SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mamulka Islaamiga Ee Gedo Oo Baaq Deg Deg U Jeediyay Hay’addaha Samafalka

Maamulka islaamiga ee gobolka G/Gedo ayaa hay’adaha samafalka ugu baaqay in ay gargaar deg deg ah gaarsiiyaan dad ay saameeyeen abaaro ku dhuftay gobolka.

Sheekh Bare Maxamed Faarax Barre Qooje oo ka mid ah masuuliyiinta xoogaga islaamiga ah ee gacanta ku haya gobolada Gedo oo u waramayay warfidiyenada ayaa sheegay in safaro ay ku soo mareen goobo iyo tuulooyin ay abaaraha ka jiraan ay ku soo arkeen xaalad adag oo haysata dadka iyo duunyada gaar ahaan dhinaca biyaha iyo baadka.

Shiikha ayaa waxaa uu intaasi ku daray in tuulooyin badan ay dadkii deganaa isaga huleeleen haraad dartiis , dadka ku harayna ay iminka la liitaan nafaqo daro ,waxaana uu hay’adaaha samafalka uu ugu baaqay in ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi.

Dhanka kale sheikh bare oo aan wax ka weydiinay kulan ay hay’adaha samafalka caalimiga ah iyo kuwa maxaliga ah ay kula qaateen magaalada Garbahaaray ee xarunta G/Gedo ayaa waxaa uu ka warbixiyay qodobadii ay kaga hadleen mudadii uu kulankaasi soconayay.

“ waxan uga hadalnay sidii kaalmo loo siin lahaa dad liita ee ay abaartu ku dhufatay iyo damaanad qaadida amniga shaqaalahooda”.

Kulankan ay wada qaateen hay’ada samafalka iyo masuuliyiinta maamulka islaamiga ee gobolada gedo ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili kumanaan dadka ah oo ku dhaqan gobolkani ay halakaysay abaar ba’an islamarkaana barakacisay kuwa kale.

Maxamed Gaarane Aadan
+2525 (0) 996132
+2521 5598706
+254 (0) 722687097
gaarane68@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 6, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS