SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Jawi caynkee ah ayaa madaxweyne faroole kala kulmay Gaalkacyo+sawiro

Daawo: Sawirada Halkan ka daawo....

waxaa diyaariyay:
cabdirashiid maxamed daahir(haykal)
Qardhomedia@hotmail.com

Dhawaan waxa magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug booqasho ku tagay madaxweynaha dawlad goboleedka puntland cabdiraxmaan maxamed faroole waxaana madaxweynaha socdalkiisa ku weheliyay xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda iyadoo markuu galay magaaladda Gaalkacyo ay socdaalkiisa ku weheliyeen qaar ka tirsan golihiisa xukumadda yaa waaxaa galkacyo si diiran ugu soo dhaweeyay dadweyne aad iyo aad ufarabadan oo isugu jira cuqaal aqoonyahano iyo masuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmadda ee gaalkacyo iyo mudug.

Madaxweyne faroole intii uu gaalkacyo joogay waxaa uu la kulmay odayaasha ka soo kala jeeda koonfurta iyo waqooyiga Gaalkacyo iyadoo amniga gaalkacyo farta ay isku fiiqi jireen masuuliyiinta labadaas qaybood ee gaalkacyo waxaana aad moodaa inay gaalkacyo Furin ku taalo hadana booqashada faroole maxaa ay ka turjumaysaa arrimaha amniga?.

Madaxweynuhu waxaa uu isu soo dhaweeyay dhinacyadda koonfurta iyo waqooyiga iyadoo koonfurta gaalkacyo uu maamul ka taliyo waa Galmudug iyadoo amniga ay ahayd arrinta mushkiladda iyo wareerka ka keentay waxaaana madaxweynuhu la shiray odayaasha iyo aqoonyahanada labadaasi qaybood .

Maalmihii ugu dambeeyay ee uu ku sugnaa madaxweyne cabdiraxmaan faroole waxaa uu kulan la qaatay masuuliyiinta gobolka mudug iyo gaalkacyo ee maamulka puntland waxaaana uu kala hadlay istaraatijiyadda maamulka ee puntland ee gaalkacyo sidii amnigeeda loo sugi lahaa ayna muhiimadu intaas tahay waaxaa kale oo madaxweynaha puntland cabdiraxmaan maxamed faroole kulan la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshadda magaaladda gaalkacyo sida ururada haweenka iyo dhalinyaradda waxaana diiradda lagu saarayay hanaanka waxqabad ee xukumadda cussub ee madaxweyne faroole.

Waxaana kulankaasi uu u dhacay jawigan:

Kulanka waxaa markii u horaysay furay Duqa magaalada Gaalkacyo Col.Axmed Cali Salaad, waxa uu hadal kooban ka jeediyey booqashada Madaxweynaha iyo kulankan muhiimka ah asagoo sidoo kalena kusoo dhaweeyey Gudoomiyaha gobalka Mudug Md.Cabdinuur Maxamuud Diiriye Geesay.

Gudoomiyuhuna Mr.Diiriye oo munaasabada kusoo dhaweeyey wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay ahmiyada uu leeyahay safarkan u kuurgalka ah ee Madaxweynaha Puntland ku joogo gobalka Mudug.

Ugu dambayntii madaxweynaha puntland waxay u muuqatay mid ka mira dhalisay himiladda shacabka mudug maadaama ay ahmiyad gaara lahayd tegista madaxweyne faroole ee gaalkacyo iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ee madaxweyne faroole tago magaladda gaalkacyo balse stategy caynkee ah ayay ahayd qancinta faroole?.

Faroole waxaa uu dadka shacabka ah ee reer gaalkacyood ku qanciyay waxqabad iyo tayo galinta iyo taabaagalinta horumarka bulshadda iyo dhaqaalaha puntland qayb ahaan waxaa kalloo aan meesha ka maqnayn dhismaha ciidanka oo madaxweynuhu meelaha uu tagay kasheegay boosaaso,qardho iyo deganadda socdaalkiisu ku wajahnaa iyadoo dhaxalgalin karta sidiiuu u tagdareeyay hogaamiyihii hore ee puntland cadde muuse arrimaha ciidanka oo iyagu run ahaantii qayb ka qaadan kara kor u istaagista xukuumadda puntland.

Nuxurka booqashadda madaxweynaha puntland ee magaaladda gaalkacyo waxaa u kuur galay wariye cabdirashiid maxamed daahir (Haykal) oo ah saxafi madaxbanaan oo magaaladda qardho ku sugan.

Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS