SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 
YAA KHALDAN OO SABAB U AH DAGAALKA KA SOCDA MUQDISHO?

Assalamu caleykum war. Wab.

Hadeynu nahay umadda soomaaliyeed waxaan nasiib u yeelanay muddo ku dhow labaatan sano , dagaalo sokeeye oo ay isku leynayaan dad walaalo ah oo dhinac walba isaga mid ah ,hadeey noqon laheyd  luqad ,diin, dhaqan ,muuqaal iyo wax kasta oo ka dhaxeeya laba walaalo ah oo aabe wada dhalay .Hadana waxaad moodaa in dadkii aaney weli ka tanaasulin dagaalkaa  macno darada ah ,sida dad badan ay la aheyd waxaa xalka Soomaaliya uu ku jiraa in dadka Soomaaliyeed ay qaataan ku dhaqanka diinta islaamka xalkuna uu sidaa yahay .

Mar haddii laga soo gudbay xiligii Dagaal oogayaasha waxaan dhamaanteen fileynay in dadkii lagu tuhmayey in ay diinta ehel u yihiin ay u soo jeestaan in ay wadaka maamulaan ,laakiin nasiib darro waxaa manta dagaal ka culus kii hore  ee qabiilka iyo dagaal oogayaasha uu ka socdaa Soomaaliya.

Aan u soo laabto cinwaanka mawduucaan ,yaa khaldan oo sabab u ah dagaalka socda manta ,ma kooxda sheikh shariif mise Alshabaab iyo sheikh Xasan Daahir?.

Dad badan ayaa laga yaabaa in su’aasheydu aysan ka degIn oo u arka dawladdu sax in ay tahay oo aan loo baahneyn in xaqnimadeeda shaki la galiyo iyagoo gar isku siinaya , mar haddii shareecada islaamka la qaatay ,madaxweynuhuna uu yahay nin diineed maxaa ka maqan kuwa diinta sheeganaya oo dagaalka ku haya dowladda.

Intaanan su’aashan ka jawaabin waxaa wanaagsan haddii dhib yimaado in la baaro waxa dhibka keenay ,sida marka dhakhtarku qof xanuunsan u yimaado uu u baaro waxa sababay xanuunka qofka haya inta uusan daaweynta ku bilaabin.

Sida aynu kawada warqabno markii maxkamaduhu ka adkaadeen dagaal oogayaasha oo ay gacanta ku dhigeen magaalada Muqdisho , waxa ay xoogga saareen in ay qabsadaan wadanka oo dhan iyagoo aan maamul u sameyn Magaalada Mudisho ,waxa kale oo ay dagaal ku qaadeen xukuumadii tabarta yareyd oo markaa fadhiday Baydhabo iyagoo diiday in ay wada hadal la galaan kuna xukumay gaalo , waxaa la dagaal galiyey dhaliyaro badan oo aad ugu xaamaaseysnaa kacaankan cusub ee diiniga ah Soomaaliyana ka dhashay .

Dhalinyaradaa waxaa lagu dagaal galiyey jihad in lagu qaado Baydhabo lana soo qabqabto gaalada fadhida Baydhabo iyo Itoobiyaanka la jooga, waxaa halkaa ku dhintay boqolaal dhalinyaro ah allah waxaan uga rajeyneynaa inuu u naxariisto.

Sidoo kale waxaa dhacday in wadankii uu u gacan galo cadowga Itoobiya ,markaa kadib waxaa bilowday dagaal hubeysan oo looga soo horjedo ciidamada itoobiya ee wadanka qabsaday iyo dowladii markaa jirtay oo iyada iyo barlamaankeedu ay ku xukunaayeen gaalo iyo murtadiin iyo sidoo kale in lala dagaalamo ciidamadii AMISOM ee yimid soomaaliya kuwaas oo loo arkayey in ay sharciyeynayaan qabsashada itoobiya ay Soomaaliya qabsatay.

Intii ay dagaaladaasu socdeen waxaa dhacay waxyaabo ka daran kuwa manta dhacaya , qof kasta oo dowladii Cabdullahi Yusuf ka shaqeeya waxa uu ahaa gaal dilkiisu banaan yahay ,xitaa midka ka shaqeeya dhul xaaqa , waxaa la dilay dad badan oo qiime kuleh wadanka qaarkoodna ay hawl gab ahaayeen sida allaha u naxariistee Cabdi Kaahiye iyadoo markii la dilay aan ka akhriyey webside-ka Al-Qadisiya oo manta dowladda shraiif taagera in uu odeygaa soomaaliyeed ku magacaabay Murtad weyn oo la dilay.

Waxaa bam loo dhigay haween hawlo nadaafadeed ka waday jidadka magaalada muqdisho iyo dad kale oo badan oo aanan halkaan ku soo koobi Karin.

Marka ay intaasi dhacayeeyn waxaa loo yaqaanay nimanka sameynaya Mujaahidiin,Muqaawama, iyo magacyo kale oo wanaagsan ,dhalintaa dagaalameysay lama barin akhlaaqda dagaalka ,oo ah in aan la dilin shacab (qof aan hubeysneyn), oday ,dumar iyo caruur iyo waliba qiimaha uu leeyahay dhiigga qofka muslimka ah , wax kastoo la sameeyana waxaa la lahaa itoobiyaa ka masuul ah ,nimanka sameynayana waa loo riyaaqayey .

Hadaba su’aashu waxa ay tahay dhalinyaradii Iidaale lagu dhameeyey ,mujaahidiinta iyo maqaawamada loo yaqaanay, wax kastoo ay sameeyaanna ay sax ahaayeen ,goormey noqdeen alqaacida  iyo ajnabi ,ama ay noqdeen khawaarij?.

ma loo fasarin karaa dantii laga lahaa markii laga gaaray ayaa la iska tuuray?  .

madaxweyne Shariif iyo kooxdiisa waxay dhalinyarada u sheegeen in baarlamaankii Cabdullahi Yusuf ay ahaayeen gaalo murtadiin ah , kuwii ayaa doortay Shariifka Baarlamaankiisa ku jira Goorma ayey toobad keeneen, mise shariifka ayaa sida Baadariyada diinta kirishtaanka ka cafiyey gaalnimadii uu horey ugu  sheegay?.

Dowladda itoobiya oo horey ay shariifka iyo kooxdiisa ugu sheegeen cadowga taariikhiga ah ee soomaaliya tasoo oo dhab ahaan run ah , waxa manta ay noqotay saaxiibka koowaad ee dowladda shariif , wasiirkii Amniga qaranka Marxuum Cumar Xaashi-na waxa uu ku tilmaamay saaxiib aad ugu dhow Soomaaliya , waxaana uu ka doontay hub iyo ciidan ,su’aashu waa maxaa loola dagaalamay haday Itoobiya saaxiib nala tahay oo jihaadka kumanaan soomaali ah ay ku dhimatay loogu qaaday?.

Ciidamadii AMISOM oo markii dhalinyarada la dagaal gelinayey loogu sheekeeyey waa ciidan sharciyeynaya joogitaanka Itoobiya ee la dagaalama ,maanta waxaa lagu yiri dhalinyaradii yaan la taaban dowladeenna ayey caawinayaan joogitaankooduna waa sharci.

Waxaan qiso ku maqlay in sheikh caalim ahaa oo arday wax bari jiray ayaa akhlaaqda uu wax u baro ardeyda ay khaldaneyd, waayo nin walba oo sida ay isaga la tahay mas’alada khilaafa waa uu caayi jiray isagoo ku tilmaami jiray jaahil ama beenlow ama nin diinta ka baxay , ardaydiisa ma uusan bari jirin si kasta oo la isku khilaafo in aan akhlaaqda laga tagin ,culimada iyo dadka muslimiinta ahna sharafkooda meel looga dhicin .Maalintii danbe ayaa ardeydiisii ardey ka mid ah sheekhii laftigiisii oo dadka u khudbeynaya ku yiri beenlow baad tahay.  Arintaasu la yaab malahan waayo isaga ayaa akhlaaq xumadaas ku tarbiyeeyey.

Sheekh shariif iyo kooxdiisa markii ay dhaliyaradan heerkan gaarsiiyeeen oo ay bareen in dhiig uun la daadiyo dadkana qofkii la rabo la gaaleysiiyo , ma maantey leeyihiin waa anagiiyee naga daaya xabadda oo gallo hanagu sheegina?.

Hadaan u soo jeesto akhristayaasha waxaan idiin rajeynayaa in aad raacdaan dariiqa dhexdhexaadka ah oo aad u aragtaan in dagaalkan yahay mid Fitno ah oo aaney meesha diin oolin iyo cid sax ah. Waxa la leynayaa shacabka Soomaaliyeed waxaana leynaya niman xukun isku haya.

Shariifku waxa uu kursiga ka tuuray Cabdullahi ,Xasan Daahir-na Shariifka ayuu rabaa in uu ka rito kursiga uu saran yahay.

Waxaan allah ka rajeynayaa in uu faraj u furo shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Muqdisho oo maalinba magac cusub lagu leynayo, allah-na ha noogu badalo kuwa diinta beenta ka sheegaya oo xabdaha isku ridaya ,kuwo ka kheyr badan.

Aamiin.

Abdi Nur
bile80@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin : SomaliTalk.com | June 20, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya

:SOMALIA: STOLEN FOOD AID:
deeq
Video: Deeqda/cuntada la xado Qaxootiga Soomaaliya. Daawo



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version