SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wasiiradda Caafimaadka Dowlada Soomaaliya Drs. Qamar Aadan Cali oo Jabuuti Ka Furtey Aqoon Is-weydaarsi Looga Hadlayo Qorshaha 2020 wax Looga Qabanayo Cudurada Ku Dhaca Indhaha

Aqoon is-weydaarsi looga hadlayo Qorshaha 2020-ka oo wax looga qabanayo cudurada ku dhaca indhaha, waxyaabihii ay qabteen dhakhaatiirta Indhaha ee Soomaaliya mudadii dowlad la’aanta iyo sida looga gudbikaro caqabadaha la soo gudboonaayed oo ay iska kaashadeen Hay’adaha WHO, MANHAL, Ururka Caafimaadka ee Al-NUUR iyo DFKMG ayaa lagu qabtey 29/06/2009 Hootlka shirarka Urur Goboleedka IGAD ee caasimada dalka Jabuuti.

Aqoon is-weydaarsigan oo socondoona sedax maalmood ayaa furitaankiisa waxaa ka Hadley Wasiirada Caafimaadka DFKMG Drs. Qamar Aadan Cali, Wasiirka Caafimaadka Dowlada Jabuuti Md. Cabdullaahi Cabdalla Megel oo ay martida u ahaayeen dhakhaatiirta Soomaaliyeed ee ka kala socdey Gobolada Woqooyi ee la baxay Somaliland, Maamul Goboleedka Puntland iyo Dhakhaatiirta Is-bitaalada Indhaha ee Magaalada Muqdisho.


Drs. Qamar oo ka hadlaysa

Wasiirka Caafimaadka Dowlada Jabuuti Md. Cabdullaahi Cabdalla Megel

Ugu horeyn Wasiirka Caafimaadka dalka Jabuuti Md, Cabdullaahi Cabdalla Megel oo halkaasi ka Hadley ayaa wuxuu yiri “Barnaamijkan aragtida 2020-ka, marka loo eego degmadiina waa mid muhiimad gaar ah leh weeye, in ka hortaga cudurada saameynaya xanuunada aragtida dheer iyo tan gaabanba waa laga mamaarmaan, inaga dhulkeena kuleylaa ka taagan, taasoo aad u dhibaateyneysa siiba dhalinta, waxaana aad iyo aad ugu faraxsanahay barnaamijka wanaagsan ee Indhaha oo Soomaalida ay qabatey, waana idiinku hambalyeynayaa run ahaantii, waxaana filayaa xaga aad joogtiin meel ka horeysa” ayuu khudbadiisa kusoo gebagebeeyey wasiirka Caafimaadka dowlada Jabuuti, isagoo waliba gunaanadkii u mahadcelieyey dhakhaatiirta Soomaaliyeed.


Wasiirada Caafimaadka Soomaaliya, Jabuuti, Wasiirka Tiknaloojiyada Soomaaliya, Hawl wadeeno WHO iyo dhakhaatiirtii Indhaha Soomaaliya

Wasiiradda Caafimaadka DFKMG Dr. Qamar Aadan Cali oo gunaanadkii halkaasi ka jeedisey khudbad gaaban oo isugu jirtey ayaa waxay tiri

“waxaan aad ugu faraxsanahay furitaanka Barnaamijkan lagu qiimeynayo ka hortaga Indho la’aanta Ummadda Soomaaliyeed, waxaan ku faraxsanahay ka qayb galkiina, anigoo u mahad celinaya inta hawshaan soo diyaarisey iyo inta ku guda jirteyba, waxaana aad u dareemayaa sida ay arintan culeys idiin kugu leedahay, inkastoo aan ka jeclaan lahayn dalka gudihiisa in lagu qabto, iyadoo ay joogaan Dumarkii, Odayaashii iyo xaafadihii kala duwanaa, waa mash-ruuc aad u weyn oo lagu haqabtirayo ka hortaga Indho la’aanta Soomaaliya, waxaa jira Cuduro badan oo laga hortagi karo 70%, waxaana u jeedaa madaxa dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo dhan, isagoo meel fog idiinkaga yimid, waxaan keloo ujeedaa Walaallaha ka yimid Somaliland, Dhakhaatiirtii xirfada yaqaanka caafimaadka ahaa ee Puntland, Is-bitaaladii Indhaha ee Muqdisho iyo qaybta Wasaaradda oo dhan,” ayey tiri Drs. Qamar Aadan cali oo khudbadeeda sii wadata ayaa intaa ku dartey

“waan jeclaan lahayn inaan intaan ka badanahay daruufaha jira aw-geed waad garan kartaan iyo waqtiga gaaban ee aan ku diyaariney arintan, mar hadii Xirfad yaqaanadii oo dhan ay joogaan, qaybihii kale ee gacanta ka geysanayey, xukuumadii iyo Dowladii deriska ee aan walaaha nahay, aan ka haysano wasiirkii Caafimaadka, iyadoo ay ku dhan yihiin kuwii Gobolka oo aan ka soo qaadeyno Dr. Mustafa, waxayna naga balan qaadeen iney gacan naga siinayaan, waxaana soo gaarey burbur guud oo caafimaadka ah, mudadii dagaalka 20-ka sano, waxaana taaganahay meesha ugu hooseyso in laga soo bilaabo, tani waa qayb ka mid ah oo oogu yar, inkastoo si xoog ah ay u dayacneyd dagaalkii ka horba, qayb kasta gaarkeeda in loo kala qaado Qorshaha kuma fiicna, inaan is daba dhigno qayb walba oo caafimaad sida uu u bilaabey Cabdul Xanaan qaybta isaga ka khuseysa,waxaan ka codsaneynaa WHO in qaybaha kale inay bilaabaan, maxaayeeley waa Taariikh qiimo leh, waa wixii na horyiiley oo noogu qiimo badnaa qaybtan, waxaana noqoteen qaybtii ugu horeysey, waana idiinku mahad-celinayaa” ayey ku xustey wasiiradu khudbadeeda, iyadoo gunaanadkii ku boorisey in dhakhaariirtu aysan ku koobnaan ka hortaga Indho la’aanta keliya, balse ay ka qayb qaataan xaqiiqooyinka kale ee ka dhex jira bulshada.


dhakhaatiirtii iyo qaybo ka tirsan hawl wadeenada WHO

Laakiin furitaanka siminaarkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dowladaha caalamka sida ay u dhan yihiin ay feejignaan weyn ay kaga jiraan cuduro kala duwan oo hore uga dhici jirey Shimbiraha, Xoolaha duur joogta ah iyo kuwa deb joogta uu u soo gudbey Qarnigan 21-aad Bani’aadamka, taasoo wel weyn ay ka muujinayaan dowladaha caalamka sida lagu badbaadin karo shacabkooda, kaasoo uu ugu dambeeyey cudurka Hargab Doofaarka IWM oo aan ilaa iyo hada Soomaaliya wax iska weydiin, maadaama ay bulshada Soomaaliyeed 20-sano ee ugu dambeeyey ay noqdeen Qurbo joog.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

 

Faafin : SomaliTalk.com | June 30, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya


Waxaan ku baaqeynaa in Heshiiska badda ee dhexmaray dowladda Kenya & DFKMG loo soo bandhigo culimaa’uddiinka iyo qaanuunyahanno, kadibna baarlamaanka DFKMG.. Akhri



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version