in uu ninkii soo dilay iyo in kale, wuxuuna sheegay in uusan soo dilin, waxaana la weydiiyay sababta, wuxuu ku jawaabay “Ninku waxa uu ahaa nin Culimo ah”, waxaana markiiba loo yeeray ninkii culimadda ahaa, waayo geela la soo dhacay ayuu qayb ku lahaa, waxaana loo soocay qaybtiisii laguna yiri “Adeer nabadgelyo”.
Ujeedadda sheekada waxay tahay nimankii Acraabiga ahaa ama Jaahilka ahaa ayaa sidaan u u xushmeyn jiray culima’udiinka, maanta oo aan diinta meel wanaagsan ka gaarnay, maxay tahay sababta aan u xushmeyn la’ nahay culima’udiinkeena. Guntii iyo gebagabadii, waxay hadda ka hor Caro-Weelo isku daba xirtay Awr dhowr ah, mid walbana waxay ku rartay dhowr tanag oo dhagax ka buuxo, waxaana halkaa ka dhashay dhawaaq buuq ah oo keenay in isku qasmaan oo ay tanagtii iska daba-wareegtaan oo ay qayladii badato, waxayna taasi keentay in Caro-Weelo u adkeysan weysey dhawaaqii foosha xumaa ee halkaa ka socday iyo siday awrtu isku daba-xirneed ee ay isaga daba wareegayeen, waxayna ku catowday “Alloow ur u bixi”. Marka culima’udiinka Soomaliyeedow wadankaan adinkaa isku xiray tin iyo cirib, waxaana la idinkaga fadhiyaa inaad ur u bixisaan
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Al-Bashiir Meel Dayo, Carabi Waa Lo’ kisiye
Akhri
Faafin: SomaliTalk.com | March 31, 2009