Gabar Somaaliyeed oo La'ildaran Xanuun ka haya Lugta Bidix oo Caawimaad Ay
soo Gaar siyeen Walaalaheed Somaaliyeed.
Deeqdan lacageed ayaa maanta waxaa la gudoonsiiyay Sacdiyo Cabdi Nuur oo ah
gabar Soomaaliyeed islamarkaasna kusugan Haatan Wadanka Kenya Gaar ahaan
Magaalada Nairobi, Gabadhaan oo aad looga hayo lugta Bidix Mudo Lix Sano ah
Isbitaalo badan oo dalka Gudihiisa ahna la geeyey wax badana looga qaban waayey
sidoo kale Dawo Ahaan loo geeyey Isbitaal Ku yaala Wadanka Ethopia Gaar ahaan
Adis-Ababa oo isna aana Wax ba looga qaban waayey Gabadhaan Somaaliyeed ayaa
ubaahan Caawimaad Xoogan oo ay ka hesho Guud ahaa Walaalaheeda Islaamka ah Gaar
ahaan Umada Somaaliyeed ee Awoodi kara in ay Caawiyaan Gabadhaan Dhibaataysan.
Gabadhaan oo Horay ugu sugnayd Magaalada Kismaanyo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa
Caafimaad dartiis loo keenay Wadanka Kenya Ayada oo ay Gabadhaan Hada kusugan
Tahay Nairobi, Gabadhaan ayaa Maanta oo ay Taariihkdu tahay 26 bisha March 2009
waxaa deeq Lacageed oo dhan $ 1555 soo gaarsiiyey Masjidka Weyn ee Towfiiq
Islamic Center oo ku yaala wadanka Norwey Caasimada Oslo iyo Jaaliyada
Somaaliyeed Ee Reer Oslo., Deeq daan lacageed oo Gabdhaan Dhibaataysan ay ku
faraxday ayaa waxaa ugu soo tabarucay Masjidkaas Weyn iyo Jaaliyada Somaaliyeed
ee Reer Oslo Kadib markii ay si Muslinimo uga danqadeen Dhibaatada aan la dhayal
san karin ee haysata Gabadhaas Somaaliyed.
Sacdiyo Cabdi Nuur oo ah Gabadha Dhibaataysan ee Caawimaada ubaahan ayaa la il
daran Xanuun Xoogleh oo ka haya Lugta Bidix, Gabadhaan ayaa guud ahaan Islaamka
iyo Somaalida uga baahan Caawimaad si ay wax ugaga qabato Xaalkeeda Caafimaad
daro ee haya.

Hadaba Walaalayaal Qofkii donayo inoo Dar Alle ucaawiyo Sacdiyo Cabdi nuur
hakala xariiro.
Telefonka Numberkiisu yahay 00 254 716 255 842 oo laga heli karo Sharmaake
C/nuur Cali oo Ah Wiilka Gabadha lasocda.
Sidoo kale Waxaad kala soo xariiri kartaa Telka Numberkiisu yahay 00 252 155 954
05 oo laga heli karo Walaalkeed Sadiiq C/nuur Cali oo kusugan
Somaaliya,Kismaayo.
Email: sharmaake053@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 27, 2009
|