SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Kaallinta laga Doonayo Jaalliyadaha ku Dhaqan Qurbaha Maxay tahay?

Sanad waliba Xilliyadan ayaa la xidhaa Dugsiyada si Ardaydu ay u helaan nasasho ay ka nasanayaan waxbarashadii iyo Kalahaadii Arooryo , waxaa kaloo ay fursad u tahay Waalidka oo isaguna la qaata Carruurtiisa waqti fara badan oo dheeraad ah taasina ay keento in Waalidku helo Daraasaad dheeri ah oo ku saabsan Waxyaabihii ku soo kordhay Carruurtiisa intii uu ku jiray Xilligii dheeraa ee Waxbarashada, Ardayduna ay u tahay fursad qaali ah oo ay waqti dheeraad ahi u helayaan sidii ay u Xifdin lahaayeen Qu'aanka Kariimka Sababtoo ah waxay helayaan inay Dugsiyada Qu'aanka tagaan 7-Maalmood oo dhan.

Haddaba Xilligaan ayaa wuxuu yahay waqtiga u adag ee Waalidka soo mara Sanad waliba oo qaar ka mid ah Waalidiinta ku abuura walwal iyo Walaac aad u darran , sababtuna ay tahay sidii ay Carruurtooda uga Badbaadin lahaayeen dhaqamada Shisheeye iyo ku milanka Dadka Shisheeyaha ah ee Dhaqamada Xun Xun iyo kuwa isticmaala waxyaabaha Mukhaadaadka ah ee Maanka Dooriya oo laga yaabo inay fursad u helaan ay kula Saaxiibaan , haddaba si taasi looga Badbaado waa in Carruurtaadu ku Xiran tahay Maasjidda iyo Dugsiyada Qur'aanka laga barto , markii aad ka keento Dugsigana waa inaad u heshaa waqti aad ku barto Afka Soomaaliga Dhaqanka , Macluumaadka Diinta , una Diyaarisaa Dhagaysi Muxaadarooyinka, iyo u Diyaargarowga Fasalka Dambe ee uu qaadan doono.

Waddamadan reer Galbeedka ayaa waxaad moodaa in Xilliyada ay Dugsiyadu ay furan yihiin Waalidiinta iyo Carruurtoodu ay waqti dheer isu heli karin Xaaladda oo adag darteed ama ay Hooyada oo keliya laga yaabo inay Carruurtu arkaan halka Aabuhu uu Shaqada ku maqan yahay , Hooyada Soomaaliyeed ay Mudan tahay in Xilkaa ay Qoyskeeda u hayso lagu Ammaano sida ay ula taagan tahay Carruurteeda waqti walba ha noqoto Aroortii ama ha noqoto Galabtii markay Carruurtu soo laabanayaan oo Basasku ay soo Celinayaan Hooyadu waa Heegan oo marna uu Dusheedu uu Barafku ku dhacaa iyadoo u taagan Carruurteeda marna ay Qaraxdu ku dhammaataa Dusheeda .Hooyo waa lama huraan horumarka la jecel reerkeeda iyo Carruurteeda .

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Waddamadan reer Galbeedka ah waxaa saaran Waajib inay Badbaadiyaan Carruurta Soomaaliyeed Dugsiyada , Masaajidda , Maktabadaha, Garoomada lagu Ciyaaro iyo Goobaha Ganacsiga in aad wixii Wanaag ah aad u sheegto wixii Xumaan ahina aad ka reebto si ay Bulshadu u noqoto Bulsho Wanaagsan oo Caafimaad qabta ku Waani Waxbarashada iyo Barashada Diinta iyo Dhaqankiisa Hooyo , si uu Ardaygu uu u noqdo mid Wanaagsan oo ku Barbaara Dhaqanka suuban .

Waalidka Qurbaha ku nool Maxaa ka la Gudboon Carruurtiisa?


1. In Caruurta waqtigan adag ee Dugsiyadu ay Xiran yihiin uu u dejiyo Barnaamij u gaar ah
2. In Waalidku uu u noqdo horseede Ardayga dhinac walba , sida Akhrinta Qur'aanka , Salaadda , iyo ku xirnaanta Masaajidda iyo Goobaha uu Khayrku ka socdo sida Mu'tamarada iyo Muxaadarooyinka.
3. In Caruurta aan si adag la Canaanan ee wax loo sheego si marka hore ay u fahmaan , haddiise aad Canaanato waxaad Ogaataa inuu Ogaaday Qiimaha iyo halka uu ku egyahay Canaantaada kaddibna uu mar walbaa uu iska soconayo ,laakiin haddii aad Xakamayso Canaantaada wuu iska kaa Ilaalinayaa oo ku Xaq dhowrayaa mana Oga waxa aad ku samaynayso Mustaqbalka , sida inta badani dhacdo oo la ogyahay.
4. In Carruurta la baro Qorista , ku hadalka Afka Soomaaliga iyo Murtidiisa dhabta ah ee Dahsoon.
5. In Waalidku raadiyo Goobaha Waxbarashada ee lagaga Caawiyo Ardayda Maadooyinkii ku adkaa Xilligii uu Ardaygu dhiganayey School-ka iyo kuwa uu qaadan doon Sanad Dugsiyeedka Cusub ee soo socda.
6. In Ardaya la farax geliyo si uu u noqdo mid ku faa'isa Waxbarashadiisa inta uga dhiman
7. In lala Xisaabtamo Waqtigiisa halka uu ku bixiyey Maallin walba iyo Week Walba
8. In la weydiiyo Mustaqbalka waxa uu doonayo inuu Barto ama ku Takhasuso waxbarashadiisa
9. In aad Ogaato Carruutaada kuwa ay Saaxiibada yihiin iyo Xaaladooda Dhabta ah sida ay tahay.
10. Carruutu waa Madaxdii Berrito waa inay ku Barbaaraan Wadada toosan si ay Bulshadu u noqoto mid toosan oo ku xiran Alle raxmaan .

Kaallinta laga Doonayo Jaalliyadaha ku Dhaqan Qurbaha Maxay tahay?

Xaalladan ku aadan Xiritaanka Dugsiyada ayaa waxay tahay inay Jaalliyadu u foojignaato abuurtana Barnaamijyo lagu horumarinayo sarena loogu qaadayo Carruurta Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Waddamadan Reer Galbeedka ahi , Sababtoo ah sida aannu hore ugu soo tibaaxnay waa Waqtiga ugu adag ee ay Ardaydu yeeshaan Saaxiibo Khatar gelin kara Naftooda iyo Mustaqbalkooda , waxaanna haboon inay Jaalliyadu isku Meel uga soo wada jeesato sidii ay u Badbaadin lahaayeen Carruurtan Soomaaliyeed ee ku dhaqan Qubaha.
1. In ay Jaalliyaddu abuurto Tartamo Ciyaaraha sida kuwa Kubaddaha Cagta, Kolayga iyo Ciyaaraha fudud .
2. In ay Jaalliyaddu samayso Guddi Waallidiinta iyo Imaamada Masaajidda ah si ay u Ogaadaan Fullinta Qorshaha Barnaamijkan lagu daryeelayo Carruurta Soomaaliyeed laguna Badbaadinayo Noloshooda .
3. In ay Macallimiinta Soomaaliyeed ay ku gacan siiyaan Jaalliyadooda sidii Ardayda loogu faa'idayn lahaa .
4. In Hooyooyinku ahaadaan kuwa ugu horeeya Barnaamijkan Taaba geliya ,Sababtoo ah Hooyadu waxay Dareemaysaa Carruurtu waxyaabaha ay sida Sahlan ugu baahan yihiin ee aan Qof kale Dareemi karrin .
5. Ganacsatada Soomaaliyeed waa inay ka qayb qaataan Barnaamijkan sidii ay uga Caawini lahaayeen Jaalliyadahooda dhinacyada ay uga baahan yihiin sidii ay Carruurtu u heli lahaayeen Maaweelo iyo Badbaado.

Gabagabadii iyo Maqaalkan ku saabsan Xilligga ay Dugsiyadu xiran yihiin iyo Kaallinta Jaalliyadaha Qurbaha ayaa waxaad moodaa in isku duubnida Bulshada Soomaaliyeed ay dhallin karto Bulsho Caafimaad qabta oo Carruur iyo Ciroolaba u midoobaan horumar iyo guul lana heli karo Aqoonyahanno, Culumaa'udiin ,Hooyooyin u taagan sidii ay Jaalliyadooda u Midayn lahaayeen , waxaanna hubaal ah in Midnimadu ay tahay Geed miro leh haddii la waayana ay Bulshadu habow noqonayso oo ay ku Milmayso Quruumaha ay Dhex deggan yihiin . Haddaba si loo badbaadiyo Carruurta Soomaaliyeed waa in la Midoobaa.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daadurey)
Abdulkadiryusuf@students@msbcollege.edu

Faafin : SomaliTalk.com | June 20, 2009

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 


Dhul-Badeedka Soomaaliya

:SOMALIA: STOLEN FOOD AID:
deeq
Video: Deeqda/cuntada la xado Qaxootiga Soomaaliya. Daawo



Axmad Walad Cabdalla oo Muujiyay in uusan ka war hayn Akhbaarta ku Saabsan Qalfoofka Qaaradda Badda ee Soomaaliya u Gudbisay Qarammada Midoobay ee uu isagu Diyaariyay....



Faarax Qare: Calaamada Kenya iyo Soomaaliya waa Xariijin kala cad.. iyo Kenya & Soomaaliya oo Raadinaya Xallinta Muran Dhuleedka...
Akhri/Daawo


prof ibbi
Dowlada KumeelGaarka ah oo Markale Heshiiskii Nairobi Difaacday, Qirtayna in Kenya Badda Soomaaliya Kusoo Xadgudubtay Akhri/Daawo...


wasiir
Kenya oo 2005 la soo Xiriirtay DFKMG ayadoo Doonaysay in ay wada hadal furaan ama sheegasho ku saabsan qayb ka mid ah Badda Soomaaliya.


UN
Shirka Jaraa'id ee Xoghaynta Guddiga Xadaynta Badaha - oo Sheegay Hadallo Daaha ka Rogay Arrimo ay Madaxda DFKMG ku dadaalayeen in aan shacabku ogaan:


caruusha
Isbarbar dhig Heshiisyadii Caruusha iyo Nairobi... Akhri..



Bayaan ay soo saareen Jaaliyadda Soomaaiyeed -Yurub



DHAXALWAREEG ( Gabay Cusub) - Eng. Cibaar



"...haddii aad tagtid Archive-ka ama Libreeriga Congress-ka Maraykanka waad heleysaa EXACTLY BEARING-ka (jihada xadku u socdo) oo ilaa inta uu qalin gaaro ku tusaysa, waa wax record-kii meesha jiro (Diiwaan). Akhri..



Barnaamij ay ka qayb qaateen  Prof. Cabdi I.Samatar  iyo Eng. Maxamed Cali  oo ku saabsan dhul-badeedka Somalia
Dhagayso ama
Soo rog



Xasan Dhooye oo faahfaahiyay Heshiiskii Kenya & Soomaaliya
Q.1aad: Dhagayso ama soo rogo
Q.2aad: Dhagayso ama
soo rogo



Barnaamij ku saabsan xuduudaha badaha ee Radio Codka Beesha



ka hor daabacaadii cilmi-baarista


HESHIISKII IS AFGARAD

Heshiiskii Is Afgarad ee Kenya iyo Soomaaliya: Af-Soomaali
| English Version