Waddaado sumcadda Islaamka yaan god lagu ridin
Shicaarka (astaanta) mashruuca siyaasiga ah ee waddaadada
Soomaaliyeed waxa uu ahaa keenista dawlad Islaamiya oo ku dhisan
shareecada Islaamka; dawlad keenaysa nabad, xasilooni,
walaaltinimo iyo baraawaaqo. Shirkii Jabuuti ee Sheekh Shariif
madaxwaynaha loogu doortay iyo dagaaladii ka danbeeyay ee u
dhaxeeyay dawlada Shariifka iyo wadaada mucaaradka ku ahi se
waxa ay khayaali ka dhigeen shicaarkan waddaadada.
Dagaalada-mudooyinkan danbe- Muqdisho ku soo noqnoqonayaa waxa
ay burburiyeen rajadii shacbka Soomaaliyeed ee ahayd in -hadii
ay taladii wadanku gacanta u gashay xoogaga Islaamiyiinta- uu
isbadal wayn oo wanaagsani noloshooda ku dhici doono. Is faham
la’aanta iyo dagaaladan u dhaxeeya labadan dhinac ee Muqdisho ku
dagaalamayaa waxa ay god ku rideen mashruucii siyaasadeed ee
Islaamiyiinta Soomaalida. Taageerayaasha mashruucani waxa ay
marar badan is waydiinayaan cida ka masuulka ah in mashruucoodii
xadaariga ahaa uu iminka u eekaado mid god ku sii dhacaya.
Sadarada soo socda waxaan ku eegi doonaa cida iska leh
masuuliyada arinkaas iyo waxa la gudboon dhinacyadan is haya.
Sheekh Shariif
Lama inkiri karo doorkii uu Sheekh Shariif ku lahaa
hogaamintii kacdoonkii maxkamadaha Islaamiga. Sidoo kale lama
inkiri karo furfurnaanshaha siyaasadeed ee uu sheekhu muujiyay
waqtigii dagaalada lagula jiray ciidamadii Itoobiyaanka. In uu
xal siyaasadeed ku kabo kii qorigu waxa ay ahayd talaabo
geesinimo. Guushii uu ka soo hooyay shirkii Jabuuti waxa ay
ahayd mid ay ku farxeen dad badan oo Soomaaliyeed oo filayay in
uu Sheekhu muftaax u noqon karo xalinta mushkiladaha Siyaasadeed
ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya. Intaas oo jirta hadana wixii
ka danbeeyay doorashadiisii waxa uu hoos u dhac wayni ku yimid
doorkiisii hogaanimo. Waxa muuqda in hogaamintii dawladiisu ay
cid kale gacanta u gashay. Wadaadku waa uu ku guulaysan waayay
qancinta amaba kala furfurka mucaaridkiisa taas oo ahayd arinka
ugu wayn ee laga filayay. Waxa ay dawladiisu ku mashquushay
arimo yar yar oo aan mudnayn in waqtigan muhiimad wayn la siiyo.
Maalinba maalinta ka danbaysa siyaasadaha dawladiisu waxa ay u
muuqanayaan qaar aan waxa wayn ka duwanayn siyaasadihii
dawladihii ka horeeyay dawladiisa. Waxa daciifay saamayntii ay
Islaamiyiintu ku lahaayeen dawladiisa, waxaana xoogsaday
saamaynta dagaal ogayaasha ee dawladiisa. Sheekhu waa uu ka
faa’idaysan kari waayay taageeradii xooganayd ee ay
shacbigu(culimo iyo caamaba) u hayeen isaga iyo dawladiisa. Si
kooban Sheekhu waxa uu lumiyay doorkiisii hogaanimo, taasina
waxa ay ka mid tahay sababaha sii dheeraynaya khilaafaadka u
dhaxeeya dawladiisa iyo mucaaradka ka soo hor jeeda, waxa kale
oo ay sabab u tahay in ay yaraato kalsoonidii iyo taageeradii uu
shacabku u hayay maamulka waddaadada oo ay in badani iminka u
arkaan in aanu waxba ka duwanayn kii dagaal oogayaasha.
Xisbul Islaam Iyo Al Shabaab
Xisbul Islaam iyo Alshabaab waxa ay door wayn ka ciyaareen
halgankii lagu saaray Itoobiyaanka. Halgankaas waa ay ku
saxsanaayeen. Laakiin wixii ka danbeeyay bixitaankii
Itoobiyaanka waxa ay labadan urur caqabad wayn ku noqdeen sidii
xal loogu heli lahaa mushkilada siyaasadeed ee Soomaalida. Ilaa
iminka ma muuqato waxa uu yahay mashruucooda siyaasiga ah ee ay
rabaan in ay ku xaliyaan mushkilada siyaasadeed ee Soomaalida.
Diidmada qayaxan ee ay diidayaan in ay wadahadal la galaan
dawalada Sheekh Shariif waxa ay calaamad u tahay bisayl la’aanta
siyaasadeed ee hogaamiyaasha ururadan. Dagaalka ay ku
yaboohayaan Al Shabaab ee dhaafsiisan xuduuda Soomaalidu ma aha
mid u khidmaynaya danata Soomaalida. Waxa uu Soomaalida u
samaynayaa cadaw badan oo aanay awood u lahayn in ay la
dagaalamaan, sidoo kale wax uu dhulka Soomaalida ka dhigayaa
meel ay ku loolamaan quwado is hirdinaya oo aan dan ka lahayn
maslaxada shacabka Soomaaliyeed. Ururadani (Shabaabka iyo Xisbul
Islaam) waxa ay arimaha u kala horay siin la’ayihiin sida ay u
kala horeeeyaan. Waxa ay daciifiyeen doorkii Islaamiyiinta ee
dawlada Sh.Shariiif. Qaacidada ah "ama Aniga ama waxba hagaagi
maayaan” ee ay waddaadadani ku socdaan waa qaacido ka hor
imanaysa nusuusta Islaamka iyo caqliga toosanba. Waa qaacido
luminaysa kalsoonidii ay wadaadu ka heli lahaayeen shacbiga ay
rabaan in ay maamulaan. Waa qaacido adakaynaysa in nidaam
Islaamiya oo saxi uu ka hanaqaado dhulka ay Soomaalidu ku
nooshahay. Dagaalada joogtada ah ee ay labadan urur kula jiraan
dawlada sheekh Shariif - shaki la’aan- iyana waxa ay
daciifinaysaa mashruucii shareecada Islaamka ee ay (wadaadadni)
ku dhawaaqayaan in ay hirgalintiisa doonayaan.
Culimada Musaalaxada
Waa qaacido sharciya oo Islaamiya in hadii ay laba qolo oo
Muslimiini ahi ay is laayan, heshiiskooda laga shaqeeyo. Hadii
ay heshiiska qolo diidona waa in qoladaas dhinac laga wada
istaago ilaa ay qoladaasi xaqa u soo noqonayso. Sidaa daraadeed
waa arin wanaagsan oo loo baahnaa in culimada Musaalaxadu ay
isku dayeen in ay labada kooxood ee dagaalamaya heshiisiyaan,
laakiin markii ay qolo dhagaysan wayday may ahayn in ay
aamusaan. Hadii ay culimadan musaalaxadu hadli lahaayeen, umada
u cadyan lahaayeen cida heshiiska diidan , isla markaana
shacbiga fari lahaayeen in qoladaas dhinac laga wada istaago,
hadii ay culimadu sidaas yeeli lahaayeen waxa ay u badan tahay
in wax uun la badbaadin kari lahaa. Aamuska culimada Soomaalida
ay intooda badani ay ka aamuseen dagaalada Muqdisho, qaarkoodna
ayba u sifeeyeen FITNO ay tahay in laga dhex boxo ma caawin xal
u helida mushkilada dhex taala waddaadada dagaalamaya. Waxaanay
wax u dhimaysaa uun sumacadii iyo mashruucii waddaadada
Soomaalida .
Xalku waa...
Xalku waa in uu Sheekh Shariif doorkii laga rabay ciyaaro.
Waa in uu saaxada ku soo noqdo hadii aanu waxba ka qaban karin
dhibta jirtana waa in uu xilka uu hayo iska casilaa.
Qolooyinka(Xisbul Islaam iyo Al Shabaab) waa in ay xisaabtooda
dib u eegaan. Hadii ay maslaxada iyo danta Soomaaliyeed ka
fakarayaan waa in ay ogolaadaan heshiis iyo wada hadal ay ka
garnaqayaan culimada Muslimiintu. Culimadu waa in ay cadeeyaan
xaqa, waa in aanay afka xidhan. Cidii Maslaxad diida waa in ay
shacabka kor iyo hoosba ugu sheegaan isla markaana waa in ay ka
qaybqaataan jabinta kuwa heshiiska diidan. Arinta maanta miiska
saarani ma aha Al-shabaab, Xisbul Islaam iyo Dawlada Sh.Shariif.
Waa mustaqablkii umada iyo mashruucii Islaamiga ahaa ee la
doonayay in umada lagu badbaadiyo. Intii danaynaysa mashruucaasi
waa in ay dhinac ka wada istaagaan kuwa raba in ay mashriicaas
god ku ridaan.
Siciid Cali Axmed
Maqaalo.siciid.cali@gmail.com