SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
20 March 2009.




Dagaalo lagu jabiyey ciidamada cadowga itoobiya

Dhibaatoyin gumaysigu ugaystay dad rayid ah

G/ururka dhalinyarada ogadenia OYL oo waraysi siiyay idaacad Germany laga leeyahay

Baaq iyo Digniin uu gudoomiyaha jwxo kasoo saaray shirqoolada gumaysiga.

Dareen Farxadeed oo laga muujiyey cududa iyo awooda ciidanka jwxo.

Barnaamijkii Aragtida Halgamaaga(Shirqoolada Gumaysiga iyo kii ugu dambeeyey).

======================

Dagaalo lagu jabiyey ciidamada cadowga itoobiya



12/03/09 Degmada Dhuxun oo gobalka Nogob katirsan ayay CWXO weerar mir ah ku qaadeen ciidamada gumaysiga ee halkaas ku sugan waxayna u gaysteen jab laxaad leh , ilaa haddana lama oga Khasaaraha dhabta ah ee Gaadhay ciidamada Cadowga Itoobiya.

13/03/09 Goora-Dhuubo oo Nogob ka tirsan weerar qorshaysan oo ay fuliyeen cutub katirsan komaandooska JWXO ayaa lagu dilay 3 ka tirsan ciidanka TPLF waxaana laga Dhaawacay 4 kale.

16/03/09 Ceela-obo oo ka tirsan gobolka Nogob waxaa lagaga dilay ciimada cadawga Itoobiya 3 woyaane , waxaana laga dhaawacay 4 kale , Intaas kadib Waxay ciidankii gumaysiga Itoobiya ee laga taag roonaaday ku gaydhadeen Dadkii Shicibka ahaa ee aan waxba galabsan, waxayna sidii caadada u ahayd Xasuuqeen Dad aad u badan oo ay kamid yihiin:
Axmed Nuur Xuseen

Cabdi Nuur Mustafe


Axmed Maxamed Xassan

Maxamuud Xassan C/llahi


Sidoo kale waxay ciidamada naflacaariga ahi Dhaawac Xun ugaysteen Sheekh Maxamed Been-dhutiye

17//0/09 Degmooyinka Sagag iyo Garbo dhaxdooda ayuu dagaal adag ku dhex maray CXO oo raacdaynayay ciidanka boobka kucaanbaxay ee TPLF ilaa haddase faah-faahin rasmiya lagama hayo .

Kadib ayay ciidamada gumaysiga Ethiopia eeWax-yeelaynta Shicibka kucaan baxay waxay gaysteen jawrfal fara badan oo ay kafuliyeen qayba kala duwan oo ogadenia katirsan waxayna u kaladhaceen sidatan

21/02/09 Feedha-cad oo katirsan Nogob waxaa lagu dilay Nin rayid ah oo la odhan jiray,alla ha unaxariistee Cabdi Xuseen Badal

5/03/09 Anaane oo katirsan Nogob waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku dileen nin shacab ah oo la odhan jiray alla ha unaxariistee Maxmed Axmed .

28/02/09 Mal-qaqa oo katirsan Baabili waxay ciidanka gumaysigu si naxariis daro ah ugu dileen dad shacaba oo an waxba galabsan waxaana magacyadooda helay

1- C/llahi Rashiid C/llaahi
2-Cabdi Adan Daahir

04/03/09 Degmada Garbo oo ka tirsan gobolka Nogob waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku xidh-xidheen dad fara badan oo aan waxba galabsan oo uu kamid yahay Oday Jira 80 Sano oo la yidhaa Cataab Colaad ,waxaa iyana meel ay geeyeen aan lahayn dad fara badan oo ay kamid yihiin Sanwayne Hasan C/laahi &Mohamed Cashir Abdiqani.

7/03/09 Shaygoosh oo ka tirsan gobolka Qorahay waxay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku xidheen dad fara badan oo rayad ah waxaanse magac yadooda helay Nuur Sheekh Cabdi

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee ka howlgala Magaalada Garigo,an ayaa kusoo rogay shacabka magaaladaas iyo nawaaxigeeda dagan gibir lagaga qaadayo Dhammaan Ciddii Ku Soo aroorta ceelka Garigo,an waxaana Lagu Amray in Ay bixiyaan Mar walba oo ay Biyo Rabaan 2 Neef oo adhiya Bishan Tobankeedii Ilaa Hadda ayay socotaa qaadista gibirkaasi, waxaa Qasab ku Noqotay shacabkii in ay Bixiyaan Si ay Biyo u helaan waxaase Jira Qoysas aan Haysanin Adhi ay Bixiyaan waxaana Taas Badalkeedii Lagu xukumay Lacag u dhiganta ama wax kale oo ay ku Cabbaan,
taas oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in dadku ay gaajo & oon ubaaba, aan

Sidoo kale ayada oo ay Qayb ka tahay Hawl-galka Isku Dirka iyo Qaybinta Bulshad ayaa waxay Amar Ku Siiyaan Maleeshiyad Daba-Qoodhiga ah in ay Dilaan Dadka Rayidka ah Kadibna ay Dadka ku Dhahaan Iska Celiya Reer Hebel baa idinka Dilay Ruuxiinii iyo Wax lamida

Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada ogadenia Mujaahid Sh. ibraahin iyo Madaxa machad Dimoqradiyada iyo cadaalada ee fadhigiisuu yahay UK oo waraysi siiyay idaacad Germeny laga leeyahay

Maalintii Isniinta ahayd ee bishu kubeegnayd 16-03-09 ayaa waxaa ay idaacad dalka jarmalka laga leeyahay waraysatay G/urur dhalinyarada ogadenia ee Ogaden Youth League OYL Mudane Mujaahid Sh Ibrahim iyo Madaxa machadka dimoqraadiyada iyo horumarinta Mcheal mike dhamaanba masuuliintan ayaa shiihska saaray qadiyada ogadenia iyadoo uu mujaahid kashanqadhiyay in xoriyadii ogadenia muuqato waxaana tusaale u ah ayuu yiri qabsashada ay CWXO qabsanayaan qaybo kamid ogadenia anana waxaan wadaynaa halgankanaga dibada kasocda ayuu yiri G/OYL

Maamulka Punt-land oo ka biya diiday magaca midnima qaran ee DKM somalia


Shir aan caadi ahayn oo uu maanta yeeshay xukuumada Puntland, uuna guddoomiyey Ku xigeenka M/weyne C/samad Cali Shire, ayaa lagu gorfeeyey dhawr qodob oo uu udub-dhexaad u ahaa mawqifka Puntland ee nidaanka federaaliga ah, dastuurka cusub ee Puntland, iyo hirgelinta nidaamka talo-wadaaga ah ee axsaabta ku salaysan.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan hay'ada Interpeace ee ka kaalmaysa mamaulada Puntland iyo Somliland hirgleinta nidaamka talo-wadaaga ah ee ku salaysan axsaabta siyaasadeed.

Nidaamka talo-wadaaga ah:

Xukuumada ayaa sidoo kale gorfayn kadib go'aamisay hirgelinta:
- Xuquuqda bulsheed,
- Xuquuqda siyaasadeed,
- Nidaam dhaqaale,
- Nidaam siyaasi oo ku salaysan hay'adaha dawliga ah, iyo ku dhaqanka shuruucda DG-ka.

Qorshahan ayaa hor u dhac u ah ballan qaad uu hore u sameeyey hoggaanka cusub ee Puntland oo ah in uu hirgelin doono nidaam talo-wadaag ah oo ku salaysan axsaab siyaasadeed iyo hay'ado dawli ah oo u taagan daryeelka nololeed iyo ilaalinta xuquuqda muwaadinta.

Nidaamka federaalka ah:
Xukuumada Puntland ay go'aamisay in:
- Puntland ay qayb ka tahay nidaamka federaalka ah ee Somaliya, ayna ayidsan tahay dastuurka dawlada ee federaaliga ah, iyo
- Puntland aanay aqabali doonin dawlad Somaliyed oo ku dhisan habka midnimada qaran 'Unitary government'.

Tani waxaa ay jawaab u tahay warar in dhawaale ka dhex socday xiwaarka siyaasadeed ee Somalida oo muran ka taagan yahay magaca iyo nidaamka dawliga ah ee dawlada Somaliya.

Waxaa jira dad badan oo aaminsan in dawladu ay tahay mid midnimo qaran oo bedeshay tii federaalka ahayd, halka ay jiraan kuwa kale oo qaba in dawladu ay tahay dawladii federaalka ahayd oo mudada loo siyaadiyey, dastuurka iyo nidaamka dawliga ahina uu yahay federaali.

M/weyne Shariif, wakiilka QM u qaabilsan Somaliya, mudanayaasha baarlamaanka ee hore uga tirsanaa Isbahaysiga ayaa ugu horeeya inta aaminsan in dawladu ay tahay mid midnimo qaran, ayna bedashay tii federaalka ahayd.

Badi mudanayaashii hore ee baarlamaanka ee dawlada federaalka ah ayaa iyagu qaba in dawladu ay tahay mid federaal ah, dastuurkuna uu sidaa dhigayo.

20 March 2009

Halgan Guuleed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha 31 MB iyo 41 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Habeenada Talaadada & Sabtida 20:00PM – 20:30 waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS