SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WERDIGA AROORTII IYO FIIDKII IYO FADLIGIISA 


Sabriye Macallin Muuse 
sabkaxaaji@hotmail.com
 
Minnesota United States  

WERDIGA MAALINLAHA

TIRADA

FADLIGIISA

Aayatul Kursi

 

Waqtiga jiifka iyo Salaad kasta oo farad ah keddib

Malag baa qofka ilaalinaya, Shaydaankuna waa uu ka cararaa

Labada aayadood ee ugu dambeeya suuradda Al-Baqarah

Hurdada kahor ama Maghribka keddib

Shar oo dhan bay qofka ka kaafiyaan, Shaydaankana saddex habeen bay eryaan

Qul-huwal-Laah, BirabbilFalaq iyo Birabbin-Naas

 

Saddex jeer aroortii, saddex  jeer fiidkii, hurdada kahor iyo Salaad kasta oo farad ah keddib

Shar oo dhan bay qofka ka kaafiyaan, sidoo kale sharta Jinniga iyo isha dadka ayay ka qabtaan

Laa xowla walaa quwata illaa bil-Laah                                          

Tiro goan ma laha

Waa keyd keydadka Jannada kamid ah, waxayna daawo u tahay 99 cudur oo ay Murugadu ugu yartahay

Bismil-Laahil- Ladii laa yadurru maca ismihi sheyun fil-Ardi walaa fis-Samaai wahwas-Samiicul-Caliim                        

Saddex jeer aroortii iyo saddex jeer fiidkii

Dhib kasta ayay qofka ka ilaalisaa, Balaayo kedis ahina kuma dhacdo, isagoo akhrinayana balo kuma dhacdo

Acuudu bikalimaatil-Laahit-Taammaati min sharri maa khalaq                                         

Fiidkii saddex jeer iyo markuu gole cusub dego

Dibqallooca suntiisa ayay u roontahay, goleyaasha iyo guryahana waxay ka ilaalisaa bahal kasta oo wax dhiba

Xasbiyal-Laahu laa Ilaaha illaa huwa calayhi tawakkaltu wahuwa Rabbul-Carshil-Cadiim                                   

Toddoba jeer aroortii iyo toddoba jeer fiidkii

Waxay qofka ka kaafisaa murugada Adduunyada iyo ta Aakhiro

Laa Ilaaha illal-Laahu waxdahu laa shariika lahu lahul-Mulku walahul-Xamdu yuxyii wa yumiitu wahuwa xayyun laa  yamuutu biyadihil-kheyru wahuwa calaa kulli sheyin qadiir                                              

Toban jeer aroortii iyo toban jeer fiidkii ama boqol jeer maalintii ama kolka suuq la gelayo

Waa xirsi xir weyn. Boqol ajar baa qofkii akhriya loo qoraa boqol dembina waa laga tiraa. Kolka uu suuqa gelayo hadduu qofku akhriyo waxa loo qoraa milyan ajar waxana laga tiraa milyan dembi, Jannadana guri baa looga dhisaa


Sabriye Macallin Muuse

sabkaxaaji@hotmail.com

Minnesota United States  

 



DIINTA ISLAAMKA IYO ANSHAXA GUUD EE BULSHADA    Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad | 4aad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

NEWSMAQAALLADA KALE KA AKHRI HALKAN...GUJI....

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS