SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Dowladda Sheekh Shariif: Neef Gawracan Geedo kama Waabto!!!

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Dowladda Itoobiya mudadii labada sano ahayd ee ay joogtay Soomaaliya uma dhisin dugsiyo, xarumo caafimaad, wadooyin iyo adeegyo kale, waxay burburisay dhamaan adeegyadii shacabka Soomaaliyeed, waxay har cad laysay ummadda Soomaaliyeed, qaarkoodna ilaa iyo hadda lama hayo meel ay cirib iyo jaan dhigeen, sidoo kale waxay Masaajidda ku laysay Culima’udiin Soomaaliyeed, iyadoo taas Shacabka Soomaaliyeed ka dheregsan yahay ayaa waxaa Ummadda Soomaaliyeed la yaab ku noqday sababta ay Dowladda Sheekh Shariif markaan ugu yeeratay Dowladda Itoobiya iyo waliba Dowladaha deriska la ah, waxayna dadku tilmaamayaan in tani ay ka taagan sidii loo dhameystiri lahaa wixii shacabka Soomaaliyeed ka haray.

Nin Xildhibaan ah oo qariyey Magaciisa ayaa waxa uu yiri “Ma ahayn in Dowladda ay u yeerato Dowladaha deriska la ah Soomaaliya, waxaa ku filan Dowladda Ciidamada AMISOM, runtiina marka Dowladda af labadii yeerayso oo ay u qaylo dhaamineyso beesha Caalmka ma waxay dooneysaa in Beesha caalamku ka difaacdo Canug yar oo AK47 wata? , haa waan u garaabi lahaa haddii Ciidanka ka soo horjeeda Dowladda ay wataan Dabaabado iyo Hub culus, waxaan dhihi lahaa waa run in Dowladdu u yeerato taageero caalami ah, laakiin adiggoo iska tiirin kara, in aad cabato waa kugu ceeb”


Daawo Video: Xasuuqii Xamar ee Itoobiya

SheekhShariif: June 22, 2009:  "Ciidamada la dalbanayo ma ah kuwo ujeedadooda ay tahay inay dhibaato gaarsiiyaan shacabka, ujeedadooda waa in ay badbaadiyaan shacabka." Dhegeyso hadalkii Shariifka ama soo rogo.

Sheikh Shariif :  May 9, 2008 waxa uu si cad u sheegay xilligaas in Soomaaliya ay dad daba dhilif ah keensadeen Itoobiya. Waxana uu sheegay in arrimaha Soomaaliya laga wada hadli karo markii Itoobiya baxaan. Waxana uu markaas diiday in lala hadlo DFKMG inta Itoobiya joogto dalka. Dhegeyso Wareysiga Shariifka ama Halkan ama soo rogo - BBC.
JOWHAR BAYDHABO
Sheikh Sharif Sheikh Ahmed
Sheikh Sharif Sheikh Ahmed oo ah guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga oo lahadlaya dadweynaha Jowhar 14/6/2006
Ka Dhegeyso Halkan
Sharif Hassan Sheikh Aden
Sharif Hassan Sheikh Aden: oo baarlamaanka ka akhrinaya in ay u codeeyeen in ciidamo shisheeye lakeeno Soomaaliya 14/6/06
Ka Dhegeyso Halkan

Sheekh Shariif mar uu fagaaraha Tarabuunka ka hadlayey sanadkii 2006-dii ayaa waxa uu yiri “Waxaan la jihaadeynaa ciidanka Itoobiya, waayo Itoobiya waa Dowlad caddow ku ah Shacabka Soomaaliyeed, mana dooneyso in halkaan ay ka dhalato Dowlad Soomaaliyeed oo ay Shacabku soo doortaan ee waxay dooneysaa in ay burburiso ama baabi’iso wixii shacabku lahaa”, maanta Sheekh Shariif waxa uu ku dhawaaqay in Dowladaha deriska la ah Soomaaliya la soo gaaraan ciidamo Soomaaliya si dowladda looga difaaco wax uu ugu yeeray caddow shisheeye oo ku soo duulay, haddaba Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay, Xiligii uu madaxweynaha wadanka ka ahaa C/llaahi Yuusuf Axmed, ma C/llaahi ayaa sax ahaa, oo Shariif ayaa qaldanaa?.

Hadalka ka soo yeeray Dowladda Sheekh Shariif ee ku aadan u yeeritaanka ciidamada wadamada safka hore waxay farxad gelisay kooxihii ka soo horjeeday Dowladda Federaalka, waxayna Dowladda Sheekh Shariif ku tilmaameen mid u adeegaysa waxay ugu yeereen caddowga ummadda Soomaaliyeed, iyagoo taa ku saleeyay u yeerashada ciidamada ajnabiga ah ee ay dowladdu ku dhawaaqday in dalka ay yimaadaan.

Sababaha ay dowladdu ugu dhawaaqday in ay dalka yimaadaan ciidamo shisheeye ayaa ugu wacan markii Todobaadkii la soo dhaafay dowladda ay ku dhacday dharbaaxooyin isdabajoog ahaa oo ay ugu horeysay dilkii loo gaystay Wasiirkii Amniga Cumar Xaashi Aadan, Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiya Itoobiya C/kariin Laqanyo iyo dilkii Xildhibaan Eng. Caddow iyo waliba markii kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay gaareen deegaano ay horey Dowladdu u joogtay oo ku yaala degmooyinka Kaaraan iyo Shibi, sidaasi darteed Dowladda Sheekh Shariif waxay arrini ka mareysaa (Waxba dhowran maynee Allow Dhagaxyo soo daadi), halka ay Shacabkana ka mareyso (Waa baahani baqtiga looma cuno).

Shacabka Soomaaliyeed waxay si weyn uga dheregsan yihiin falalkii foosha xumaa ee ay Dowlada Itoobiya ka gaysatay gayiga Soomaaliyeed mudaddii ay ku sugnayd, waxay aad uga walaacsan yihiin in Itoobiya dib loogu soo celiyo dalka, waxayna leeyihiin intooda badan “Nin ku dilay har kuuma jiido”, iyagoo Dowladda Sheekh Shariif kula taliyey in aysan miciin bidin Caddowga Soomaaliyeed, waxay leeyihini shacabku “Waxaa Shariif marqaati kuugu filan dhulka Soomaaliyeed ee hoos taga Dowladaha Kenya iyo Itoobiya sida ay u dayacan yihiin, iyagoo si aad ah uga dambeeya Qoomiyadaha kale ee wadamadaasi, waxaan waliba loogu daraa silacooda dil, dhac iyo xarig iyo waliba kufsi”, ugu dambeyn waxayna shacabku soo jeedinayan in Dowladdu ku sifoobin maahmaahda Soomaaliyeed ee oraneysa (Neef Gawracan Geedo Kama Waabto).

W/D AmiinYuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Halkay isaga mid yihin halkeese ku kala duwan Yihiin Dowladdii C/llaahi Yuusuf iyo Midda Shiikh Shariif Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2009

Sheikh Shariif oo Xukun Degdeg ah (Martial Law) ku dhawaaqay, islamarkaana Aqbalay in Ciidamo Itoobiyaan ah la keeno Soomaaliya...
iyo Kenya oo sheegtay in dib loo eego qaraarka IGAD iyo OAU ee mamnuucayay in ciidamada derisku ay galaan Soomaaliya Akhri...

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya

:SOMALIA: STOLEN FOOD AID:
deeq
Video: Deeqda/cuntada la xado Qaxootiga Soomaaliya. Daawo



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version