SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Beesha Reer Xaaji Suleymaan oo taageero weyn u Muujisey Dowladda Shiikh Shariif ...

Shiikh Cabduqaadir Cali Cumar “Beesha Reer Xaaji Suleymaan waxay Dagaal ku jirtey Muddo Soddon Sanno ah waxay u Dagaalameysey Maanta wey heshey”

Waxaa Hotelka Dhexe ee Magaalada Muqdisho kulan isgu yimid Siyaasiyiinta , Waxgaradka, Odoyaasha,Aqoonyahanada , Dhalinyarada iyo Haweenka Beesha Reer Xaaji Suleymaan ee Habargidir waxaana kulankaas soo qabanqaabiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Shiikh Cabduqaaadir Cali Cumar wuxuuna kulankaas uu ahaa Mid Beesha ay ku taageereysey Dowladdda Midnimada Qaran, waxaana ugu horyentii ka hadlay nabadoon Shire Jimcaale oo sheegay in beeshu ay diyaar u tahay in taageere hiil iyo hooba la garab taagnaato dowladda uu madaxda u yahay Madaxweyne Sheekh Shariif,

waxaa kale oo ka hadlay nabadoon Max’ed Cabdulle Furre oo sheegay in uu mudo ku maqnaa Qurbaha uuna ku soo arkay waxyeebo la yaab leh, waxa uuna tusaale u soo qaadatay dalka Ingiriiska “Waxaa xakuma Haweenay da’deedu Boqol kor u dhaaftay iyada ayaana wixii talo ah looga dambeeyaa, waagii ay Yurub qaadaneysay lacagta Euro-ga haweynaydaas way diiday in la qaato lacagta Euro-ga, waxayna sheegtay in lacagta Ingiriiska ay noqoneyso Pound taladaas ay Haweenaydaas oo jeedisay waagaas dowladda Ingiriiska way ku faa’iiday, dowladihii qaatay lacagtaas oo ay ugu horeeyaan Talyaaniga, maanta dalkooda waxaa ka taagan dhaqaale xumo, waxayna goyn kari waayeen lacagtii Euro-ga ahayd, qaarkood waxay soo jiidiyeen in dib loogu laabto lacagtii Liiraha ahayd, marka way idiin muuqan kartaa sida ay u wanaagsan tahay in la kala dambeeyo, marka waxaan dhihi lahaa Sheekh Shariif aan ka dambeyno oo aan taladiisa qaadano”, waxaa sidoo kale ka hadlay Nabadoon Cali Cabdi oo isna yiri “Sheekh Shariif isaga oo aan waxba ahayn ayaan taageernay maanta isaga oo Madaxweyne ah qaab aan ku diidno meesha maba taalo”,

waxaa isna ka hadlay Madaxweynaha maamul gobaleedka Ximan iyo Xeeb Max’ed Cabdullaahi waxa uuna soo gaarsiiya Fariimo ay u soo dhiibeen dadka degan deegaanka Ximan iyo Xeeb, waxayna sheegeen in ay dowladda uga fadhiyaan in ay waxa ay u baahan yihiin ay deg deg ah uga helaan iyaguna ay taageero la garab taagan yihiin, waxaa kale oo uu sheegay in gobolkii ay ka taagan tahay colaad oo ay qarka u saran tahay arrintu in dhibaato ka dilaaco, sidaa darteed waxay Odoyaasha deegaanka talo ku soo jeediyeen in arrintaa deg deg loo kala dhex galo, waxaa kale oo ka hadlay Xildhibaan Cali Calas Qaaray oo isna sheegay in Beeshu ay mudo sodon sano soo dagaalameysay maantana wixii ay u dagaalamaysay ay hayso beeshu sidaa darteedna uu u soo jeedinayo beesha in ay garab istaagto dowladda midnimadda qaran. Waxaa kale oo ka hadlay Daahir Cabdullaahi Kediye oo ku hadlayay magaca jaaliyadda beesha reer Xaaji Suleymaan ee dibadda waxa uuna sheegay in Jaaliyadda beesha reer Xaaji Suleymaan ee Dibadda ay diyaar u yihiin in ay gacan siiyaan Dowladda Midnimadda Qaran, sidoo kale waxa uu sheegay in ay gacan ka gaysan doonaan wixii dhibaatooyin ah ee ka jira deegaanada Beeshu ay ka soo jeedo.

Dadkii halkaa ka hadlay waxaa ka mid ahaa Sacdiyo Max’ed oo ku hadlaysay magaca Haweenka Beesha Xaaji Suleymaan, waxayna sheegtay in deegaanadii ay deganayd beeshu ay ka barakaceen, taas oo ay ugu wacneed in ay garab istaageen halgankii loogu jiray in dalka laga saaro Caddowgii ku soo duulay, maanta waxay sheegtay in uu Caddowgii baxay wixii ay u baahnaayeena ay gacanta ku hayaan, loona baahan yahay in Dowladda Midnimadda Qaran la garab istaago.


Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Sheekh Cabdu-Qaadir Cali Cumar oo isagu u mahadceliyay intii ka soo qaybgashay kulankaasi, waxa uuna sheegay in beeshu ay mudo dagaal ku jirtay maanta laga doonayo in ay bulshada Soomaaliyeed u horseedo nabad, sidoo kale waxa uu sheegay in wixii baahi ah oo ay uga baahdaan dhanka Dowladda uu gaarsiin doono, balse beesha looga fadhiyo in ay taageeradooda ka dhigaan mid ficil ah, ha noqoto mid ciidan, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS