SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kulan balaaran oo looga hadlayay amaanka Puntland ayaa dhacay Xarunta dawladda hoose ee Magaalada Boosaaso .

Kulankaan waxaa ka soo qeybgalay wasiiro ka tirsan dawladda Puntland waxaana ka mid ahaa Wasiirka amniga ee puntland general cabdulaahi siciid samatar wasiirka arimaha gudaha iyo dawladaha hoose general cabdulaahi axmed jaamac iljakiir

Gudiga amaanka ee gobalka Bari, Odayaasha dhaqanka & Haweenka,gudoomiyayaasha xaafadaha bosaso. waxaana si aad ah loo falanqeeyay falal amaan daro ah oo ka dhacay Magaalada Boosaaso & dhacdooyinkii ufay iyi qardho.

Wasiirka amniga cabdulaahi siciid samatar ayaa kulankaas ka sheegay in ciidamada amaanka ee Magaalada bosaso ay diyaar u yihiin wax kaqabashada maanka isla markaana ay heegan ku jiraan laakiin looga baahanyahay shacabka reer bosaso inay ciidamada amaanka la shaqaeeyaan dhamaan dadweynaha kudhaqan deegaanada puntland in qof walibaa xil ka saaran amaanka.

sidoo kale waxaa kulankaas ka hadlay wasiirka arimaha gudaha iyo dawladaha hoose general cabdulaahi axmed jaamac wuxuuna war bixin ka bixiyey dagaal dhexmaray laba beelood oo isku degaan ah oo dhowaan ku dagaalamay agagaarka ufayn wuxuu sheegay in wasaarada arimaha gudaha iyo odayaal dhqameedyo ay dedaal dheeraad u galeen xalinteeda wuxuuna sheegay inay gebi ahaanba xaliyeen arintaas sidoo la xaliyey xasaradii dhowaan ka qaraxday magaalada qardho.

Isla intii uu socday kulankaas gudiga amniga gobolka bari waxay halkaas uga dhawaaqeen go,aamo lagu xoojinayo amaanka gobolka bari waxaana goaamadaasi ku

wajahnaayeen ariamaha ladagaalanka iyo dabargoynta tahriibta,

hubka sharci darada loogu dhex wato magaalooyinka oo la xaaraantimeeyey marka laga reebo ciidamada amaanka ,filmaanta anshi xumida oo gebi ahaanba la mamnuucay waxaana loogu baaqay ciidamada booliiska inay soo xiraan dhamaan goobaha lagu daawado habeen iyo maalinba,

waxaa sidoo kale la mamnuucay keenista iyo ka ganacsiga dirayska ciidamada. gudiga amniga waxay sidoo kale ku baaqeen in la kordhiyo rugaha ciidamada ee xaafadaha magaalada bosaso.

kulankan ayaa ahaa kulankii ugu balaarnaa ee dhianac amaanka looga hadlay tan iyo intii ay xukunka la wareegtay xukuumada cusub waxaana soo dedejiyay qaraxii magaalada ka dhacay .

Go,aamada aya soo saareen gudiga amniga ayaa u muuqan kara mid wax weyn ka tari kara amaanka gobolka hadii la dhaqangeliyo.

Qarax ka dhacay Boosaaso

Abaarihii 7:45 ee caawa (March 10, 2009) ayaa goob kantarool oo ay joogaan ciidamada amaanka ee magaalada bosaso waxaa ka dhacay qarax aan dhibaato ah gaysan.

ciidamada amaanka ayaa qaraxan caawa u qabtay laba nin oo watay baabuur dhaynaha loo yaqaano labada nin ayay ciidamadu ka qabteen isla goobta qaraxu ka dhacay warar qaarna waxay sheegayaan

saraakiisha booliiska magaalada bosaso ayaa qarax caawa bosaso ku tilmaamay mid aan waxba ahayn isla markaana aanuu gaarin kii dhowaan ka dhacay magaaladan bosaso waxayna ku tilmaameen mid la doonayo in lagu khalkhalgeliyo shacabka magaalada bosaso .

Goobtan caawa qaraxu dhacay ayaa ah wadada dheer ee aada airportga magaalaad bosaso isla markaan ah goob kantarool oo ciidamad amaanku jogaan inta badan .

shacabka bosaso ayaa labadan qarax ee isku xigxigay waxay ku noqdeen wax la yaab leh maadaama aanay qaraxyo ka dhaca magaalada bosaso ahayn wax horay looga baratay

cabdirisaaq xasan cabdi
cabdirisaaqjuba@hotmail.com
Bosaso- somalia

Faafin: SomaliTalk.com | March 11, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS