SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Beec aan ka noqosho laheyn lama saxi karo

1da Febraayo 2009, Dowladda Federaalka KMG Soomaliya ee Mbagathi (DFKS-M) oo lagu barxay Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaliya Garabka Jabuuti (IDXS-J) waxay u xuubsiibatay Dowladda Federaalka KMG Midnimada Qaranka ee Jabuuti (DFKMQ-J) magacaaso loogu tala galay marin habaabin. Muddada xukunka DFKMQ-J waa 32 bilood inkastoo ay si kordhisan karto madaama la bartay marmarsiyaha la jiifiyaana bannaan.

Afar fadeexo ayaa dilay ama sharci darro ka dhigay DFKMQ-J. Kow, sida ku cad qodobka 32 lambarrada (1,4) ee Axdiga KMG, muddada Barlamaanka Federaalka KMG Mbagathi waxay tahay 5 sano oo ku eg September 2009. Axdigu wuxuu si cad uga reebay awoodaha Barlamaanka inuu isu kordhiyo muddada ama ansixiyo Barlamaan ka dambeya oo aan ku imaan doorasho. Sidaa darted, ma jirto awood Barlamaan KMG ah u leeyahay inuu isu kordhiyo 2 sano, Isla markaana ansixiyo Barlamaan KMG ah ee cusub oo ka kooban 550 xildhibaan. Labo, ku shubashada doorashada Madaxweynaha kaddib markii IDXS-J la yiri soo qorta 200 xildhibaan oo idiin codeysa. Saddex, Barlamaan qabyo ah oo doortay Madaxweyne. 75 xildhiban oo u dhiganta 14 % xubnaha barlamaanka ayaan la magacaabin ama Beesha Caalamka diiday inay ka qayb galaan Barlamaanka cusub iyo Doorashada Madaxweynaha ee DFKMQ-J sababo lala xiriirinayo mu’aamarad. Afar, Laalushidda Guddoomiyaha Barlamaanka Mbagathi oo loo ballan qaaday in loo dhaafayo jagadiisa si uu Barlamaankii hore uga soo raro Baydhabo una keeno Jabuuti. Fadeexadahaas waxay galayaan taarikhda siyaasadda Soomaliya, waana tusaale iyo dhaqan raadreebkiisu aad u xun yahay.

Jaahwareerka haysta Shacabka Bartamaha iyo Koofurta Soomaliya waxaa ka mid ah hoggaammada isbarbar socda oo qaarkood Beesha Caalamka sharci ka dhigeyso, qaar kalena ay xaraantimeyneyso. Hoggaammada ka madaxbannaan DFKMQ-J ee ka jira dalka gudihiisa waxaa ka mid ah Golaha Culumada Islaamka Soomaliyeed, Midowga Maxaakimta Islaamka, Ururka Isbaheysiga Dib U Xoreynta Soomaliya Garabka Asmara (IDXS-A), Ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Ururka Al Shabab, Xisbul Islaam iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Hawiye. Dhammaan waxay u taagan yihiin hogaan diined iyo mid siyaasadeed. Sidaa darted, saansaanka mustaqbalka Dowladda cusub waa guuldarro ku habsatay dadka ku tabaaloobay halganka Dib u Xoreynta Soomaliya.

Dowladda DFKMQ-J ma ahan dowlad qarameed iyo mid gobolled toona. Waa haykal magac u yaal ah oo xoogag kala duwan u adeegsanayaan ujeedooyin kala duwan. Xaqiiqadu waxay u dhowdahay in ujeedooyinka ka dambeeyay dhismaha Dowladdu cusub aysan ka mid aheyn dhismo xukun Shacbigu raalli ka yahay, dib u heshiisin iyo dib u dhiska dalka Soomaliyeed. Murtidu waxay ku soo urureysaa in beec aan ka noqosho laheyn dhexmaray 2 Sharif iyo Axmed Ould Cabdalla, Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM, lamana saxi karo. Labadii garab oo ka soo kala go’ay kooxdii ay ka kala tirsanaayeen- DFKS-M-Nur Cadde iyo IDXS-2Sharif, waxaa dariishadda laga saaray garabkii DFKS-M-Nuur Cadde markii la isku ballan furay. Sidaa darted, DFKMQ-J kama koobna labo dhinac oo nabad ku heshiiyay ee waa dhinac xukun looga qaaday dhinac la gartay in shaqada laga fariisiyo sababo la og yahay iyo kuwo dahsoon.

Doorashada Madaxweynaha kaddib, Jagada Ra’iisul Wasaaraha waxaa la siiyay sarkaal ka tirsanaa dhinicii DFKS-M ee ka soo horjeeday ama qaadacay wada hadalladii Jabuuti ee u dhexeyay DFKS-M-Nur Cadde iyo IDXS-J-2Sharif. Jagooyinka muhiimka ah ee IDXS-J xulatay waxaa ka mid ah 2 Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeen, Wasaaradaha Maaliyadda iyo Lacagta, Gaashaandhigga, Amniga, Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Garsoorka, Arrimaha Gudaha[1], Kallumeysiga iyo Kheyraadka Badda, Arrimaha Qoyska iyo Haweenka, Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka, Hiddaha & Tacliinta Sare. Jagada Wasiirka Arrimaha Dibedda waxaa la siiyay xubin aan ka tirsaneyn dhinacyadii wada hadalku dhexmaray. Xulashada Wasirrada waxaa lagu saleyay hellanaan (loyalty), abaalmarin, raalli gelin, iyo is gaashanbuureysi. Inta badan Wasaaradaha iyo aqoonta, waayo-aragnimada Wasiirrada loo magacaabay aad ayey u kala fog yihiin marka laga reebo dhowr Wasaaradood. Dareenka guud ee dhismaha Dowladda cusub dhaliyay sida ka muuqata farshaxanka Amin Caamir wuxuu yahay kaaf iyo kala dheeri, musuqmaasuq iyo fowdo aafa ku ah Shacabka.

Dhismaha Golaha Wasiirada wuxuu daaha ka qaaday loolanka siyaasadeed ee socda. Waxaa Golaha Wasiirrada laga fogeeyay xubnaha Midowga Maxaakiimta Islaamka (MMI). Guddoomiyaha kooxka la baxday Barlamaanka Xorta ee IDXS-J, ahna Wasiirka cusub ee Maaliyadda oo inta badan aragti iyo siyaasad ahaanba ku dhow aragtida iyo siyaasadaha Madaxweyne Cabdullahi Yusuf Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi waxay xurguf kala dhexeysay Kooxda Maxaakiimta Islaamka oo Sheikh Sharif Sh Axmed Madaxda ka ahaa. Madaama Sh Sharif Sh Axmed ku qancay inay dantu ugu jirto inuu ka fogaado Kooxdii Maxaakiimta Islaamka oo lagu tilmaamay xag jir marka laga reebo asaga, Wasiirka Cusub Maaliyadda Sharif Xasan Sh Aadan wuxuu helay fursad uu ku fogeeyo Xubnaha Midowga Maxaakimta Islaamka, kuna soo dhoweysto, kuna abaalmariyo kaalkaaliyayaashiisa. Tirada xubnaha ka socda Maxkamadaha Islaamiga ah oo dowladda cusub ku jira kama badna 4 qofood oo xul gaar ah. Ka fogeynta MMI Golaha Dowladda waxay kaloo waafaqsan tahay hadalkii Madaxweynaha DFKMQ-J Sh. Sharif Sh. Axmed u sheegay Wakiilka Ururka Afrika kaaso ahaa in dowladda uu dhisayo ay noqon doonto dowlad cilmaani ah.

Sida Beesha Caalamku shaki weyn uga qabto Hoggaanka Dowladda cusub oo lagu bartay isbeddelo badan, laguna tuhunsan yahay inuu damacoodu hoggaaminayo, ayaa Culumada Islaamka Soomaaliyeed waxay muujiyeen shakiga ay ka qabaan. Culumo ka socota Gobollada dalka oo dhowaan ku shirtay Magaalada Muqdishu ayaa durba ku dhaqaaqday is abaabul si ay DFKMQ-J uga weeciyaan khadka siyaasadeed ee lagu tala galay inay ku socoto. Culumadu waxay dhisteen Golaha Culumada Islaamka Soomaliyeed kaaso caddeeyay si aan leex leexad laheyn in DFKMQ-J aysan sharci aheyn, waxayna soo bandhigeen go’aanno kala ah:

(1) In shareecada Islaamka lagu dhaqo dalka; go’aankaas wuxuu ka soo horjeeda qaabka iyo Mabaadi’ida asaaska u ah dhismaha DFKMQ-J;

(2) In Ciidammada AMISOM laga saaro dalka, kuwo cusubna aan la keenin; DFKMQ-J waa ka soo horjeeda go’aankaas.

(3) In khilaafka dhex yaal kooxaha Soomalida oo kala ah (I) Mucaardka noqday Dowladda Federaalka KMG Midnimada Qaranka ee Jabuuti (DFKMQ-J) iyo (II) Mucaardka gudaha ee isku magacaabay Maamulka Maxaakimta Islamka/Xisbul Islaami/Al Shabab Soomaliyeed (MMIS) lagu dhammeyo wada hadal iyo nabad. Culumadu Guddi ayey u magacowdan dhexdhexaadinta dhinacyada is khilaafsan. DFKMQ-J waxay rabtaa in loo aqoonsado dowladda ka talisa dalka, lana adeeco.

(4) Inay xaaran tahay dilka iyo gaaleysiinta qof Muslim ah, lana joojiyo ficilladaas.

Saddexda qodob ugu horreya waxay tusaale u yihiin in DFKMQ-J haysan kalsoonida Culumada. Welwelka ka muuqda war murtiyeedka Culumada Islamka Soomaliyeed wuxuu khilaafsan yahay xafladaha soo dhoweynta qurbajooga.

Ka cambaareynta Dowladda Eritrea Magaalada Addis Ababa waxay aheyd tallaabo is miidaamin ah ee Dowladda cusub ku dhaqaaqday. Dowladaha Eritrea iyo Qatar waxay u eedeysan yihiin taagerada Dib u Xoreynta Soomaliya. DFKMQ-J kama hadlin wax ka qabashada mas’uuliyiintii DFKS-M oo ka qayb qaatay xasuuqa iyo boobka shacabka, mana codsan heer caalami ah baarista iyo wax ka qabashada dambiyada dagaal iyo xadgudubyo Ciidammada Ethiopia iyo kuwa DFKS-M geysteen. Sidoo kale DFKMQ-J kama hadlin dadka la la’yahay ama xasbiyada ku jira. DFKMQ-J kuma dhawaaqin hirgelinta barnaamij lagu xusayo Geesiyaasha ku geeriyooday halganka dib u xoreynta dalka, laguna taakuleynayo aqoontii iyo dadkii wax ku noqday iyo kuwii ku barakacay halgankaas. Dowladda Ethiopia waxay Magaalada Addis Ababa taallo uga dhiseysaa ciidammadii xasuuqay Shacabka Soomaliyeed. Waxaa halkaas ka muuqda in DFKMQ-J ka fog tahay ama u taagneyn difaaca xaqa, danaha iyo dareenka Shacabka Gobollada Bartamaha iyo Koofurta Soomaliya.

Dowladda cusub oo qabyada ah waxay ka kaboon tahay Madaxtooyada, Barlamaan dhan 550 xildhibaan, Golaha Wasiirrada oo gaari doona ilaa 108 xubnood, Maleeshiyo hubeysan iyo shaqaalihii Dowladdii Mbagathi (DFKS-M) oo tiradoodu qiyaas ahaan kor u dhaafeyso 14,000, iyo xoogagga cusub ee IDXS-J oo noqon doona 5,000. Ma cadda in Beesha Caalamku taageri doonto dhismaha Dowlad ka kooban 36 Wasaaradood ayadoo Ra’iisul Wasaarihii hore Nur Cadde laga diiday taageridda Dowlad ka badan 18 Wasaaradood.

Tirada xad dhaafka ah ee isugu jira Maleeshiyo, Barlamaan, Wasiirro iyo shaqaalaha Dowladda cusub waxay horseed u noqon kartaa nabadgelyo xumo ballaaran oo ka dhacda Muqdishu iyo deegannada ku dhow waayo Shacabka Muqdishu ma masruufi karo Madaxdaas iyo maleeshiyad hunguri doon ah oo hubeysan, diyaarna u ah inay dhacaan masaakinta. Shacab gaajeysan oo u baahan gurmad cunto ma bixin karaan lacag baad ah oo lagu tilmaamayo canshuur dowladeed.

Lacagaha baadaha ka sokow, dhibaatooyinka dowladda cusub la imaan karto waxaa mid ah daabacaadda lacag been abuur ah, bixin ruqsado sharci darro ah, gadidda hantida Qaranka oo dadkii masaakinta ahaa laga saaray iyo carqalateynta howlaha dhaqaalaha iyo bulshadeed ee Gaarka ah (private businesses). Dhakhliga Dekedda iyo Garoonka Diyaaradda Muqdishu iyo kaalmada dibedda waxaa lagu maamula hab ka baxsan nidaam dowladeed. Maalmahaan warbaahintu waxay sheegeysa in la gadayo Gurigii Safaaradda Soomaliyeed ee Dalka Jarmalka.

Bulshada Muqdishu waxaa la gudboon inay wada jir iska kaashadaan difaaca hantida uga badbaaday boobkii iyo burburkii ay ciidammadii Ethiopia iyo Maleeshiyada Dowladda Federaalka KMG ah u geysteen. Ficilladii DFKS-M oo ahaa bililiqada hantida gaarka ah ee Bulshada Muqdishu iyo dhaca dadka Maatada ah waa socon doonan haddii uusan dadweynuhu wada jir uga gaashaaman. Dowladaha ku amar taagleynaya Bartamaha iyo Koofurta Somaliya waa dowlado maqaar-saar ah oo dulsaar ku ah deegaanka oo aan dan ka laheyn xaqa iyo maslaxadda dadka deegaanka.

Maslaxaddu waxay ku jiirta in dalka Soomaliya laga dhiso nidaam dowladeed oo leh gogol saar qaybaha iyo Wakiillada Shacabka Soomaliyeed ka qayb qaataan si furan, inta badan raalli ka tahay, kontrool ku leedahay, isla markaana kalsooni gelin kara Beesha Caalamka. In ka horreysa, Wax garadka Bartamaha iyo Koofurta Somaliya waa inuu ku dadaalo ilaalinta nabadgelyada iyo is af garad dhexmara hogaammada is barbar socda si xasillooni loo helo, looguna gudbo gogol saarka nidaam dowladnimo oo haysta kalsoonida dadka uu matalayo.

Dr. Maxamud M. Culusow

mohamuduluso@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 4, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS