SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Alshabaab oo Baardheere Ka Soo Saaray Go'aano Hubka La Xiriira

Sharcigan oo xakameynaya in Hubka lagu dhex heysto gudaha magaalada ayaa waxaa soo saaray xoogaga alshabaab ee ka arimiya magaalada Baardheere.

Go’aankan oo ay ku baaqeen xili ay dadweynaha kula hadlayeen Fagaare ku yaala gudaha Degmada Baardheere ayaa waxaa saraakiisha alshabaab ay sheegeen in cidii lagu arko iyadoo heysata hubsharci daro ah ay kala waregayaan una aqoonsanayaan sida ay sheegeen Hubka cadowga .

Saakay ayaa waxaa lagu arkayay Saldhiga Police-ka Ee magaaalada Baardheere Kooxo dadweyane ah oo sita Hubkooda kuwaas oo doonaya in loo sharciyeeyo .

Ayadoo amarkaasi uu haatan u muuqdo mid fulay ayaa hadana waxaajira in dadka qaar ay shaki ka muujinayaan Hubaruurintaasi ay ku baaqeen xoogaga alshabaab.

Sarkaal u hadlay xoogaga alshabaab ayaa waxaa uu uga digay dadka deegaanka in ay hubkooda ku heystaan Guryaha taasi oo uu sheegay in ay ka dhigan tahay in hubkaasi uu noqonayo mid ahaan sharciyeeysneyn oo aan sharciga waafaqsaneyn.

Amuurtan ayaa ka dambeysay kadib markii Ururdiimedka Ahlusuna waljameeca ay dagaal kula galeen xarakada alshabaab gudaha magaalada Baardheere taasi oo ka tagtay Dhaawaca 5Qof oo ka tirsan Alshabaab ayadoo mid ka mid ah ciidamadoodana goobtaasi lagu dilay .

Sidookale amuurtan ayaa waxay imaneysaa tuhun balaaran oo alshabaab ka soo galay hubkii lagula dagaalamay in laga soo dhexqaaday gudaha magaalada baardheere taasina ay keentay in ay mamnuucaan gebi ahaanba Hubka lagu dhexqaato gudaha magaalada .

Waa markii ugu horeysay oo ay Xoogaga Alshabaab kusoo rogaan Go’aano Ceynkan oo kale ah Gudaha magaalada Baardheere.

Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS