SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiirka warfaafinta dowlada Midnimad qaran Farxaan Cali Maxamuud oo shirjaraid ku shegay shaqadii laga eryey taliyihii ciidamada Nabadsuga qaranka somaliyeed Maxamed warsame darwiish iyada oo loo magacaabay janaraal Maxamed Sheekh Xasan iyo qodobo kale

Shirkii golaha wasiirada oo manta laga soo saaray xilka ka qaadid .xil magacaabid iyo mabnuucid dhul la sharciyey wixii ka danbeeyey 1991dii oo laga soo qaday wax kama jiraan ,

Wasiirka warfafinta ee dowlada Midnimad qaran Farxaan Cali Maxamuud Shirka manta ay yeesheen golaha wasiirada ayaa laga soo saray qodobo muhim ah waxaana shir gudoominayey sidii cadada aheyd raiisal wasaraha xukuumada Midnimada qaran Cumar Cabdirashiid Cali Sharma.arke iyada oo ay soo xaadireen 21 xubnood

Ugu horeyntii waxaa warbixin dheer laga dhageystay gudiga amniga qaranka somaliyeed oo ay ka mid ka ahaayeen mas.uuliyiinta laga ah wasiirka arimaha gudaha Cabduqaadir Cali Cumar Wasiirka amniga Cumar Xaashi Adan . iyo Wasiirka cadaalada Cabdiraxman Maxamuud Faarax (janaqow ) .


Warbixinta ka dib wasiirka arimaha amniga Cumar Xaashi Adana ayaa soo jeediyey oo golaha soo hordhigay in xilka laga xayuubiyo taliyihii ciidanka nabad sugida golohu wuxuu si aqlabiyad ah ku ansixiyey xilka qaadista janaraal Maxamed Warsame Darwish oo ayaa taliyihii ciidanka nabad sugida qaranka iyada oo isla goobtaa goluhu ku ansixiyey in xilkaa loo magacaabo Janaraal Maxamed Shiiq Xasan laga bilaabo manta .


Xilka qaadistaa iyo xil magacaabistaa ayuu ahaa ujeedada ugu weyneyd ee shirka goluhu isugu yimid manta


Qodobka 2aad ee goloha qwasiradu isla qaadaa dhigeen wuxuu ahaa mid ku saabsan badweynta somaliyeed oo ah bada ugu xeebta dheer Africa bada labaad waxaana ka jiray xeebta dalka somaliya xasarado badan haday ahaa laheyd burcad badeeda , shashinka lagu shubo ,maraakiibta la siiyo sharciyada kaluumeysiga , dadka doonyaha laga daadiyo ee tahriibk ah iyo iyada oo kheyradkii bada si aan sharciga waafaqsaneyn loo guranayo waxaana jiray in lagu marmarsiinyoodo burcad badeed iyada oo la guranayo khyeraadkii dahanaa ee dalka uu lahaa .

Xeebta somaliyeed ayaa waxaa la dhacay danibyo waweyn oo xaga bini aadannimad ah caalamkuna wuxuu u heystaa xeebta ugu qatarsan badweynta hindiya iyada oo walwalweyn laga muujinayo marida iyo badeeco kala gudbida biyaha caalamiga ah ee ku adan xeebta somalilyeed .

Bada somaliyeed ayaa lagu tilmaayaa in ay tahay bad dahan oo ay ka buxaan kheyraadka dabiiciga ah sida badroolka macdano aan la soo koobi Karin iyo noocyada kala duwan ee kaluunka


Wasiirrka wasaarada warfaafinta ee dowlada Midnimada qaran ayaa sheegay in golaha wasiradu manta isla qaatay in qaramada midoobey la hor dhigo codsi cusub oo ay in lahaanshaha qolfood badeeda biyaha somaliya loo cusbooneysiiyo dowlad amidnimad aqaran ee haatan dalka ka jirto isaga oo shegay in ay dowladu rajeyneyso in ay gacanta ku dhigto talada dalka oo dhan si ay uga ilaaliso cadowga gudaha iyo kan dibada arintas oo ahmiyad agooni ah uu goluhu siiyey manta


Qodobka 3 aad sadaxaad ayaa ahaa warbixino lag dhageystay wasaarada humanitarian howlaha gargaarka biniadanimada golaha wasirada ayaa talooyin badan halkaa isku dhaafsaday

Qodobka 4 aad waxaa golaha wasiiradu si toos ah u diiday oo ay isla go.aansadeen wax dhisasho dhul ah .dhul la cabirto .calaamadeyn dhul .dhulka gobolka banadir meelkasta oo ka mid ah diidmada manta dhulka laga soo saray ayaa lagu tilmaamay wixii ka danbeeyey dowladii qaran ee dhacday 1991dii wixii ka danbeyey dhulkii la bixiyey waa shrci daro iyo waxkama jiraan shircigaan wuxuu saameyn ku leeyahay dhamaan umada somaliyeed ku wajahan meel kasta oo ay joogtaaba gaar ahaan gobolka banadir .

Dhulkii qaranka xoolihii dadweynaha goobihii banaanaa ee ay laheyd dowladu istilaaladii garoomadi cayarahah .jardiinooyinkii dhulkii danta guud waxaa la boobey wixii ka danbeysay dowladii dhacday waana la diiday in ay sharci yihiin waxaasi

Wasiirka warfaafinta wuxuu shegay in arintaan ay thaay go,aan cad oo ay qaateen golaha wasiirada iyo gudiga amniga qaranka oo la isku racay waxaana soo bixi doono wareegto iyo shrciyo kale oo lagu cadeynayo wasaana soo sari donto wasarada arimaha gudaha

Qodobkaan ayaa waxaa ahmiyadiisu tahay in aan cidina aqbalin aan la dhisi Karin. Lana
ii bin Karin dhul qaranku leeyahay .dhula dowlada iyo meelaha danta guud ah dhamaan golahau waa diideeyn in laka iibsado oo lala kala wareego iyo dhismihiisaba

wasiirka ayaa waxaa uu baaq u direy arinta ku saabsan dhamaan umada somaliyeed gar ahaa kuwa dega gobolka banadir

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Bakaaro Somalia
00252-1-5576666
00252-50-907666

Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS