SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Degmada Baardheere Ee Gobolka Gedo Oo Shalay Galinkii Dambe Ay Dagaalo Ka Dhaceen Oo Saaka Degan.

Xaaladda degmada Baardheere ee gobolka Gedo oo shalay galab ay dagaalo ku dexmareen ciidamada Al Shabaab iyo Kuwa kale oo taabacsan Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa saaka ah mid degan inkastoo ay sii kordhayaan tirada khasaaraha dagaalkii shalay ka dhacay degmada Baardheere.

Nin u hadlay Ururka Al Shabaab ayaa qiray in nin kamid askartooda uu ku dhintay dagaalka,kaasoo u nafwaayay dhaawac halis ah oo soo gaaray.

Taliyaha saldhiga Baardheere ee Alshabaab Abuu Shureyn oo aan la xiriiray ayaa sheegay in ay la waregeen goobihii lagu dagaalamay iyagoo dhinaca kalena sheegay in ay qaadeen amar deg deg ah oo fiidnimadii xalay ay ku soo rogeen Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Goobaha Ganacsiga ,suuqyada, iyo isku socodka dadka ayaa caadi ku soo laabtay kuwaas oo u xirmay dagaalkii u dhaxeeyay Al Shabaab iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa uu dhaawacyo ka soo gaaray dad badan 8 ruuux oo ay kamid yihiin haween gar ahaan haweenay uur lahayd oo xabadi ay haleeshay xiliga uu dagaalku qarxay.

Qaar ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa loo qaaday dhinaca degmada Diinsoor ee goboka Baay halkaasoo lagu daawaynayo.

Amaanka iyo nabad galyada degmada Baardheere ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay aheeyd mid uu muran xoogan ka taagnaa taasoo ka dhalatay Culumada Ahlu Sunna Waljamaaca oo xiligaasi ku adkeysanaysay in ay xusayaan munaasabadda dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH halka Xoogaga Ururka Al Shabaab ay iyana diidanaayeen iyagoo marar badana amar ka soo saaray in munaasabad nuucaano oo kale ah lagu qabto Masaajidada iyo gobaha kale ee magaalada Baardheere.

Si kastaaba ha ahatee odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa haatan waxaa ay ku howlanyihiin sidii loo qaboojin lahaa dagaalada ka soo cusboonaaday Magaaladaa,iyagoo baaq u jeediyay dhinacyada halkaasi ku dagaalamay.

Shaqaaqooyinkan ayaa ku soo beegmaya xili Inta badan dalka Somalia laga xusay dhalshada nababigeena waxa uuna dagalkani noqonayaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca goob munaasabadasi lagu qabanayay inata la ogsoonayahay,

Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS