Dagaal Caamo Culimaa Xalisa, Mid Culumase Maxaa Xal u ah?
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Qaylaa yeertay, waxay dadkii yiraahdeen “Masjidka aan u cararno”, balse
markii lagu dhawaaday masjidkii ayaa la ogaaday in Qayladu ka yeerayso Masjidka
qudhiisa, waxaana dadkii ka soo haray yaab iyo amakaag, waxayna taagan yihiin
meel ciirsi la’ mid waliba madaxa ayuu foorariyay isagoo ku fekeraya marka ay
dhamaan doonto dhibaatadaan, waxayna dhamaantood si wada jir ah ku yiraahdeen
“Allaa jooga isagaana talo ku filan”.
Xaaladda Soomaaliya waxay maanta u ek tahay masjidkii ay qayladu ka yeertay,
waayo meeshii loo baxsan lahaaa waxay ahayd Culimadda oo iyagu haatan is haysta,
wax heshiisiin karana lawaa, doc kasta oo loo dhigay arrinta xal waa loo heli
waayay, Abwaan Abshir Bacadle ayaa laga hayaa “Intuu Wadaad naga gooyay Gaalo
nagama goyn”, sidoo kale Axmed Diiriye waxa uu carabka ku dhiftay in dhibaatada
Soomaaliya maanta ka taagan uu sabab u yahay wadaad, “Nin waliba Qur’aan iyo
Axaadiis ayuu daliilinayaa, Xalna ma gaaraan” ayuu sii raacsaday Axmed Diiriye
hadalkiisa.
Sheekh Umal ayaa isna waxa uu yiri “Waxaan leeyahay wadaadada arrinta ha
gaarsiinina oo aysan ummaddu idin dhihin ‘ar wadaadaa…. ar wadaadaa…. ar
wadaadaa….’ Marka waxaan idin leeyahay is daba-qabta inta ay goori goor tahay,
dadku waxay idinka taagan yihiin halkii ugu dambeeyey, waxaana idinkula talin
lahaa inaad isi saxdaan oo aad ummadda ku hogaamisaan wadadda saxda ah.
Dagaalka ay wadaadadu ku lug lahaayeen waxay soo mareen heerar kala duwan,
markii ugu horeysay waxa ay ka dagaalameen gobolka Gedo waana la ogaa dagaalkaas
halkii uu ku dambeeyey, dadkii hogaaminayayna maanta way ka shalaayaan
dagaalkaas, qaarkoodna waxay ku tilmaameen dagaal aan loo baahneyn, sidoo kale
dagaalkii ka dhacay Bari oo ay wadaadadu ku lug yeesheen waa la ogaa halkii uu
ku dambeeyey, waxa uuna u keenay in ay kala jabaan oo qaarkood waxay yiraahdeen
“Dagaalkaasi waxa uu ahaa mid xaq ah” halka kuwo kalana waxay yiraahdeen
“Dagaalkaasi waxa uu ahaa mid aan loo raacin waddadii saxda ahayd” iyadoo dadkii
ka qaybgalay dagaalkaasi ama kuwii hogaaminayay ay si aad ah uga qoomameeyaan.
Waxaa kale oo ka mid ah dagaaladii ay wadaadadu galeen dagaalkii looga hortagay
argagaxiso la dirirka isna meeshuu ku biyo shubtay idinkaga sheekeyn maayo,
waxayna dadka badankiis hoosta ka xariiqeen in dagaalkaas ay xaqal –daaciyeen
kooxo ku dhex jiray wadaadada.
Mar kale ayay Wadaadadu dib u soo laba kacleeyeen, waxayna labo sano dagaal ay
la galeen Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamadii Dowladda Federaalka ku dhintay dad
fara badan, iyadoo kooxihii diinta ay noqdeen kuwo aad u fara badan oo koox koox
u jajabay taas oo la mid ah kooxhii jabhaddaha ee la dagaalamay dowladdii Max’ed
Siyaad Barre.
Ruux bini’aadamka ah waa in uu waayo aragnimo ka qaataa wixii horey u dhacay,
hase yeeshee wadaadadu wax waayo aragnimo ah kama aysan helin wixii dagaalo ah
ee dhacay, nin ka mid ah dadkii ka soo horjeeday dagaaladii horey u dhacay kana
mid ah wadaadada ayaa waxa uu yiri “dagaalkii Gedo ragbaa hogaaminayay maanta
lama hayo raggaas, kii Boosaaso ragbaa hogaaminayay maantana iyana lama hayo,
kuwoo xamar ka dhacay ragbaa hogaaminayay iyana lama hayo, waxaa halkaasi kaa
soo baxaya in marba qolo soo fuuleyso masraxa, waxay ahayd in wadaadadu
isweydiiyaan waxa ka qaldamay dagaaladii ay soo mareen, ayna iska saxaan wixii
qaladaad ah ee dhacay, waxaase muuqata in weli qalad hor leh la galayo laguna
indho adag yahay”.
Mudo ayaa ku dhex jiray dagaaladii weli ka sii soconaya Muqdisho, guriga aan
deganahay iridkiisa ayaa nin ka mid ah Wadaadada waxa uu soo dhigtay qoriga
Daba-Jeexa ay soomaalidu u taqaan, wax uu hurgufo habeenkii oo dhan, markii uu
waagu baryay ayaan damcay in aan albaabka furo, waxaana albaabkii ka dareemay
culeys, markii aan soo jiiday waxaa ka soo daatay fooqii rasaastii uu habeenkaa
ridayay, waxaa la yaab igu abuurtay in halka uu ka ridayay rasaasta aysan ka
dhaweyn dhinaca uu la dagaalamayay, sidaa darteed waad ka garan kartaa in
rasaastaasi ku baxday micno daro, maadaama halkaa aan ka tiriyay rasaas dhan
ilaa iyo 3-kun oo xabo, suuqa Cir-Toogte oo aan tegay si aan qiimeyn ugu sameeyo
qarashka rasaasta waxaa ii soo baxday in habeenkaa la qasaariyey hanti dhan $700
oo Doolar oo wax weyn u qaban kartay dhowr qoys oo habeenkaa gaajo la ildarnaa,
nin ka mid ah qolooyinka Wadaadada ayaan wacay, markii warbixin yar ka siiyey
waxa aan la kulmay ayaan weydiiyey sida uu u arko, waxa uuna iigu jawaabay hadal
fudud oo ah “Waxaa laga rabay oo keliya Dhawaqa”, anfariir hor leh ayay igu sii
abuurtay.
Dhacdo kale oo la yaab leh waxay ahayd markii agagaarkayga laga riday Labo Saban
iyo Labo Jiib iyo rasaas yar yar oo la iska tuuray, kadibna waxaa dariishada
guriga iiga soo galay iftiinka falaashka Kaamirada ka dhaca, baq-baqa dariishada
ayaan fiiriyay, waxaana ii muuqday rag hub xoog leh ku hubeysan oo ay Kaamiro ku
socoto kuna dhawaaqaya (Allaahu Akbar), waxaa igu soo dhacday marka Siminaar
meel ka socday u soo gebagaboobo waxaa la iska qaadaa Sawir la yiraahdo (Photo
Group) oo kooxda Siminaarka ka qaybgalaysay laga qaado si loogu muujiyo Hay’adda
qabatay waxqabadkeedii, inkastoo dhallinyarada Qaarkood ay daacad ka tahay
Jihaadka, haddana waxaa ku lamaansan in badan oo ujeedo gaar ah leh.
Marka ay dagaalamaan dad iska Caamo ah waxaa ku soo bixi jiray amaba ay arrinta
ula tagi jireen hadba wadaadka ugu dhow iyagoo ku qanacsan waxa uu gooyo, balse
hadda waxaa soo ifbaxday Culimadii xalinta iyo heshiisiinta lagu yaqaanay oo
iyagu goradda iskula jira oo midba midka kale uu cambaareynayo, Soomaalidu waxay
tiraahdaa (Madaxa meel ka sareysa oo la salaaxo ma leh) sidaa darteed su’aasha
isweydiinta mudani waxay tahay cidda madax looga dhigi karo haddii la doono in
googol la isugu keeno culimaddaan ismaandhaaftay, waxaase xusid mudan in
Culimaddii caanka ahayd ee Soomaaliyeed iyo waliba kuwo kaloo Adduunka ka socda
midkoodna aan loo dheg raaricinayn, intaas oo dhan oo isbiirsaday waxay ummadda
ku sababtay in ay darbiga soo taabtaan oo waxaa hadaladooda muujinaya quusta ay
taagan yihiin kana ugu culusi yahay (Waxba dhowran maynee Allow dhagaxyo soo
daa).
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiikhasaaro@hotmail.com
SHALAY: I DOORO AAN KU DILLEE, MAANTA: I
DOORO AAN KU DARYEELEE... Akhri..
Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2009
Barre
Hiiraale: "Waxaan kalsoonidii kala noqonay xukuumadda Sh. Shariif" - waraysi uu la yeeshay Maxamed Gaarane:
Dhegeyso ama
soo rogo
Xildhibaan
Ismaaciil Axmed Nuur " Baarlamaanku Inuu Bur buro Waa Roonaan Lahayd… "
hadii si sax ah loo maamulo waxa jita, ma imaan lahayn khaladaadka hada jira..
Akhri.. Mar 1
Wasiirada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh "Maantana
Waxaa Farxad Inoo ah Dowladii Ugu Horeysey oo 3 Wasiir Ay Ku Yeeshaan Haweenka
Soomaaliyeed" Akhri March 1
Xildhibaan
Ibraahim Saalax Dayfallah “…Xaqeena Marna Kama Tanaasuleyno, Waxaana
Leeyahay Dulmiga Ma Soconayo…” - Feb 28
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Md, Madoobe Nuunow
"Sideedaba Dowlada Federaalka Waa Dowlad Islaami ah, Shuruucdeeda Waxaa Saldhig
u ah Diinta Islaamka".. Akhri.. - Feb 27

Xildhibaan
Maxamed Keynaan "Dowlada la Dhisey Ma Ahan Dowlad Xaq Raadin ee Waa Dowlada
Xal Raadin ah" iyo Xildhibaanad Caasho Cabdalla "Madaxweynuhu Jihaadka
uu Iclaaminayey, Ma Ahayn Jihaad ee Waxay Ahayd Jihaad Kursi Doon ah"..
Akhri... Feb 25
Waraysi:
Wasiirka Hawlaha Guud & Guriyenta, Maxamed Cabdi Yuusuf, waraysigaas iyo..
Sh. Aaden Madoobe oo yiri "kulanka Xiga ee baarlamaanku wuxuu Ka Dhicidoonaa Muqdisho 15
Maalmood Kadib" iyo Ra'iisul wasaaraha oo lagu wado in uu wasaarad cusub
magacaabo.. Akhri
Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG Md, Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo Wareysi
Siiyey SomaliTalk ayaa ka Hadley Tilaabooyinka ugu Horeeya ee uu Qaadayo iyo
Arimaha Baasaboorka. Akhri... Feb 23
Waraysi:
Xildhibaan Xasan Abshir iyo Xildhibaan Shariif M. Saciid
"Baarlamaanku Aad iyo Aad Ayuu Uga wal Walsan Yahay,… Hadii la geeyo Ruux
Aan Aqoonteeda Lahayn Waanu Ka Soo Hor Jeesaneynaa"
Akhri.. - Feb 18